3/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Maalintii ay bilaabatey musiibada dagi la' ee dalkeena Hooyo, 23ka Janaayo 1975
By Cabdala Aadan Xasan( Cabdala Siyaasi)
Friday January 27, 2023

 

Bismillaaahi Raxmaani Raxiim,

Mahad oo dhan Allaah(S.W) kaliya ayaa iska leh. Nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabigeenii Muxammad(S.C.W) ee Allaah uu u soo diray dunida si uu uga saaro mugdiga iyo jahliga kuna hogaamiyo jidka iftiinka iyo cilmiga.

Intaas kadib,  Muddo laga joogo 48 sano oo ku aadan maalin khamiis ah oo taariikhda milaadiga ay aheyd  23ka Janaayo 1975  kuna beegneed 10ka bisha Muxaram(Yoomul Cashuuraa) ee sanadka 1395ka hijriyada  waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada  dalka Soomaaliya lagu toogtey 10 wadaad oo culimaa'udiin ah oo kasoo horjeestey barnaamijkii shuuciyada caalamiga  ahaa ee ay hor kacayeen golihii sare ee kacaanka ee afka qalaad lagu oran jiray Supreme  Revolutionary Council (SRC) oo markaas ka koobnaa 25 sarkaal  oo rag soomaaliyeed ah. Golahaas  waxaa gudoomiye u ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Bare. Golahaas sare ee kacaanka oktoobar waxaa ay talada dalka Soomaaliya la wareegeen 21kii Oktoobar 1969kii. Isla sanadkii 1970kii bishii Janaayo 10keeda waxa ay soo saareen sharci ay ugu magac dareen Law  No 1 laguna aasaasey ciidanka nabadsugida soomaliyeed ( NSS), sharcigaas oo  awood u siinaayey  ciidanka nabadsugida in  qofkii ay tuhmaan ay jir dili karaan isla markaana qofka tuhmana uu xirnaan karo muddo dheer maxkamad iyo xukun la'aan taasoo keentey in xabsiga loo taxaabo dhamaan siyaasiyiintii dowladii rayadka aheyd iyo cid walba oo saameyn laheed oo ay golihii sare ee kacaanka  u arkayeen in  ay aragtidooda kasoo horjeedaan. 10kii  bishii Siteembar 1970kii  waxaa ay golihii sare ee kacaanka soo saareen sharci ay ugu magacdareen Law No 54 oo ka koobnaa 26 qodob. Isla sanadkii 1970kii golihii sare ee kacaanka waxa ay abuureen maxkamada badbaadada Qaranka oo gudoomiye looga dhigay Korneyl Maxamuud Geele Yuusuf ,xeer ilaaliyana kornel Maxamed Cismaan Maye. Sharcigaas Law No 54 waxaa lagu tiriyaa sharciyada ugu yaabka badan ee soo maray dunida aan ku noolnahay uguna adag ee bani aadam lagu xukumo. Law No 54 waa sharciga lagu dilay ama lagu xiray dhamaan dadkii soomaaliyeed ee ku baxay ama lagu xiray gacantii golihii sare ee kacaankii 21ka Oktoobar. Xukunada maxkamadeed ee  Law No 54 wax abiil ah lagama qaadan karin waxaana xukumi jirey oo dhaqan galin jirey maxkamada Badbaadada dalka.

Bishii Oktoobar 1970kii waxa ay ku dhawaaqeen golihii sare ee kacaanka Oktoobar in jamhuuriyada Soomaaliya  lagu dhaqi doono nidaamka shuuciyada caalamig ah ee loo yaqaano  hantiwadaaga cilmiga ku dhisan ( Sceintific socialism) waxaana lasoo saarey xeerar xoojinaya in dhamaan hay'adaha dowlada Soomaaliya iyo nolosha qofka muwaadinka ay ka dhex muuqdaan nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan waxaana lala wareegay dhamaan hantidii gaarka aheyd iyo shirkadihii waaweyn ee ay lahaayeen ganacsatada soomaaliyeed iyo maalgaliyayaashii shisheeyaha ahaa.

Waxaa la dhisay golayaal hanuunin oo dadka soomaaliyeed lagu baro nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan. Dhamaan goobaha la isku yimaado iyo jidadka waaweyn ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa la suray sawiro waaweyn oo ay ku xardhan yihiin aabayaashii nidaamka shuuciyada caalamiga ah kuwaas oo kala ahaa Carl Marx (1818-1883), Vladmir Lenin (1870-1924) iyo  Friedrich Engels (1820-1895).

