2/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xasuuqii 4ta Feebarwari 1991 – Sheekada Dila iyo Boorama
By Hassan Deri
Saturday February 4, 2023

 
”A destruction, an annihilation that only man can provoke only man can prevent.” Elie Wiesel

Qeexitaanka xeerka caalamiga ah ee xasuuqa oo culumada taariikhdu aanay isku raacsanayn ayaa u yaalla sida tan: ”Acts committed with intent to destroy, in whole or in part, a national ethnical, racial or relgious group.” Khubarrada qaarkood ayaa qeexitaankan ku kabay in ficilkan baabbiinta ”problem populations” ay fulin karto kaliya hay’ad ama koox qaab-dhismeed urur leh.

Waxa dunida qarnigii 20aad ka dhacay xasuuqyo badan. In badan oo ka mid ahi waxa ay ka dhaceen qaaradda dalkeennu dhaco ee Afrika. Xasuuqyada ka dhacay Afrika waxa ka mid ahaa xasuuqii 4tii Feebarwari 1991 ay ka fulisay jabhaddii Somali National Movement (SNM) deegaannada Awdal gaar ahaan Dila iyo Boorama. Walow tiro dhab ah oo sugan aan la hayn illaa hadda, waxa ay jabhaddu magaalooyinkan ku dishay dad tiro badan oo ah shacab aan hubaysnayn. Mawdduucan waxa hadda arrin taagan ka dhigay, hanjabaad rajiimka Somaliland ku hayo shacab iyo dhalinyaro u badan kuwii waalidkood ku waayay xasuuqan, kadib markii ay sheegeen in ay isugu soo baxayaan duco ay ugu ducaynayaan waalidiintaas la laayay. Baroordiiqda 4ta Feebarwari darteed waxa Boorama laga soo buuxiyay ciidan xoog u hubaysan. Sadarradan hoose waxan ku iftiiminaynaa xasuuqa, taariikhdiisa guud iyo sida ay tahay in loo wajaho.

Cilmibaadhisyo badan ayaa laga sameeyay taariikhda xasuuqyadii dunida soo maray. Xasuuqa ugu wayn ee dhacay qarnigii 20aad waa xasuuqii Naasigii Jarmalku u gaystay Yuhuudda 1930aadkii illaa badhtamihii 40aadka. Waxa ku naf waayay xasuuqan qiyaastii dad gaadhaya 6 malyan oo qof.

Aydhiyoolajiyaddii keentay xasuuqan iyo rajiimkii waday waxa lagaga guulaystay Dagaalkii Labaad ee Dunida. Dunida iyo dalka Jarmalkuna waxa ay isku raaceen in uu dulmi ahaa xasuuqaasi, waxna laga barto si ayna adduunyada ugu soo noqonin wax la mid ahi. Sidaas darteed waxa laysla gartay in ay muhiim tahay faafinta aqoonta xasuuqa iyo taarikhdiisa.

Waxa 1960kii ka dhacay dalka South Africa xasuuqii Sharpeville oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 69 qof. Xasuuqani waxa uu socday wax ka yar 5 daqiiqo. Waxa laysku raacsanyahay in xasuuq waxa xasuuq ka dhigaayi uuna ahayn tirada dadka ku naf waayay ama waqtiga uu socday. Haddii tiro iyo muddo ay macno samaynayso xasuuqyo badan looma aqoonsadeen in xasuuqyo ay yihiin. Xasuuqa Sharpeville waxa aqoonsaday rajiimkii midabtakoorka ahaa ee fuliyay iyo kuwii dhibbanayaasha ahaa. Nelson Mandela waxa uu goobta xasuuqu ka dhacay ee Sharpeville u doortay in uu ku saxeexo dastuurkii ugu horreeyay ee dimuqraaddi ah ee dalkaasi yeesho.

Xasuuqyada Holocaust, Srebrenica, Rwanda, Sharpeville, Haiti iyo kuwo kale oo fara badan ayaa looga xusaa caalamka qaab baroordiiqeed. Baroordiiqyadu waxay sidaan farriimo ah, illaawi mayno wixii dhacay walow caf iyo saamax ka dambeeyay.

Culumada taariikhdu waxa ay isku raacsanyihiin in tallaabada ugu horraysa ee heshiis dhex mara bulshooyin ama kooxo xasuuq kala gaadhay tahay qiraal ka yimaadda dhinaca fuliyay xasuuqa. Haddii maamulkii ama cidda ka hadhay maamulka fuliyay xasuuqu ayna ogolayn soo hadalqaadkiisa, lama gaadhin wax saamaxaad, cafis ama heshiis ah.

Waxa jira kooxo ku dooda in SNM ama beelaha dhexe ee Somaliland ee lahaa jabhaddani iyo reer Awdal ay ka heshiiyeen xasuuqii 4ta Feebarwari 1991. Isla markaasna ay taasi calaamad u tahay gogoshii reer Boorama u fidiyeen ergooyinka Somaliland 1993 oo ku beegnayd labo sano uun kadib xasuuqa. Haddiiba heshiiskaasi jiro, maxay tahay sababta uu maamulka Somaliland maanta ku diidayo in loo duceeyo shuhadadii ku naf waayay xasuuqan? Waxa mudan in aan akhristayaasha xasuusinno in marar hore lagu xidhay Boorama dhalinyaro isu qaadday in ay baroordiiq iyo duco u sameeyaan munaasabadda arrintan.

Ugu dambayntii waxan jecelnahay in aan tilmaanno, in culimada taariikhdu is dul taagtay nuglaanshaha nabadda iyo is ogolaanshiyaha ka dhexeeya bulshooyin falal noocan ahi dhex mareen, haddii ay wali jiraan cabsiyo dhinac tabayo marka la soo qaado taariikhda madow ee falkaasi. Waxa aan soo jeedinaynaa in xukuummaddu, si la mid ah sida ay u dhiirrigeliso xasuuqii rajiimkii Maxamad Siyaad Barre kula kacay qaybo ka mid ah bulshooyinka Somaliland in ay u dhiirrigeliso xasuuqyada kale ee lagu gaystay magaca SNM. Waxan u jeednaa waa muhiim in maamulku u asteeyo miisaaniyad lagu xuso Xasuuqa 4ta Feebarwari ee Dila iyo Boorama.

Hassan Deri
Qareen ahna Xildhibaan, Golaha Deegaanka ee magaalada Linköping, Sweden
Naafic Maxamad Qaadi
Guddida Abaabulka Xuska Baroordiiqda 4ta Feebarwari 2023


 





Click here