6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Falanqaynta & Falcelinta Buuga (Danjire)
By Elmi Dhigal
Wednesday - December 15, 2021

 

Buuga danjire ee uu qoray Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ee waliba uu u hibeeyay labadiisa waalid ee kala ah hooyo Xaawo Muudeey Gacal iyo aabo Cali Nuur Xuseen (Ameeriko) waa buug xasuus qor ah oo ka hadlaya waayihii kala duwanaa ee uu qoraaga buuga usoo joogay dhib iyo dheefba ayadoo waliba kaligiis aysan ku koobnayn taariikhda buugakan ku xusan ee ay tahay mid ka waramaysa dhamaan qoyska qoraaga buuga waliba ayadoo qaarkood ay geeriyoodeen oo aysan ahayn dad dunida guudkeeda saran maanta.

Buuga oo ka kooban sagaal cutub iyo laba boqol iyo sideed bog waxaa uu si waadix ah oo cad u qeexayaa cutub kasta mowduuc, tusaale ahaan cutubka koowaad oo aad u kooban waxaa uu qeexayaa “Hogaamiye” ayada oo uu qoraagu ku bilaabayo sharaxaad ku saabsan ereyga hogaamiye Meesha uu ka yimid taas oo u uku macneeyay in ay ka timid ereyga hogaan oo ah xariga lagu xiro awrta ama geela, sidoo kale qoraagu waxaa uu ku sharaxayaa isla cutubkaas ahmiyada hogaamiyahu uu u leeyahay bulshada ilaa uu waliba si hoose usii sharaxo calaamadaha lagu garto hogaamiyaha. Sidoo kale cutubka labaad oo uu qoraagu uga hadlay aabihiis Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) xiiso gaar ah ayuu lahaa saa maxaa yeelay waxa uu qoraagu kaga sheekeeyay taariikhda bilaaw ilaa dhamaad ee aabihiis, waqtigii uu baadiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe joogay iyo qaabkii uu magaalada Muqdisho kusoo galay, sidoo kale taariikhda arooskiisii ugu horeeyay ee qoraaga aabihiis u uu ku guursaday hooyada dhashay qoraaga, sidoo kale guurkiisii labaad kadib markii ay geeriyootay xaaskiisii koowaad.

Waxaa kale uu kaga sheekeeyay mihnada shaqo ee qoraaga aabihiis Cali Nuur (Ameeriko) oo ahayd ganacsi makhaayado ah oo ku yaalay magaalada Muqdisho, taas oo ku tusinaysa in Cali Ameeriko uu ahaa nin shaqaysta reerkiisana irsiq xalaal ah in uu usoo shaqeeyo ku dadaali jiray, isla cutubkaas waxyaabaha xiisaha leh ee ku qoran waxaa kamid ah gundhiga taariikhda qoraaga buuga oo ah Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) xiligii uu dhashay meeshii uu ku dhashay, iskuuladii uu soo dhigtay, qaabkii uu usoo barbaaray, ilaa iyo uu kasoo roonaado oo uu iskuulka sare uu ka baxo. Waxyaabaha kale ee xiisaha leh ee isla cutubkaas ku xusan waxaa kamid ah sawirada danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) aabihiis iyo hooyadiis ALLAHA u naxariistee taas oo ku tusinaysa in galka iyo taariikhda qoyska reer Cali Nuur (Ameeriko) si fiican loo xifdiyay oo lagu dadaalay maxaa yeelay badanaa ma dhacdo in qoysaskii soomaaliyeed ee waqtigaas joogay sawiradooda taariikhiga ahaa ay wali kaydsanaadaan maxaa yeelay qaarkoodna way dhumeen, qaarna waagaas sidaas uma il baxsanayn oo sawir iyo taariikh kale oo la kaydsado ma aysan aqoon.