Nidaamkaan shuuciyada ee ay soo rogeen golihii sare ee kacaanka wuxuu yaab ku noqdey dadkii waxgaradka soomaaliyeed iyo culumaa'udiinkii waqtigaas joogey iyaga oo sheegay inay adkaan karto in mujtamac muslim ah 100% in laga hirgaliyo nidaam shuuciyad oo saldhig looga dhigayo hantiwadaaga cilmiga ku dhisan laakiinse ma jirin wax ka hor imaansho muuqda oo lagu sameeyey nidaamkaas shuuciga ahaa maadaama dhamaan dadkii waxgaradka ahaa ee ka hor imaan karay kacaanka Oktoobar ama abaabul sameyn karay ay ku jireen xabsiyada dalka.

11kii Janaayo sanadkii 1975kii waxaa golihii sare ee kacaanka oo markaa ka koobnaa 25 nin oo  rag ah ay ansixiyeen waxa loogu magac daray  xeerka qoyska oo ah nidaam lagu saleeyey hantiwadaaga cilmiga ku dhisan aadna uga hor imaanayey xeerarkii shareecada Islaamka ee soomaalidu ay isku xukumi jirtey mudada dheer. Sharcigii cusbaa ee xeerka qoyska wuxuu  baabi'iyey dhamaan xeerarkii ka horeeyey ee lagu dhaqi jirey arimaha qoyska.

Maalin jimco ah kuna beegan 17ka bishii Janaayo sanadkii 1975kii waxaa qaar ka mid masaajidada magaalada Muqdisho ka biloowdey kacdoon bulsho oo si nabadgelyo ah ay dadku ugu muujinayaan sida ay uga xun yihiin ku dhaqanka nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan gaar ahaan xeerkii qoyska ee ay la yimaadeen golihii sare ee kacaanka.

Kacdoonkaas dadweyne waxaa hor kacaayey qaar ka mid ah culumaa'udiinka Soomaaliyeed oo  u arkaayey ineysan jirin nolol ay sugi karaan hadii mar loo soo dhacay diintoodii iyo mabaadii'dii ay kasoo dhaxleen awoowayaashood isla markaana ay ku fashilmeen gumeystayaashii reer Yurub iney  ka badalaan dadkii soomaaliyeed ee ay gumeysanayeen muddada dheer.

Ciidamadii xooga badnaa ee kacaanka waxa ay awood xad dhaaf ah ku muuqineyeen kacdoonkaas nabadeed ee ay culumaa'udiinka soomaaliyeed horkacayeen, waxaa la xiray culumaa'udiin badan iyo dad weyne badan oo soomaaliyeed.

Isla usbuucaas  waxaa  qaar ka mid ah culumaa'udiinkaas lasoo taagey maxkamada badbaadada dalka waxaana lagu xukumay dil toogasho iyo xabsiyo dhaadheer oo aan wax abiil ah laga qaadan karin.

10 ka mid culumaa'udiinkii lasoo qabtey waxaa lagu toogtey barxada ciidanka booliska loo yaqaano Scuola Polizia  subxanimadii  23kii Janaayo sanadkii 1975 oo beegneed 10ka bisha Muxaram( Yoomul Cashuuraa) ee sanadka hijriyada 1395ka.

Isla maalintaas waxaa dalka Soomaaliya ka dhacay mucjisooyinka waaweyn galay taariikhda ummadda soomaaliyeed. Saacado ka yar markii la toogtey culumaa'udiinka soomaaliyeed waxaa isku dhacay oo bubrburay labo diyaaradood oo ah kuwa milateriga ee MIG-21 oo dul marayey hawada caasimada Soomaaliya taasoo dad badan oo soomaaliyeed u fasirteen iney ka dhalatey carada Allah S.W.T uu ka caroodey in la laayo adoomo ka umaddiisa oo istaagey iney difaacaan kitaabkiisa Quraanka ah.

10kaas wadaad ee naf hurinimada u sameeyey difaacida diinta Islaamka oo ah diinta ay ummada Soomaaliyeed aaminsan yihiin 100%, naftoodana ka iibiyey Allaha weyn ee na abuurtey maalintaasna ogolaadey iney u dhintaan, dhiigoodana u daadiyaan Allah dartiis si ummaddaan soomaaliyeed aan looga bedelin diinta ay awoowayaashood kasoo dhaxleen ,looguna dhaqin nidaam shuuci ah oo laga soo min guuriyey wadamo gaalo ah oo aan wax dhaqan iyo diin ka dhaxeynin iyaga iyo ummadda Soomaaliyeed.

