2/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Muse Biixi: Talo iga hoo..!!
By Maxamed Heebaan
Tuesday February 7, 2023

 
 
Somaliland nabad-galyada ay haysato waa mid dadka somalilnad degan ay ka shaqeeyeen, isla markaana midhaheedii ay guranayaan. Lkn nabad-glayadaas faa’iidadeedu kuma koobna reer Somalialnd kaliya, ee  Somali oo dhan ayaa ka faa’iidaysata, ugana faa’iidaysata siyaabo badan oo ay ka mid tahay ku dayasho, ku noolaansho, iyo la tartamid. Sidoo kale, markii gobol somaaliyeed uu khal-khal iyo xasilooni la’aan ay ka dhacdo, dhibkiisu Somali oo dhan ayuu gaadhi, haba loo kala badnaadee.

Maqaalkan waxaan markii hore ugu talo galay inaan kaga hadlo arrin maalin dhoweyd ka dhacday Borama, Lkn maadaama arrintii Laas Caanood cirka isku shareertay, dhowr kalmadoodd ayaan ka odhan Laas Caanood.


Madaxweyne Biixiyow, nasiib darro, waxaad cagta saartay waddadii ay ku burburtay dowladiii M.S. Barre. Markii uu M.S. Barre sawaariikhda ku garaacayay Hargeisa, wuxuu lahaa waxaan bad-baadinayaa midnimada qaranka Somaliyeed.  Adiguna hadda waxaad leedahay “Laas Caanood ama aniga ayaa xukumi, ama dhulka ayaan la simi!, si aan u badbaadiyo midnimada qaranka Somaliland” Arrintaasi way u shaqayn weyday M.S.Barre, adigana kuu shaqayn mayso. Shalay maanta u ekaa! Dad badan ayaa meelo badan ku sheegay, oo kaaga digay, oo yidhi, “Waxaad adigu shalay ka diiday M.S. Barre, maanta adiga lagaa yeeli maayo!” Midda kale, nimaan kuu furi doonin, yuusan kuu rarin. Ismaaciil Cumar Geelle oo dadkii Jabouti khaati ka taagan yihiin, Laas Caanood waxba kaagama qaban karo, ee yuusan jar kaa tuurin. Dowladii M.S. Barre kuma burburin Xamar, ee waxay burburtay maalintii ay Hargeysa ku qaaday dagaalkii lagu hoobtay. Hadaad maantta Laas Caanood dagaal ku qaado, tii M.S. Barre iyo dowladii Somaliya ku dhacday ayaa idinku dhici adiga iyo Somaliland. Caqligu ha shaqeeyo.


Taa, intaas ayaan  kaga baxay.

Bishan Feb.4, 2023, Shaqaaqo ayaa ka dhacday magaalada Boorama.  Taas oo salka ku haysay dad dhalin-yaro ah, oo rag iyo dumar isugu jira, ayaa isu soo baxay iyagoo sheegay inay doonayaan inay xusaan dadkii Boorama iyo Dila lagu laayay bishii Feb. 1991, layntaas oo lagu eedeeyay inay ka dambaysay jabhadii SNM.
Dhallin-yarada Borama waxay ku doodayaan in mar haddii dadkii isaaqa ahaa ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre laysay taalooyin loo dhisay, inay iyaguna xaq u  leeyihiin in dadkii Gadaboursiga ahaa ee lagu laayay Borama inay xusaan. Dooda ay dhalinyaradani soo jeediyeen, waa mid macquul ah, oo cadaalad ku dhisan oo qof kasta oo maskax fayow uu gran karo. Lkn nasiib darro, dowladdii Somaliand gaashaanka aya ku dhufatay, oo sida wararku sheegayaan, dhalinyaradii qaarna jeelasha  ayaa loo taxaabay, qaarna waa la kala caydhiyay.

Arrinta dadkan Borama ku dhintay, dabcan waxay garab socotaa midda dadkii ku dhintay Hargeisa. Marka kasoo qaad, u fiirso, waxaan idhi kasoo qaad, haddii dadka Borama lagu laayay ay dili lahayd dowladdii Maxamed Siyaad Barre, sida ay u dishay dadkii ku noolaa Hargeisa, oo dabadeedna kuwii Hargeisa lagu laayayna taalooyin loo  sameeyay, ku wii Awdal lagu dilayna la yidhaahdo lagama hadli karo, arrintaasi waxay ahaan lahayd dulmi.  Waayo taasi waxay ka dhignaan lahayd in dadka reer Hargeisa ka sareeyaan, ama ka qiimo badan yihiin dadka Borama.

