6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Maxay Soomaaliya Uga Dhigan Tahay Dib U Doorashada Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan?

By A. Abdulle
Thursday June 1, 2023

Horudhac

Xiriirka ka dhexeeya laba dowladood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid qotodheer taariikh ahaan oo waxaa la sheegaa in uu xiriirkaani jiray ilaa iyo xilligii Cusmaaniyiinta. Burburkii Cusmaaniyiinta kaddib, waxa ay marka kale Turkigu dib u cusbooneysiiyeen xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya iyaga oo safaaraddooda ka furay Muqdisho sanankii 1979-kii. Burburkii ku dhacay dowladdii Soomaaliya 1991 iyo dagaaladii sokeeya ee waddanka ka dhacay ayaa sababay in albaabada la iskugu dhufto safaaraddii Turkiga ee Soomaaliya.

Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkigu waxa uu marka kale dib u xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 markaas oo ay xaalad adag oo abaarihii ka jirtay gayiga Soomaaliya. Turkiga oo uu markaa Ra'isulwasaare ka ahaa Recep Tayyip Erdoğan ayaa Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda xukuumaddii markaas jirtay Ahmet Davutoğlu u soo diray Soomaaliya, wakhti yar kaddibna waxaa Soomaaliya safar aan caadi aheyn ku yimid Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo markaas dalka Turkiga ka ahaa Ra'isulwasaare. Wixii intaas ka dambeeyay xiriirka u dhexeeya labada dal sare ayuu u sii kacay. Qormadaan gaaban waxa aan ku eegi doonaa xiriirka laba dal marka laga fiiriyo dhanka bini'aadanimada & diblumaasiyadda, amniga, ganacsiga/dhaqaalaha, horumarinta iyo bulshada inta uu hoggaaminayay dalka Turkiga Madaxweynaha dib loo soo doortay 28/05/2023 Recep Tayyip Erdoğan kaas oo waddanka sii hoggaami doono shanta sano ee soo socota.

Bini’aadanimada & Diblumaasiyadda

Safarkii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo markaas ahaa Ra'isulwasaaraha dalka Turkiga uu ku yimid Soomaaliya 2011-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya la daalaa dhaceysan abaar daran oo ku habsatay dad iyo duunyo/xoolo, waa lagu timaami karaa in uu ahaa safarkii rajada kaas oo Soomaaliya u furay alaabada iyo indhaha caalamka.

Turkiga ayaa ugu deeqay Soomaaliya malaayiin doolar, iyaga oo aan u soo marin hay’adaha kale ee caalamiga ah, balse iyaga ayaa yimid Soomaaliya oo si toos ah uga qayb qaatay samatabiximta walaalahood Soomaaliyeed oo markaa u baahnaa garab istaag iyo hiil walaal.

Turkigu waxa ay Soomaaliya u soo daabuleen deeqo bini’aadanimo oo iskugu jirta cunto, daawo, agabyada caafimaadka, dhar/hu’, agabyada hoyga (teendhooyin), iyo deeqo kale. Deeqdaas bini’aadanimo kaddib waxaa xoogeystay jaceylka iyo niyad samida ay shacabka Soomaaliyeed u haayaan shacabka iyo dowladda Turkiga.

Dhanka Soomaaliya, waloow aysan Soomaalidu HADDA laheyn tabar badan oo ay ku caawiso Turkiga haddane waxaa jirtay in markii dhulgariirkii argagaxa lahaa ee ku dhiftay dalka Turkiga horraatii sanadkaan ay shacabka Soomaaliyeed iska uruuriyeen yabooh lacageed oo ay ku garab istaagayaan markooda shacabka ay walaalaha yihiin ee Turkiga, waxa ayna gaartay lacag ay iska uruuriyeen qaddar ku dhow 5 milyan oo doolar, iyada oo Soomaalidu ka dhabeeyay murtida ku jirta heesta Soomaaliyeed ee tiraahda:

Ruuxa gala abaal,

Marbaa loo gudaa,

Ii soo gurmoo,

I soo gaadheey,

Sida gacal labaa,

Aan is garabsannee.