10kaas shahiid ee u dhintey ilaalinta iyo difaacida diinta islaamka  ee maalintaas naftooda Allah ka iibiyey waxaa ay kala yihiin magacyadooda sida soo socota:
1- Sheekh  Axmed Sh. Maxamed( Walaaleeye)
2-Sheekh Muuse Yuusuf( Marya cade)
3- Sheekh Axmed Iimaan
4- Sheekh Cali Xasan Warsame
5- Sheekh Xasan Ciise Iley
6- Sheekh Maxamed Siyaad Xirsi
7- sheekh Cali Jaamac Xirsi
8- Sheekh Aadan Cali Xirsi
9- Sheekh Saleebaan Jaamac Maxamed
10- Sheekh Yaasiin Cilmi Cawil

Waxaa lagama maarmaan ah inaan xasuusnaano mar walba  isla markaana taariikhda wiilashaas Soomaaliyeed ee naftooda u huray ilaalinta diinta Alle iyo qiyamka iyo mabaadii'da  umadda Soomaaliyeed  aan barno jiilasha  Soomaaliyeed ee soo socda.

In soomaaliya ay sii ahaato dal muslim ah kana mid ah dunida muslimka ka mid ah dadka soomaaliyeedna ay sii ahaadaan dad muslimiin ah waxaa ku kacay qiimo aad u weyn oo gaarey heer naf huridnimo sidaa darteed qof walba oo Soomaali ah oo damiir wadaniyadeed leh waa inuu xusuusnaadaa  qiimahaas lagu bixiyey ilaalinta Soomaaliya oo islaam ah kuna dhaqmeysa diinta Islaamka.

Taariikhyahanada Soomaaliyeed waxaa ay sheegaan in burburka Soomaaliya uu soo bilowdey maalintaas oo aheyd 23ka Janaayo sanadkii 1975kii maadaama la dilay  culumaa'udiin soomaaliyeed isla markaana dhiigooda qaaliga ah ay dad jaahiliin oo aan islaamka waxba ka aqoon ay daadiyeen. Dadkii la rabay inay ka hor imaadaan ama ay jaahiliinta gacanta ka qabtaana ay ka aamuseen oo ay guryahooda galeen meeshii ay banaanka usoo bixi lahaayeen oo ay ka dhiidhiyi lahaayeen xadgudubka loo geystey diinta islaamka.

Maanta oo laga joogo 48 sano  maalintii la dilay culumaa'udiinka soomaaliyeed waxaa talada dalka Soomaaliya isku hayo kooxo islaamiyiin heysta fikirka khawaarijiintii hore ee seef laboodka ahaa iyadoo  aysan jirin wax ay xeerinaayaan isla markaana baneystey dhiigii iyo xoolihii umadda soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya magaca Islaamka, iyo dhinaca kale oo ay taagan yihiin dowlad cilmaaniyad ah oo rabta iney dhaqan galiso mabda'a dimoqraadiyada reer galbeedka maadaama mabda'ii shuuciyada ee culumada soomaaliyeed loo laayey uu Alle weyne halaagey meeshana uu ka baxay.

Waxaa fagaaraha siyaasada dalka Soomaaliya  ka maqan fikirka islaamka qunyar socodka ah oo noqon lahaa waxa kaliya ay Soomaaliya ku badbaadi karto laakiin nasiib daro  qaar badan oo ka mid ah wadamadda reer galbeedka  ma rabaan Islaam oo dhan  noocuu doono ha ahaadee waxayna kula jiraan dagaal aad u xoog badan  sidii islaamka siyaasiga looga saari lahaa nolosha dadka muslimiinta ee caadiga ah.

Ilaa iyo hadda dadka soomaaliyeed waxa ay ka sheekeeyaan nabadii iyo daganaanshihii ay heshay caasimada Soomaaliya horaantii sanadkii 2006kii oo lagu soo rogay caasimada iyo gobolada koonfurta Soomaaliya  ku dhaqanka shareecada islaamka oo loo dhaqan galinaayo si qunyar socod ah oo miyir degan uu  la socdo.