Lkn marka dadkii Borama lagu laayay ay ka dambaysay Jabahadii SNM, ee madaxweyne Muse Biixi uu qaybta ka ahaa, in dadka reer Borama lagu yidhaahdo kama hadli kartaan oo ma xusi kartaan dadkii ay SNM idinka laysay, dulmigii wuu sii xoogaysanayaa oo wuxuu noqonayaa laba-jibaar.  Arrintani waxay bannaanka usoo saaraysaa dowladdii Somaliland ee 30 sano lahayd waa nala laayay, ee taalooyinka u dhistay dadkii laga laayay, inay maanta tidhaahdo “Dadkii annagu aan Borama ku laynay lagama hadli karo” ceeb iyo sumcad-xumo weyn ayay u tahay dowladda Somaliland.

Waxaa laga yaabaa in lays wey-diiyo oo la yidhaahdo, “30 kii sano ee lasoo dhaafay reer Borama arrintan kama aysan hadline, ujeedadoodu maxay tahay?, oo maxaa soo kiciyay maanta?”

Runtii waa su’aal macquul ah, jawaabteeduna waa mid fudud. Waana sidan: 30 kii sano ee lasoo dhaafay, reer Borama way ogaayeen inay tahay dulmi in dadkii Isaaq laga laayayna taalooyin loo dhiso, kuwii Gadaboursi laga laayayn aan waxba laga soo qaadin. Lkn duruurfta ayaan u saamixin inay arrintan hadda ka hor ka hadlaan.  Hadda duruurfta ayaa is badeshay.  Taas ayaana keentay inay xaqoodiina u kacaan.

Ceebaha Somaalida waxaa ka mid ah inaan wax walba qabiil ku turjunno sida dulmi iyo cadaaladda, IWM. Tusaale, haddii uu qof ka hadlo dulmi ka taagan magaalo Somaaliyeed, waxaan caado u leenahay in qaar badan oo inaga mid ah, aysan fiirinin waxa qofku sheegay inuu sax yahay iyo in kale, balse ay is waydiiyaan qofka hadlaya qabiilkiisa, dabadeedna yidhaahdaan, oo maxaa ka galay arrinta ka taagan Baydhaba iyo Beled-Weyne?  Dulmigu qabiil ma leh.  Qof kasta oo Somaliyeedna xil ayaa ka saaran in haddii uu arko dulmi inuu ka hadlo, oo ku baaqo in dulmiga la joojiyo.  Taasi waxay caawinaysaa qofka dulmanaha ah.  Marka haddii dad badan ay dulmigaaas ka hadlaan, ninkii dulmiga waday wuu  baraarugayaa, oo danta ayaa ku kallifaysa inuu dulmiga joojiyo.

Arrintan Borama ka taagan waxay I xusuusisay muuqaal ka mid ahaa Riwaayadii caanka ahayd ee Xorriyo, ee uu sameeyay AUN Maxamud Cabdullahi Singub. Waxay doodi dhex martay nin gumayste ah, oo aanan xusuusanin cidii matalaysay iyo nin Somali ah, oo uu matalayay AUN Maxamed Cumar Huryo. Doodii sidan ayay u dhacday:

Gumayste: Caawa waa habeenkII ay hooyayday dhalatay.

Huryo:  oo aniga hooyaday goormay dhalatay?

Gumayste: war ma hooyadaa iyo hooyaday ayaad simaysaa?!

Huryo: ok, ka soco….

Gumayste: dhalashada hooyaday ayaan u dabaal dagayaaye, hablihiinii u yeedh.

Huryo: oo habilhiinii meeye ama aaway?

Gumayste: war annaga hablahayagu waa cirka!

Huryo:  oo kuwayaga ayaa hadaa faraajin ah?

Huryo: hadda waxaad tidhi :

---Islaantu islaantii haka ayaan roonaato.
---Inantu inantii intaas ha dheeraato.
---Idinkuna aniga amarkayga abidkiinba maqla.
---Innaa lillaah!  War dadka miyaanu ilaahay wada abuuran??

Somaalidu way is taqaanaa.  Waxyaabaha qabiilka issaaq lagu yaqaano oo ay ku fiican yihiin waxaa ka mid ah, khalad iskuma-wada-raacaan, oo way is qabtaan. Tusaalaha ugu dhow ee arrintan caddaynaya wuxuu ku saabsan yahay dhibaatada ka taagan magaalada Laas Caanood. Waxaad baraha bulshada ku arki dad badan oo Isaaq ah, oo rag iyo dumarba leh, oo baraha bulshada ka sheegaya in reer Laas Caanood laga gar daran yahay.