Walow yaboohaas lacageed uusan gaareyn ama u dhoweyn intii ay dowladda Turkigu ugu deeqday Soomaaliya, haddane arrinkaani waxa uu tilmaan cad ka bixinayaa wanaagga iyo is jacelyka ka dhexeeya laba dal shacabkooda walaalaha ah.

Turkiga weli waxa ay ka qayb qaataan xaalaha bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya, waxaana Caasimadda dalka xarumo ku leh hay’adaha Turkiga ugu waaweyn ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta sida KIZILAY, IHH, TIKA iyo kuwo kale. Sidoo kale, waxa ay Turkigu dalkooda si joogta ah ugu qaadaan shacabka ku dhaawacma qaraxyada ka dhaca dalka, waxa ay sidoo kale kaalmo caafimaad oo dibadda ah u fidiyaan dadka qaba xanuunada aan waddanka gudihiisa waxba looga qaban karin.

Dhanka diblumaasiyada, kaddib safarkii barakysnaa ee Madaxweynaha Turkiga oo markaas ahaa Ra'isulwasaare uu ku yimid  Soomaaliya, waxaa Soomaaliya u furmay alaabada caalamka, waxaa dalka Soomaaliya safaarado ka furtay ama safiirro u soo diray dalal badan, waxaa waddanka yimid hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta, waxaa daciifoobay firkraddii tabneyd ee laga aaminsanaa Soomaaliya ee tibaaxeysay in Soomaaliya tahay waddan dadkiisu u qeybsan yahay kuwo baahan, argagixiso, burcad badeed, maleeshiyo beeleed, ciidamo aan cidna ka amar qaadan oo aan dishibiliin iyo akhlaaq toona lagu arag, dad jaahil ah oo aqoon darro dillootay, caruur macluul u dhinta...iwm.

Madaxweynaha Turkiga oo markaas ahaa Ra'isulwasaare Turkiga ayaa ku dhiiraday in uu naftiisa ku soo biimeeyo Soomaaliya iyada oo xaalladda amni ee dalka ay aad uga hooseeysay halka aan maanta joogno, ficilkaas dhiiranaanta iyo geesinimada laga dheehan karo ee uu dalka ku yimid Recep Tayyip Erdoğan ayaa Soomaaliya u furay indhaha caalamka. Hadda Soomaaliya waxaa yimaada madaxda waddamada caalamka iyo kuwa dariska ah, tusaale, waxaa Soomaaliya horraantii sanadka aan ku jirno yimid Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, walow maalmaha ay joogayaan madaxda caalamiga ahi waddooyinka Caasimadda la xiro si aan loo ilaaliyo badqabka madaxda loogana baaqsado ceeb ka soo gaarta dalka haddii la waxyeelleeyo marti heer caalami ah oo arrimo shaqo u jooga dalka, waxaase arrintaa waddo xirista ah dhib weyn ku qaba shacab weynaha Soomaaliyeed oo weli dagaal kula jira helidda qutul daruuriga maalin laha ah.

Turkigu waxa ay Soomaaliya ka furteen safaaradda ugu weyn ee ay ku leeyihiin dal Afrikaan ah, sidoo kale waxa ay dal ku galka u fududeeyeen Soomaali badan oo isugu jira siyaasiyiin, dad caafimmad ama waxbarasho u aada dalka Turkiga, kuwo badan oo ka soo laabtay qurbaha una raadinaaya caruurtooda waddan Islaam ah misna nabad ah oo ay Diinta Islaamka ku baraan inta ay ka gaarayaan da’da kala garashada, iyo kuwo kale oo Alle maal siiyay kuwaas oo ganacsiyo yar yar, kuwo dhexe, iyo kuwo waaweynba (hoteello shan xidigood ah) ka yigleelay dalka Turkiga.

