4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Adeegyada ay u baahan tahay Caasimadda Muqdisho
By Adam Abdulle
Tuesday June 28, 2022

Qaybta Koowaad:

Maareynta Qashinka (Waste Management)


Qashinka lagu shubo agagaarka xeebta Jazeera (Xuquuqda sawirka Hiiraan Online April 2016)


"Waxaan ugu noolnahay meerahan sidii inaan haysanno mid kale oo aan aadno".

–Terry Swearingen

Maareynta qashinka (ama qashin-qubka) waa hababka loo maareeyo qashinka. Qashinku, waxa uu noqon karaa adke, dareere, gaas iwm. Nooc kasta oo qashin ah waxa uu leeyahay qaab loo asturo ama loo maareeyo. Ujeedada ugu weyn ee loo maareynayo qashinka waa in la yareeyo saameynta, waxyeelada iyo khataraha caafimaad, dhaqaale, deegaan iyo bulsho ee ka dhalan kara qashinka.

Qashinku waxa uu bulshada u keenaa caafimaad-darro, waxa uu magaalooyinka ka dhigaa meel wasaq ah oo aan udgooneyn oo ay adag tahay in lagu noolaado, waxaa kale uu deegaanka ku yahay khatar weyn oo ay tahay in laga hortego ama la maareeyo.

Bilowgii ilbaxnimada aadanaha, dadka ku nool magaalooyinka waxay qashinka ku soo tuuri jireen waddooyinka iyo jidadka. Hase ahaatee, markii la ogaaday khatarta faraha badan ee uu leeyahay qashinku waxaa dhacday in sharciyo ama xeerar laga soo saaray asturaadda qashinka. Waxaana ka mid ahaa in qof walba mas’uul ka yahay in gurigiisa ama goobtiisa ganacsi nadiif ahaato. Si arrinkaasi u fududaadana waxa ay boqortooyinkii ama dowlidihii jiray dadka ka caawin jireen uruurinta, asturidda iyo baabi’inta qashinka.

advertisements
Islaamku aad ayuu u booriyay nadaafadda. Waayo Diinta Islaamka waa diinta nadaafadda. Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan ama dhowr iyo lixdan qaybood, midka ugu hooseeyana waa dhibta (qashinka iwm) oo laga leexiyo waddada.
Sidoo kale, diinteenna suubban waxa ay tilmaameysaa in nadaafaddu tahay iimaanka barki.

Kama mideysna dunidu hannaanka loo maareeyo qashinka. Waxaa laga yaabaa in waddamada horumaray ay isticmaalaan hannaanka casriga ah ee maareynta qashinka, halka waddamada soo koraya ay adeegsadaan qaabab duug ah ama aan casri aheyn.

Qashinka waxaa loo maareeyaa qaabab kala gedisan, waxaana ka mid ah:

·         In la uruuriyo qashinka, la raro, lana asturo ama dib looga faa’ideysto.

·         In la sameeyo bullaacado ama biyo-mareenno ay maraan biyaha wasaqda ah.

·         In la sameeyo wacyi-gelin ku aaddan qashinka iyo khataraha caafimaad, bulsho, xayawaan, deegaan iyo dhaqaale ee ka dhalan karta haddii aan si fiican loo maareyn.

·         In lala yimaado hannaan lagu yareynayo (reduce), dib loogu isticmaalayo (re-use), ama dib loogu warshadeynayo (recycle) qashinka.

·         In la sameeyo sharciyo la xiriira maareynta qashinka.

·         In bulshada lagu dhiirriggeliyo in ay isticmaalaan qashinka (bacaha) ay fududdahay in ay baaba’aan ama in ay isticmaalaan agabyada kale ee aan deegaan dhibta u keeneyn (dambiil, sallad, qariirad iwm).

·         In la sameeyo godad qashin qub ah oo waaweyn (landfill).

·         In la gubo qashinka (incineration).

·         In laga caawiyo bulshada in ay helaan meelo ay qashinka ku sii uruuriyaan inta laga daabulayo (residential, business waste pickups, and roll-off dumpsters).

In si fiican loo maareeyo qashinka waxa ay dowr muhiim ah ka qaadataa in la helo magaalooyin waqti dheer jiri kara, laguna noolaan karo. Balse, maadaama lacago faro badan ay ku baxaan maareynta qashinka waxa uu arrinkaani caqabad weyn ku tahay waddamo badan oo soo koraya. Tusaale, waxaa la qiyaasaa in miisaaniyadda ku baxda maareynta qashinka ee dowladaha hoose gaareyso  20% - 50%. Si caqabadan loola tacaalo waddamada qaar ayaaba qashinka ka sii macaasha oo waxaa jira waddamo qashinka u yaqaana ama u arka dahab (garbage is a gold) maadaama ay dib uga faa’ideystaan lacagna ka sameeyaan maareynta qashinka.

Si loo helo caasimad nadiif ah, bilicsan, lagu noolaan karo, soona jiidata dalxiisayaal calami ah, jecleystaan dadkeedu, siina jirta waqti dheer waa in dowladda hoose ee Xamar ku dadaashaa sidii loo heli lahaa habab iyo hannaanno mideysan oo loo maareeyo qashinka guryaha, waddooyinka, goobaha ganacsiga, warshadaha yar yar, ama kuwa ka dhasha roobabka iyo daadadka (maadaama meel walba sar laga taagay/o waxaa la arkaa in biyaha roobku sameeyaan daadad waxyeeleyn karan nafta iyo hantida bulshada, marka waa in arrintaas laga sii digtoonaado oo loo diyaariyo meelihii ay mari la haayeen iyo togaggii ay ku shubmi lahaayeen).

Ugu dambeyn, waxa aan halkan ku soo gudbinayaa talooyin ku saabsan sida ugu sahlan ee loo wax looga qaban karo qashinka Caasimadda:

§  In la tayeeyo/sameeyo adeega maareynta qashinka ee Caasimadda.

§  In bulshada aad looga wacyi-geliyo dhibaatooyinka qashinku leeyahay.

§  In qashinka aan loo arkin qashin uun e, lala yimaado hannaan looga faa’ideysan karo.

§  In la sameeyo xeerar la xiriira maareynta qashinka ama la xoojiyo kuwa jira (waaba haddii ay jiraan e).

§  In miisaaniyad loo qoondeeyo maareynta qashinka.

§  In la sameeyo toddobaad loo asteeyay qashin uruurinta, si bulshada loogu wacyi-geliyo muhiimadda nadaafadda u leedahay caasimadda iyo khataraha ka dhalan kara qashinka.

§  In degmooyinka lagu tartansiiyo nadaafadda iyo bilicda caasimadda, degmadii guuleysatana la abaalmariyo.

§  Maadaama ay Xamar tahay muraayaddii dalka, waa in lagu dadaalo in nadaafaddeedu ka marag kacdo arrinkaas si magaalooyinka kale ay wax uga bartaan uguna daysadaan (benchmarking).

§  In dowladda hoose kala shaqeyso wasaaradaha uu quseyo arrinkaan (maareynta qashinka).

§  In la hirgeliyo hababka loo maareeyo qashinka ee aan kor ku soo xusay -ugu yaraan intii laga

awoodo.

W/Q:  Adam Abdulle

 



 





Click here