6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Soomaaliya waxay maraysaa marxalad xasaasi ah, doorashoyiinka dib u dhacay awadeed.

Tafaftirka Hiiraan Online
Arbaco, December 15 2021 

Doorashooyinka ayaa sida caadiga ahba loo arkaa inay yihiin hannaan iyo astaan ​​habraaceed lagu garto nidaamyada siyaasadeed ee dimuqraadiga ah. Waa hab sharciyeed muhim ah oo loogu talagalay nidaamyada dowliga ah iyo jilayaasha siyaasadda inay ku helaan oggolaansho. Si kastaba ha ahaatee, doorashada sida xun loo maamulo waxay horseedi kartaa dib u soo noolaynta colaadaha, maadaama laga yaabo in natiijaada ka soo baxda sharciyadeeda lagu loolamo , taasina ay keeni karto in aanay sharciyad u yeelan xukuumadda cusub iyo hoggaankeeda inay si la isla wada oggolyahay dalka ku maamulaan.

Sidaa darteed, in laga hirgaliyo doorashooyin dalalka colaadaha ka soo kabanaya si loo xoojiyo nabadda mar walba ma aha mid sahalan.

Laakin sawirka dooraasho ee Soomaaliya mar walba ma ahayn mid cakiran, waxaana hore u soo qabsoomay doorashooyin dadban oo isdaba joog ah iyadoo si nabad ah xukunka ugu kala wareegeen madaxdii hore ilaa iyo sannadkii 2004-tii. Waxay ugu yaraan ahayeen nidaam doorasho la isla ogolyahay.

Dowladda Federaalka ayaan qaban doorasho hal qof iyo hal cod ah, sida ay horay u ballan qaaday. Doorashada hadda socotana waxaa hareeyay eedeymaha musuq-maasuq baahsan iyo khilaafyo, iyadoo ergada wax dooraneysa iyo musharixiintaba la sii ogyahay cidda guuleysaneysa.

Waxaa xaqiiqo ah in doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaa, had iyo jeer ay ku salaysanayeen in marba cidda xukunka markaa joogta ay sidii ay donaan ugu tagri-falaan, balse doorashada hadda socotaa maahan mid si wanaagsan loo abaabulay, waxay horseeday khilaafyadii ugu badnaa, walina waxaa jira kala aragti duwanaansho weyn. Haddii aan xaaladdan si degdeg ah loo xallin, dimuquraadiyadda curdunka ah iyo dowlad dhiska Soomaaliya ayaa khatar geli karta.

Heerka uu gaarsiisanyahay musuq-maasuqa doorashada ayaa ah mid qof walba arki karo oo bannaanka yaal. Doorashadii midan ka horeysay ayaa 275-ta xubnood ee Aqalka Hoose waxaa soo doortay 14,025 ergo, halka 54-ta xubnood ee Aqalka Sare ay soo doorteen Barlamaanada Dowladda Goboleedyada dalka.

Waa run in jilayaasha siyaasadda Soomaaliya ay ku mashquulaan hirgalinta hab doorasho oo ku saleysan ka dhabeynta rajada ay qabaan. Laakin, si ka duwan doorashada hadda socota, waxaa iska cad in doorashooyinkii hore ay suurtagaliyeen natiijo ka dhalatay isafgarad iyo heshiisyo siyaasadeed.

Soomaaliya waxaa lagu waday inay dowlad cusub yeelato 8-da Febraayo 2021, ilaa iyo hadda doorashada Aqalka Hoose lama dhameyn. Dowladda iyo mucaaradka ayaa midba midka kale ku eedeynaya dib u dhaca doorashada.

Musuqmaasuqa baahsan ee doorashada wuxuu halis gelin karaa kalsoonida lagu qabi karo doorashada iyo rajada bulshada. Waxaana ka dhalan kara inay wiiqmaan isla-xisaabtanka iyo sharciyadda hey’adaha dowliga ah. Ma jiraan korjoogteyn iyo daahfurnaan madaxbanaan.

advertisements
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu isagu magacaabay ku wareejyay maamulka doorashada wixii ka dambeeyay isku daygii muddo kororsiga labada sanno, wuxuuna iska bari yeelay in dib u dhacyada doorashada aysan ahayn mid uu mas’uul ka yahay, isagoo tilmaama in maamulka doorashada iyo wixii quseeya uu Ra’iisul Wasaaraha la wareegay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa dib u dhacyada iyo qaladaadka ku eedeynaya dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo guddiyada doorashada. 