Dalka Turkiga oo lagu tiriyo mid ka mid ah dalalka fara ku tiriska ah ee adeegsada awoodda jilicsan/dabasan ee afka qalaad lagu yiraahdo (soft power) ayay u suuro gashay in ay boos fiican ku yeeshaan quluubta shacab weynaha Soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya diblulaasiyadda lagu laran bini’aadanimada (humanitarian diplomacy). Sidoo kale, dowladda Turkigu waxa ay siin jirtay dowladda Soomaaliya kab dhaqaale oo ay u kaalmeystaan miisaaniyadda dowladda Soomaaliya oo inteeda badan ku tiirsan deeqaha caalamiga ah, maadaama waxsoosaarka iyo dakhliga Soomaaliya uu hadda aad u liito, mase hubo in arrinkaas weli jiro.

Amniga

Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen ciidamo xoog, cudud, iyo tayaba leh kuwaas oo ka tilmaamanaa ciidamaha kale ee dowlaha asaageenna ah. Hase ahaatee, burburkii Soomaaliya waxa uu aad u saameeyay Ciidamadii Xoogga Dalka oo kala noqday kuwo xaabo looga dhigay dagaaladii sokeeye ee waddanka ka dhacay 30-kii sano ee la soo dhaafay, kuwa waddan iskaga huleelay, kuwo u dhintay daryeel la'aan, kuwa weli la daalaa dhacaya dhaawacyadii ka soo gaaray dagaaladii sokeeye iyo kuwii jabhadaha, iyo kuwo da' noqday oo daryeel iyo caafimaad u baahan, iyo in laga faa'iideysto khibraddooda xagga ciidanka ah ee gaamurtay.

Tan iyo markii uu xoogeystay xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya imaashihiin Madaxweynaha Turkiga oo markaas ahaa Ra'isulwaaraha Turkiga u uku yimid Soomaaliya sanadkii 2011-ka, Turkigu waxa uu Soomaaliya u tababaray ciidamo fara badan kuwaas oo maanta qayb lixaad leh ka qaadana nabad ku soo dabbaalida gayiga Soomaaliya.

 Sida aan la soconno waxaa jira waddamo badan oo ciidama u tababari jiray welina u tababara Soomaaliya, laakiin waxa aan isleeyahay Turkigu waxa uu uga duwan yahay waddamadaas in uusan dan gooni ah oo taban ka laheyn Soomaaliya, waloow ay jiri karaan dano ganaci iyo kuwo istiraatijiyadeed oo xilliga fog.

Billowgii tababarida ciidamada Turkigu waxaa uu ciidama la tababaraayo oo u badan dhallinyaro u qaadi jiray dalkiisa halkaas oo ay ku soo qaadan jireen tababar tayo leh oo dhammeystiran, kaddibna waxaa lagu soo celin jiran Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan Ciidamada Xogga Soomaaliyeed. Sidoo kale, Turkigu waxa uu Soomaaliya ka furay xero/saldhig ciidan oo weyn (TURKSOM) taas oo ay u dhammeeystiran yihiin dhamaan dhismooyinka, agabyada, iyo adeegyada ay u baahan yihiin ciidamada la tababarayo. Arrintaan waxa ay Soomaaliya kA caawisay in ay hesho ciidamo tababar fiican, anshax, iyo tayo leh, loona dhammeystiray agabyada ciidan ee ay u baahan yihiin. Ma filaayo in ay arrimahaani suuratageli lahaayeen haddii uusan dalka Turkiga hoggaamineyn Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Ciidamada ay Turkigu Soomaaliya u tababareen oo magacyo kala duwan leh, waxaa laga xusi karaa Gor-gor iyo Haramcad oo ah ciidamo u badan dhallinyaro geesiyaal ah oo lafdhabar u ah nabad ku soo dabbaalida dalka.

Dhaqaalaha / Ganacsiga

Turkigu waa xarun ganacsi taasoo ah buundo isku xira qaaraha Yurub iyo Eeshiya, waxa uuna xiriir ganacsi oo ballaaran la leeyahay waddo fara badan. Kahor sanadkii 2011-ka inta uusan dib u xoogeysan xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxaa xajmiga ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga lagu qiyaasay in uu ahaa afar milyan oo doolar kaliya. Balse, imaashiyii Ra'isulwasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ee Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa albaaba u furtay ganacsato fara badan oo labada dhinacba ah. Dhanka Soomaalida, waxaa u fufudaatay ganacsatada in ay helaan fursad ama dal ku gal ay ku aadi karaan dalka Turkiga bal sida ay u soo indha-indheeyaan fursada ganacsi ee halkaas ka jira. Dhanka Turkida, waxaa waddanka Soomaaliya yimid ganacsato Turki ah oo daneynaya in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.