Waxaa yaab leh in 6dii bilood ee sanadkii 2006dii ee ay maxkamadaha islaamka ka talinayeen koonfurta Soomaaliya inaan la fulin xal xukun oo ka mid ah xadka islaamka oo kasoo baxay midowgii maxkmadaha Islaamiga  laakiin nabadgalyada iyo kala danbeynta iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinka ay gaartey 100%, waana su'aasha ay is weydiinayaan dad badan  sababta keentay inay maxkamadihii islaamiga ay mudaddaas yar ku guuleystaan arin ay ku guul dareysteen dowladihii waaweyn oo ee awoodda badnaa oo waqti badan iyo lacag badan galiyey sidii Soomaaliya ay uga dhigi lahaayeen dal dagan oo nabad ah.

Diinta Alle iyo ilaalinteeda cabsi lagama qabo lagamana walwal qabo iney guuldareysto laakiin bani aadanka oo cimrigiisu kooban yahay ayaa iska jecel inuu guusha ku arko indhihiisa laakiin waxaa loo baahan yahay la shaqeeyo oo aan la daalin sidii loo gaari lahaa Soomaaliya oo islaam ah kuna dhaqameyso diinteeda sharafta badan  ee Islaamka isla markaana nabad ku wada  nool dariskeedana kula nool badan.

Waxaa lasoo gaarey maalintii aan kor ugu dhawaaqi laheen oo aan ku oran laheen hogaamiyayaasha iyo madaxda reer galbeedka sida aan u diidan nahay Islaam xagjir oo seef la bood ah oo baneysanaya dhiiga iyo xoolaha soomaaliyeed, si le'eg ayaan u diidan nahay cilmaaniyad seef la bood ah oo dadka soomaaliyeed ka fogeyneyso diintooda iyo dhaqankooda.

Soomaaliya waxaa ka socda mashruuc ah in dadka la nacsiiyo diintooda iyo dhaqankooda iyada oo loo soo marayo hab dhaqanka foosha xun ee khawaarijta iyada wax walba islaam shaqo ku leh  laga fogeynaayo dowlada iyo dowladnimada si loo helo jiilal Soomaaliyeed oo marka Islaam lasoo hadal qaado ku dhahaayo war islaamka aad sheegeysid soo midkaan soo aragnay ee Alshabaab ay xoolaha iyo dhiiga ku baneysan jireen soo ma aha sidaas darteedna looga cararo diinta Islaamka ee sharafta badan iyo wax walba oo la xiriira.

Waxaa lagama maarmaan ah in culumaa'udiinka Soomaaliyeed ay Allah ka baqaan oo sida ay Alshabaab iyo fikirkooda khawaarijnimada ay uga digayaan oo kale ay uga digaan mashruuca fasaahidinta diinta Islaamka iyo in diinta Islaamka iyo dowlada la kala saaro, barnaamijkaas oo ah mid ay aad u dooneyso  cilmaaniyada casriga ah.

Soomaaliya wax walba waa lagu soo xukumay waxaan soo aragney dowlad dimoqraadi ah , waxaan soo aragney dowlad shuuci ah, waxaan soo aragney dowlado qabiileysan iyo qabqablayaal dagaal sidaa darteed waxaa lagama maarmaan in wadamada reer galbeedka ee awooda ciidan iyo awooda dhaqaale ku heysta talada dalka Soomaaliya iney ogolaadaan in dalka Soomaaliya lagu tijaabiyo ku dhaqanka shareecada islaamka iyo talada islaamka qunyar socodka.

In hogaamiyayaal waaweyn oo islaamiyiin qunyar socod ah laga qeyb galiyo talada dalka Soomaaliya waa talaabo wanaagsan oo loo qaadey dhinaca dib u heshiisiinta iyo dhayida dhawaacyadii foosha xumaa ee magaca dowladda Soomaaliyeed loogu geystey diinta islaamka laakiin ma buuxineyso baahida ay u qabaan dadka Soomaaliyeed iney arkaan dowlad Soomaaliyeed oo ku dhaqmeyso shareecada islaamka.

Dadka soomaaliyeed  waa ay ka aqoon iyo wacyi sareeyaan sidii ay ahaayeen 48 sano ka hor waana ay ogyihiin in dalkooda Hooyo lagu dhaqo  isla markaana miiska maxkamadaha uu saaran yahay buugga Codice Penale Somalo(Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed) oo ah xeerkii ciqaabta ee uu noo sameeyey gumeytihii reer Yurub , isla markaan uu ku waajib yeelaayo qaadi walba ama garsoore walba oo maxkameed inuu raaco uu ku kala xukmiyo dadka dacwadu  ka dhaxeyso qanuunkaas aan gumeystaha ka dhaxalney  maadaama dastuurka KMG ah uusan siineynin garsoorayaasha maxkamadaha awood ah  iney dadku kala doortaan qanuunka Codece Penale Somalo(Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed) iyo xukunka Islaamka midka  ay rabaan in lagu kala xukmiyo labada dhinac ee ay dacwadu ka dhaxeyso.
Su'aasha soo noqnoqota oo la is weydiiyo waa maxaa dadka Soomaaliyeed ku qasbaayo in si iskood ah xukun ugu doontaan maxkamadaha ururka Alshabaab?