Cutubyada sadexaad iyo afaraad-na waxaa uu uga hadlay taariikhda safarkiisii uu waxbarashada ugu aaday wadanka Maraykanka iyo waliba kadib markii uu soo dhamaystay waxbarashadiisii jaamacadeed ee uu dib ugu soo laabtay wadankiisii hooyo ee soomaaliya, labadaas waxa uu si faahfaahsan uga hadlay waqtigii uu jaamacada ku jiray xaaladiisii nololeed sida ay ahayd shaqooyinka uu ku dhinac waday jaamacada, asxaabtiisii iyo waliba inuu dalka dib ugu laaban jiray xiliyada fasaxa si uu aqoontiisa dalkii iyo dadkii uga faa’iideeyo, qoyskiisana uu usoo booqdo, markii uu soo dhamaystayna uu si guud wadankii ugu soo laabtay asaga oo raacaya talada aabihiis Cali Nuur (Ameeriko) halkaas oo uu shaqadiisii ugu horaysay uu Bankiga dhexe uga bilaabay.

Halka cutubyada shanaad iyo lixaadna uu uga hadlay qoyskiisii iyo waliba dowladihii uu lasoo shaqeeyay, taas oo uu ku faahfaahiyay taariikhda guurkiisii ugu horeeyay ee 1987-kii iyo caruurtii u dhashay, kadib guurkiisa iyo waliba taariikhdii foosha xumayd ee weerarkii lagu soo qaaday guriga reerkiisa oo asagana lagu afduubtay, rasaastii lagu furayna ay ku dhimatay gabadhiisii Yaasmiin Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo markaas jirtay sanad iyo bar, sidoo kale waxaa uu uga hadlay taariikda xilalka uu kasoo qabtay dowladii uu madaxweynaha ka ahaa mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo qaababkii uu xilalkaas ku helay.

Cutubyada todobaad iyo sideedaadna waxa uu aad ugu nuuxnuuxsaday taariikhaha samafaladii uu qaybta ka ahaa iyo waliba socdaalkiisii nabada ee uu gobolo badan oo dalka kamid ah iyo dalal qurbaha ahba uu kusoo maray. Cutubka ugu danbeeya ee sagaalaadna waxa uu uga hadlay danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) siyaasadiisa asagoo ku sharaxaya sida uu u arko sooyaalka siyaasada soomaaliya, dhibaatooyinka iyo caqabadaha asaga u muuqda inay jiraan iyo waliba sida loo xalin karo.

Dhaliisha Buuga

Maadaama uu buugu yahay (Autobiography) ka sheekeeynaya taariikh nololeedka danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), qofka buuga qorayna uu isla asaga uu yahay waxay ku qurux badnaan lahayd in loo qoro qaab (First person) ah oo micnaheedu tahay qofkii koowaad kana turjumaysa in qofka buuga qoray uu isla asagu isaga hadlayo, tusaale ahaan in uu isticmaalo erayada sida “Aniga oo ah Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo waxaas iyo waxaas qabtay” laakiin sida ka muuqata buugaan intiisa badan waxaa loo isticmaalay (Third Person) oo micnaheedu tahay sida in uu qof sadexaad uu soo warinayo taariikh nololeedka danjiraha Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), tusaale ahaan cutubka 4-aad bogga 55-aad waxaa loo qoray sidatan “Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) markuu wadanka ku soo laabtay wuxuu shaqo ka bilaabay bankigii dhexe ee Soomaaliya” taas waxa ay ku tusinaysaa in loo qoray qaab ah in qof kale uu soo warinayo taariikdaas oo kale.

Sidoo kale sida bogga 6-aad ee faalada buuga uu ku sheegay qoraaga buuga, buugaagta noocaan oo kale markii la qoraayo waa in qofku uu ka run sheego taariikda iyo sida ay wax u dhaceen oo idil, sidaas darteed waxaa buugaan ku jira taariikha dhowr ah oo qaarna in su’aalo laysa weydiiyo mudan iyo qaar sida ay wax u wada dhaceen aan loo wada sheegin sidaas darteedna u baahan in la soo bandhigo, waxaana kamid ah taariikhahaas cutubka 6-aad gaar ahaan qaabkii uu danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ku helay shaqadiisii ugu horaysay ee uu uga shaqo bilaabay xafiiska raysalwasaarihii xiligaas mudane Cali Maxamed Geedi, kadibna uu uga dalacay safiirka Soomaaliya ee wadana Kenya, sida buuga ku xusan ee uu qoraagu u qoray taariikhdaas ayaa su’aalo badan ka dhalan karaan, maxaa yeelay qoraaga buugu waxa uu leeyahay asaga iyo aabihiis ayaa waxa ay waceen raysalwasaare Cali Maxamed Geedi kadibna raysalwasaaraha ayaa codsaday in Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) uu Nairobi yimaado si uu ula shaqeeyo taas oo xoogaa shaki abuuri karta ah maadaama danjiraha iyo aabihiis ay waceen ayagu raysalwasaaraha oo uusan asagu uusan soo wacan ay muuqan  karto cidda danta leh, taas oo dadka qaar ay qabi karaan in reer Cali Nuur (Ameeriko) ay ayagu waydiisteen shaqada amase ay (Signals) ay u direen, laakiin waxay ahaataba waa arrin ay su’aal ka imaan karto.

