6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xiriirka ganacsi ee dhaxmaray Soomaaliya iyo Turkiga 10`kii sano ee ugu dambeysay (2011-2020).
Dr. Saadaq Mohamud Hassan (Ph.D Economics )
Thursday July 7, 2022


Safaarada Turkıga ee Mogadishu waxaa la furay 1979`kii, lkn 1991 dagaal sokeeye oo ka dhacay Soomaaliya awadeed ayaa  albabada la isugu dhuftay. Sanadii 2011`ka abaaro xoogan oo ku dhuftay Soomaaliya darteed ayuu Turkigu gudaha u soo
galay marlabaad asigoo kaalmo gargaar u wado shacabka Soomaalida oo markaas abaar xun la daalaa dhacayay. Cawinaadaas waxa ay ku kaceysay lacag dhan 201 Milyan Dolar.

1/11/2011 ayaa dib loo furay safaaradii Turkiga ee Mogadisho. Maanta labada dal xiriirka ka dhaxeeyo dhan walba aad ayuu u xoooganyahay.

Waxaan qoromadaan ku eegeynaa xiriirka ganacsiga dibada ee ka dhaxeeya labada dal ee walalaha ah  weliba angoo eegeyna 10`kii sano ee ugu dambeysay ( 2011-2020).


10`ki sano ee ugu dambeysay( 20211-2020) waxaa si xowli ah u kordhaayay ganacsiga dibada ee u dhaxeeya labada dal walalaha iyo saaxibada ah ee Somalia iyo Turkiga. İnkastoo ganacsiga
labada dhinac uu san ahey mid dheeli tiran isla markaasne dowlada Turkiga ay tahay  tan faa!idada ugu badan ka hesha.

Xajmiga ganacsiga ee labada dal  ka dhaxeeya Sanadii 2011`ka waxa uu qiimo ahaan ahaa 42 Milyan Dolar, waa xiligii dowlada Turkiga ay Soomaliya gudaha u soo gashay iyadoo cawimaad
la soo gaartay shacabka soomaliyeed oo markaas abaaro daran la tacaalyay.

Wixi cawimadaas kadabeysay dowlada Turkiga waxa ay bilowday in ay ka shaqeyso soo kabashada dowladnimada Somaaliyeed iyadoona bilowday in ay ka shaqeyso dhisida kabayaasha
dhaqaalaha, arimaha bulashada iyo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

(Kabyaasha dhaqaalaha: wadooyinka qaar , dekada Mogadisho, garoonka diyaaradaha Mogadisho.  Arimaha bulshada: Xarumo cafimaad iyo goobo waxbarasho).
6 sano kadib (2016) xajmiga ganacsi labada dal waxa uu kor u dhaafay 100 milyan dolar asigoona noqday 118 milyan oo dolar.

219`kii 4 sano kadib marka loo eego sanadii 2016 xajmiga ganacsi waxa uu kor u dhaafay 200 milyan oo dolar asigoona noqday 250 milyan oo dolar. Sandkii la soo dhafay ee 2020`ka xajmiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu noqday guud ahaan  270 milyan dolar ( dhoofin: 4 milyan oo dolar,  soodhoofin 266 Milyan ee dolarka mareykanka).

Lacagta Soomaaliya ka soo gasho ganacsiga dibada ee Turkiga kala dhaxeeya waa 4 Milyan Dolar, halka lacagta dolwada Turkiga ay ka faa`ido ganacsiga kala dhaxeeya Soomaaliya ay
tahay 266 milyan, Taas waxa ay cadeyneysaa faa`idada xad dhaafka ah ee dowlada Turkiga ay ka hesho ganacsiga dibada ee Soomaaliya kala dhaxeeya.

20 sano kadib (1991-2011) markii uu dib u bilowday xiriirka wadashaqeyn ee labada dowladood, dhanka kale waxaa is dhaxgal iyo ganacsi is dhaafsi u bilowday labada shacab.

Ganacsato Soomaali ah ganacsigooduna ku xirnaa qaar kamid ah dalalka Bariga Dhaxe, Shiinaha iyo qaar kamid ah dalalka Afrika ayaa bilaabay in ay ganacsigooda iyo wax soo dhoofintooduba
u wareejiyaan dalka Turkiga, ganacsatada Soomaalidu waxa ay bilaabeen in ay xiriir ganacsi la sameystaan shirkada Turkigada taas oo sabab unoqotay in waxbadan laga soo dhoofiya Turkiga
isla markaasne ganacsiga arimaha dibada ay dowlada Turkiga uga faa`ido badato Soomaaliya.

Sida garafkaan ka muuqata waxaa 10`kii sano ee ugu dambeysay sare u kac xoogan ku imaaday soo dhoofinta badeecada laga soo dhoofinayo dalka  Turkiga.