HOL kaliya kama walaacsana dib u dhacyada, sababtoo ah tani waa calaamad muujinaysa dhibka ka jira doorashada Soomaaliya oo ah khaladaadka maamul ee doorashada.

Dowlad goboleedyada iyo howlwadeenada dawladda federaalka ayaa tageerayashooda iyo kuwa daacadda u ah xildhibaanno u sharaxay, si ay codad uga helaan xilliga doorashada. Waxaa soo ifbaxaya fadeexado badan oo hareeyay kuraasta qaar Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka. Waxaa soo baxay cabashooyin ay qabaan Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo musharixiinta kale ee la midka ah oo ka cabanaya musuq-maasuq doorasho. Oday dhaqameedyada ayaa warbaahinta uga cawday in loo diiday inay jufooyinkooda matalaan haddii aysan taageersanayn xubnaha ay dowladdu wadato.

Hannaanka doorashada waxaa dib u dhigay jadwalka oo aan isla soconin iyo doorashada kuraasta oo dhowrkii isbuuc tiro yar la qabto. Waxaa intaa sii dheer in nidaamka xalinta khilaafaadka aysan daahfurneyn mararka qaarna lagu eedeeyo eexasho. Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiyada Dadban ee Heer Dawlad Goboleed waxay ka kooban yihiin inta badan shaqsiyaad dawladda iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ay soo xuleen. Masuuliyiintan ayaan laga filan karin inay u cadaalad falaan musharaxiinta aan taageersanayn siyaasadda madaxda iyaga keenay.

Mucaaradku waxay ku dodayaan inay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen hanaanka doorasho oo xor iyo xalaal ah. Waxay ku hanjabeen inay ka baxayaan doorashada. Waxaa jira khatar haddii mucaaradku bilaabaan hannaan isbar-bar socda maadaama ay tani daboolka ka qaadi karto jilayaal kale. Waxaas oo dhan marka la isu geeyo waxay horseedi karaan xasilooni-darro siyaasadeed iyo inay dib u soo laabtaan rabshadihii Febraayo 2021. Haddii ay taasi dhacdo, waxaa laga yaabaa inay lunto fursadii doorasho.

Hubanti la’aanta doorashada ayay durba saameynteeda muuqataa. Al-Shabaab ayaa wali ah khatar, iyadoo wararku sheegayaan inay canshuur xad dhaaf ah ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed, xilli madaxdii isku heystaan arrimaha doorashada.

Wadamada taagta daran ee Soomaaliya oo kale ah ayaa la dhibtooday doorashooyinkii sida qaldan loo maamulay. Doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Afgaanistaan ​​oo ay si weyn u hareeyeen musuqmaasuq doorasho iyo khilaafyo ayaa wiiqay sharcinimada dalkaas, waxayna ugu dambeyntii soo dedejisay burburkii dowlada. Doorashooyinkii Ciraaq waxay la kulmeen dhibaatooyin la mid ah, taasoo keentay inay siyaasiyiintu kala aamin baxaan, taasoo sii hurisay hubanti la'aan, keentayna qalalaase siyaasadeed iyo amni. Itoobiyana kama reebna. Loolan awoodeed ka dhex jira qowmiyadaha iyo muran doorasho ayaa ka mid ah sababaha keenay dagaalka qowmiyadeed ee hadda socda.

Si loo badbaadiyo doorashada Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaruhu waa inuu ka soo dhalalaa kalsoonidii Baarlamaanku siiyey si uu doorasho u gaarsiiyo dalka.

Guddiyada doorashadu waxaa la gudboon inay si cadaalad ah u gutaan shaqadooda, sababtoo ah go'aanada ay qaataan aya saameyn ku yeelan kara jihada Soomaaliya ay qaado sanooyinka soo socda. Mucaaradku waxaa iyagana la gudboon inay xal nabadeed wax ku doonaan si looga gudbo ismari-waaga doorashada oo aan saamayn ku yeelan doonin oo kaliya dawladda, balse sidoo kale saameyn doona hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo guud ahaan gobolka.


Hiiraan Online Editorial
[email protected]


 





Click here