Arrinta kale ee qoraaga buuga uusan sii faahfaahin ayaa ah taariikhda dilka gabadhiisa Yaasmiin oo ahayd waxyaabaha ugu waawayna ee buugaan dadku ay u danaynayeen inay wax badan uga ogaadaan, laakiin nasiib daro taariikdii rasmiga ahayd ee la dilay iyo faahfaahin kale oo dheeri ah laguma soo qorin buuga, sidoo kale sheekada ninkii kamidka ahaa dablaydii guriga soo weerartay maalinkaas ee danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ugu yimid Muqdisho ee cafiska weydiisan jiray xitaa taariikhdaas laguma xusin buuga, taas oo ka dhigaysa in taariikhda dilkii Yaasmiin aysan ku dhamaystirnayn buuga.

Sidoo kale cutubka 8-aad gaar ahaan bogga 134-aad ee qaybta ka ahaa socdaalkii nabada waxaa jirta taariikhda qayb ee uu qoraaga buuga uu si duurxul ah uga booday taas oo ku saabsanayd safarkiisii uu ku tagi lahaa magaalada B/weyne asagoo ka soo kicitimay dhanka Galmudug gaar ahaan Dhuusamareeb taas oo loo diiday in uu ku tago magaalada B/weyne ee caasimadda gobolka Hiiraan, danjiruhu markuu taariikdaas uga hadlayo buuga waxa uu leeyahay arrimo farsamo darteed ayay u suurta gali waysay in uu tago magaaladaas, taas oo aanan xaqiiqda ka turjumaynin maxaa yeelay xaqiiqdu waxa ay tahay gudoomiyihii xilgaas ka talinaayay gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa u diiday in uu B/weyne tago isla danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaana xiligaas wareysi uu siiyay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ku cadeeyay arrintaas, laakiin sababta uu danjiruhu xaqiiqa sida ay wax u dhaceen ugu xusi waayay buugana waa su’aal is weydiin mudan, maxaa yeelay taariikhaha noocaan oo kale ah markaad wax ka qorayso waxa ay ku haboon tahay in aadan waxba ka tagin oo aad kuligood sida ay u dhaceen aad u wada sheegto si bulshada akhrisan doonta ay taariikhda oo dhamaystiran u wada helaan xogteeda.

Gabagabadii, run ahaantii buugaan oo hada helay shacbiyad aad u balaaran meelo kala duwana lagu soo bandhigay waxa uu irida u furi doonaa dad badan oo bulshada dhexdeeda magac ku dhex leh asaga oo ku dhiiri galin doona inay ayaguna ku dhiiradaan in ay wax ka qooraan taariikh nololeedkoodii oo dhamaystiran si jiilalka kala duwan ee ka danbeeya ay wax uga bartaan, wixii u saxmayna ay uga daydaan, sidoo kale waxa ay dhaqanka noocaan ah ee qoraalka buugaagta ay wax ka badali doontaa dhaqankii Soomalida ee soo jireenka ahaa ee lagu tilmaami jiray (Oral society) ama bulsho af-maal ah, laakiin aan qoraalka ku fiicnayn.

Ugu danbayn faaladaan dib u eegista ah ee buuga (Danjire) waa faalo ka turjumaysa aragtida qaaska ah ee akhristaha qoray faaladaan iyo sida uu u arko markii uu akhristay guud ahaan buuga sagaalkiisa cutub oo idil.

Elmi Dhigal
PRO member of Royal Instituite of Public Relations (UK)
Member of the Royal Insituite of International Affairs (Chattam House)
Member of GreenPeace International
Facebook.com/elmidhigal
Twitter.com/elmidhigal
Elmidhigal.blogspot.co.uk
[email protected]


 





Click here