Waana su'aal mar walba dadka daraaseeyo arimaha sharciga iyo hirgalinta xukunada maxkamadeed ay aad isku weydiiyaan? Qaar waxa ay yiraahdaan sababta waa laaluushka xad-dhaafka ah ee caadiga ka noqdey maxkamadaha dalka, qaarna waxa ay leeyihiin waa awood la'aanta fulinta xukunada maxkamadaha ee dowlada Soomaaliya, qaarna waxaa ay leeyihiin nidaamka cadaalada dalka ayaaba ku dhisan nin tooxsi iyo yaa taqaan iyo yaa ku xiga? Waa musiibo weyn oo ay adag tahay in laga gudbo una baahan go'aan adag iyo dhiiranaan weyn.

Waxaa lagama maarmaan ah in la is weydiiyo sidee nidaam ku saleysan  fikir xag jir ah oo baneynaayo in la dilo qofka soomaaliga ah isla markaana xoolihiisa iyo naftiisa la xalaashado ay ku suurta gashay inuu Soomaaliya ka hana qaado oo uu waliba ku xoogeysto oo ay u suurta gasho in inta badan dalka Soomaaliya uu ka taliyo muddo ka badan 15 sanadood isla markaana ay aad u adkaan doonto in si fudud lagu baabi'iyo xataa hadii milateri ahaan looga guuleysto waqtiga dhow.

Arintaas ma aha wax iska yimid oo hal habeen kaliya iska soo boodey sidaas darteed waxa ay u baahan tahay in  daraasad cilmiyeysan oo aan ku saleysneen xamaasad iyo naceybka  iyo jaceelka fikir gooni ah ay ku sameeyaan aqoonyahanada soomaaliyeed iyo cilmi baarayaasha dunida  si loo ogaado saldhiga dhibaatada mudada  dheer ka jirtey dalka Soomaaliya iyo sida loo daweyn karo.

 Hadii wadamada  reer galbeedku ay diidaan fikirka ah in Soomaaliya lagu tijaabiyo  xukunka islaamka qunyar socodka ah  oo bal la fiiriyo iney degto oo xasilooni hesho  si ay u noqoto dal degan oo nabad ah isla markaana   si nabad gelyo iyo deris wanaag kula nool dariskeeda ,waxaa laga yaabaa in dhibka hadda alshabaab ay ku hayaan Soomaaliya uu u gudbo geeska iyo bariga  Afrika oo dhan oo marka u danbeyso wadamada  reer galbeedkana uu ugu yimaado guryahooda.

Dadka iyo dalka aan leeyahay waxaa ku haboon in xukunka islaamka lagu tijaabiyo  ayaa ila haboon ma aha Mareykan iyo Ingiriis iyo Talyaani  ee waa Soomaliya oo ah dal iyo dad muslim ah 100%  xaq ayayna u leeyihiin dadka Soomaaliyeed in  diintooda lagu xukumo oo aan lagu qasbin  shuruuc laga soo min guuriyey romaaniyiintii hore iyo wadamada reer galbeedka.

Hadda Alshabaab aan ka qaylineynaa oo aan qaati ka taagan nahay  maxaan ka ognahay inaan gaarno waqti aan dhahno war  Alshabaab aa naloo  qaatey oo musiibo ka xun aan aragney?

Allaha awoodda badan waxaan weydiisanayaa inuu naxariistii jano siiyo wadaadadii soomaaliyeed ee naftooda u huray difaacida diinta islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee soomaaliyeed.
Allaa weyn qofkii aaminaa awood leh ummad waliba aayaheeda iney garato iyadaa leh.
Soomaaliya ha noolaato.Soomaaliya Soomaali baa leh.
Ha iloobin inaad u duceyso dalkaaga hooyo mar walba iyo saacad walba hana ka quusin naxariista Alle weyne.
Fiiro gaar ah: Fikirka ku qoran maqaalkan waa aragtida gaarka ah ee qoraaga maqaalka.
Qalinkii Cabdala Aadan Xasan( Cabdala Siyaasi)
Wixii su'aalo iyo dood furan kala xiriir Email: [email protected] 


 





Click here