2011`kii badeecada ganacsatada Soomaalida ay ka  soo dhoofiyaan  dalka Turkiga qiimo ahaan waxa ay aheed 39,5 Milyan Dolar, 10 sano kadib soo dhoofinta badeecadaha dalka Turkiga waxa ay qiimo ahaan ku kaceysaa 266 Milyan Dolar, taas oo kadhigan in uu jiro korar %573’ Waa korarka ku imaady qiimaha badeecada laga soo dhoofinayay dalka Turkiga inta u dhaxeysay(2011-2020).


Ka horta inta aysan Turkigu marlabaad gudaha usoo gelin Soomaliya (Kahor 2011) , xajmiga ganacsi ee labad dal ka dhaxeeyay qiimo ahaan waxa uu ahaa 42 Milyan Dolar, badeecada ganacsatada Soomaalida ay u dhoofiyaan Turkiga dakhliga ka soo xaroodo waxa uu ahaa 2.4 Milyan Dolar oo keliya.

Sida garaafka ka muqata 10 sano gudahood  dhoofinta Soomaaliya ee Turkiga dakhliga ka soo xarooda  waxa uu  noqday 4.8 Milyan oo dolar(2020) taas oo ka dhigan in uu jiro kobac dhan 100%.


Marka aan fiirino garaafkaan kor ku xusan  waxaa inoo muuqaneysa in xajmiga ganacsi ee labad
dal  ka dhaxeeyo uu si xowli ah  kor ugu socday 10 kii sano ee ugu dambeysay, qaasatan waxaa
uu  aad u sii kobcay 5`tii sano ee ugu dambeysay ( 2016-2020). Xiligaas uu ahaa 118 Milyan Oo
Dolar asigoona 2020`ka gaaray 270 Milyan Dolar taas oo ka dhigan in shnatii sano (5) ee u gu
dambeysay uu kobcay 128%.

Dabcan qeybsiga 270`ka Milyan Dolar sida aan horay u soo xusanaba 266 Milyan Dolar oo ka
mid ah waxaa faa`ido ahaan u qaatay dalka Turkiga, halka Soomaaliya ay ku soo aaday 4 Milyan
Dolar oo keliya.


Sida caadiga ah waxaa loo baahnaa in ganacsiga dibada ee labada dal ka dhaxeeyo uu noqdo mid
isku dheeli tiran oo labada dhinacba  qarashaadka ka baxaya iyo dakhliga soo galayo uu  isku
mid ahaado ( X=M) .

Tusaale dakhliga Soomaaliya uga soo xaroonayo wax dhoofinta ama badeecada ay u iib geyso
Turkiga waa in uu haqab tiri karaa qarashaadka ay wax uga soo dhoofsaneyso dalka Turkiga.

Wakhti xadirkaan Soomaaliya  dakhliga ka soo galo badeecada ay Turkiga u dhoofiso  waa 4
Milyan oo Dolar  keliya, halka qarashaadka uga baxo marka ay Turkiga wax ka soo dhoofineyso
yahay 270 milyan Dolar. Taas oo ka dhigan  in Soomaaliya sanadkii 2020`ka ganacsigii ay
Turkiga la gashay in ay jeebkeeda ka bixisay 270 Milyan  Dolar  kuna dhacday gacanta  dalka
Turkiga.

Dhanka kale jeebka Turkiga waxaa ka soo baxay keliya 4 Milyan oo dolar. (4 Milyan
Dolar-270 Milyan dolar = -266 Milyan Dolar). Sida awadeed qabayada  dhnka ganacsiga dibada
(Foreign Trade Deficit) ee Soomaaliya kala dhaxeeya Turkiga ku noqoneysa -266 Milyan Dolar.

Hadii aan fiirino keliya sanadkii ugu dambeeyay ee 2020`ka , dhoofinta Soomaaliya ee Turkiga
kana soo xaroonayay dakhli 4 Milyan Dolar ah ((4,802,387/266,142,490) =0.018*100=1.8)
keliya1.8% ayuu dakhligaas ha qabtirtay soo dhoofintii Soomaaliya ee Turkiga kuna kaceysay
270 Milyan oo dolar.

Xaalada amni xumida ee Soomaaliya ka jirta marka ay soo hagagto waxaa la rajeynaa in
shirkadaha ganacsiga Turkiga iyo kuwa Soomaalidaba ku soo dhiiradaan maal gashiga
Soomaaliya isla markaasne dhoofiyaan badeecooyinka Soomaaliya lagu soo saaray taas oo ka

dhigan in wax dhoofinta Soomaaliya ee Turkiga iyo dunida kalaba kor u kici doonto
Mustaqbalka hadii alle idmo.

Qore: Dr. Saadaq Mohamud Hassan (Ph.D Economics )
Email: [email protected]


 





Click here