Dadka wax garadka ah ee Issaaq, gaar ahaan wasiirada Somaliland ee kasoo jeeda beesha Issaaq waxaa maanta looga baahan yahay inay fadhiga ka kacaan, oo ay madaxweyne Biixi ku yidhaahdaan:

“Madaxweyne, in dadkii innaga laynaga laayay aan taallooyin u dhisno, kuwii aan innagu laynayna aan nidhaahno ‘Car yaa ka hadli kara’ waxay inagu tahay sumcad-xumo weyn, oo Somaali dhexdeeda waan ku ceeboobaynaa, waxaana la inoo arki munaafaqiin danta qabiilkooda mooyee aan cid kale dan ka lahayn. Intay reer Borama arrintan ka aamusnaayeen, dee indhaha waa laga qarsan karay, Lkn hadda ceebtii bannaanka ayay usoo baxday oo Somali  oo dhan ayaa aragta. Arrntan laba siyaabood oo fudud ayaa lagu xallin karaa:

1—In dhallinyaradaas kuwa xidhan deg deg loo soo daayo, dabadeedna loo sheego inay xor u yihiin inay waalidiintood iyo qaraabadoodii u duceeyaan oo ay xusaan.

2—In aad isugu yeedho koox waxgaradka reer Awdal ah oo aad ku tidhaahdo “Hadday noqoto taallo ama jardiino, ama wax kale dad dhintay lagu xuso, dowladda Somaliland ayaa kharashka ku kaca bixinaysa, ee soo sameeya ‘Feasibility study’, oo deg deg iigu soo gudbiya.  Mashruucu marka uu dhamaadana, madaxda Somaliland oo dhan ayaa is raacaysa, oo mashruuca xadhigga ka jaraysa, dadkii dhintayna u ducaynaya, cuqdadii dhalatay halkaas ku soo afjari.

Madaxweyne, qodobka 2aad ayay geesinimada iyo sharaftu ku jirtaaye, midkaas dooro oo hirgali.”

Video qiiro leh, ayay gabdhaha reer Borama ku faafiyeen baraha bulshada. Hadalladoodii waxaa ka mid ahaa: “Annaga waa nala cabudhiyay oo luqunta ayaa nala- gaga taagan yahay.”  Waxaa kale oo ay dhowr jeer yidhaahdeen: “Annagu rag ma lihin!”

Hadalkaasi nin kasta oo reer Awdal ah si xun ayuu u taabanayaa. Lkn Qamaan Bulxan wuxuu yidhi, “Dadka uma sinnee reer tolkay dacar ku nooleeye” Hadalkaasi wuxuu waran wadnaha ku dhacay ku yahay nimanka Awdal kasoo jeeda ee dowladda Somaliland ka tirsan ee ah wasiirada, wasiir xigeenada, dan-jireyaasha, iyo aqoon-yahanka taageera qadiyadda Somaliland. Nimankaasi markay maqlaan gabdhahaas hadalkooda, haddii jidhkooda sakiin lagu jeexo dhiig kasoo daadan maayo, xanaaq iyo niyad-xumo darteed!  Waayo adigoo madax ah, oo dawladda Somaliland jago muhiim ah u haya, in haddana dadkii aad matalaysay loo diido xuquuq yar, oo Aasaasi ah, waa waji-gabax noocii ugu xumaa!

Madaxweyne Biixiyow nimankaas aan kor kusoo sheegay ee dowladda kaala tirsan u tur, waayo Sharaf dhac weyn ayaa maanta haysta. Waa niman aad asxaab tihiin, deris tihiin, ehel iyo xigto tihiin. Is dhasheen oo will iyo abti tihiin.  Dulmiga Borama ka jira soo afjar.
Ugu dambayn, nin Ugaas ah  oo la odhan jiray Cabdi Cumar ayaa dadkii uu ugaaska u ahaa u sheegeen riyooyin(dreams) wanaagsan oo ugaaska ku saabsan oo ay arkeen. Dadkii qaar waxay yidhaahdeen waxaan aragnay Cabdi Cumar oo jannadii la geeyay……qaar waxay sheegeen inay ku riyoodeen isagoo guulo waa weyn gaadhay….qaar waxay yidhaahdeen inay ku riyoodeen isagoo kan iyo keer helay…..

Nin ay Ugaaska ilma adeer ahaayeen, ayaa ugaaskii u caqli celiyay oo ku yidhi, “Cabdi Cumarow Riyo haysku hallaynin!”

Madaxweyne Biixiyow, reer Awdal Juqraafiga ayaa ka hiiliyay oo waxba ma qaban karaan Somaliland yaan lagu hallaynin. Waa run, Juqraafiga ayaa ka hiiliyay, lkn haddii dadka la cabudhiyo, maalinta dambe furka ayay tuurayaan. Warkii oo kooban, reer Awdalna dhiiga ha ku kicinin, adiguna dhibaato haysu abuurin.


Wa billahi Towfiiq
Maxamed Heebaan 


 





Click here