Sidoo kale, labada dowladood ayaa galay heshiisyo laba dhinacle ah oo lagu xoojinaayo xiriirka ganacsiga ee ka dhexeeya labadan dal. Hadda oo laga joogo laba iyo toban sano markii uu dib u dib u xoogeystay xiriika labada waddan ee walaalaha ah, waxaa xajmiga ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga lagu qiyaasay in uu yahay in ku dhow 300 oo milyan oo doolar, halkii uu kahor 2011-kii ahaa 4 milyan un, taas oo laga dheehan karo sida xowliga leh ee uu u koray xiriirka ganacsi ee labada dal, waloow uusan isku dheelitirneyn xiirrika ganacsi ee labada dal. Tusaale, sandkii 2020 xajmiga ganacsiga ee labada dal waxa uu ahaa 277 milyan (dhoofin: afar milyan oo doolar, soo dhoofin 266 milyan oo doolar), halkaas oo laga fahmi karo in faa'iida ganacsi labada dal u jarjeerto dhanka Turkiga (Dr. Saadaq, 2022). Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada Soomaalida ayaa dalka Turkiga ka soo dhoofsada agabyada caafimaadka ee kala duwan, daawooyinka, dharka, cuntooyinka, bacriminta beeraha iwm, halka ganacsatada Soomaalidu Turkiga u dhoofiyaan dalka sisinta iwm. Turkigu waxa uu weli albaab ganacsi u yahay ganacsato fara badan oo Soomaali ah oo kahor inta uusan xoogeysan xiriirka labada dal ku xirnaa waddamo kale sida Imaaraatka Carabta, Hindiya, Shiinaha iwm.

Horumarinta & Bulshada

Kaabayaasha dhaqaaluhu waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka dhaqaale ee uu waddan ku tallaabsado. Burkii dowladdii Soomaaliya 1911, waxaa burburay kaabayaashii dhaqaalha waddanka oo dhan sida waddooyinkii, dakadihii, garoomadii diyaaradaha, bangigii dhexe iyo kii horumarinta iwm.

Turkiga oo markii hore Soomaaliya u soo galy arrimo bini'aadanimo, ayaa markii dambe go'aansaday in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, walow la is dhihi karo waxa ay ka dhex arkeen fursad dhaqaale, haddane waxa aan meesha ka marneyn in ay arrintaa Soomaaliya wax badan ka caawisay. Mashaariicda horumarineed iyo kuwa bulsheed oo ay Tukigu Soomaaliya ka fuliyeen waxay iskugu jiraan: dhisitaanka waddooyin halbowle u ah isku socodoka gaadiidka ee Caasimadda Muqdisho, Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaraha Aadan Cabdulle, Dekada Muqdisho, iyo waddooyin kale ee isku xira Muqadishu iyo magaalooyinka u dhow (tusaale, waddada isku xirta Muqadisho iyo Af-gooye, iyo tan isku xira Caasimadda iyo Balcad oo ay dowlad Qartar maalgalisay). Waxaa iyana jirtay in dawlad Turkigu ay Soomaaliya ka furaneyso laan uu Bangiga Ziraat Bank oo mid ka mid ah bangiyada ugu waaweyn dalka Turkiga taas oo dowladda Soomaaliya ka caawin karta in loo soo mariyo deeqada caalamiga ah iwm. Dhanka arrimaha bulshada, Turkigu waxa ay Soomaaliya ka dhiseen xarumo caafimaad oo waaweyn, waxaan laga xusi karaa xuramahaas Ex Isbitaal Digfeer oo hadda loogu magac daray Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Sidoo kale, waxa ay fureen goobo waxbarasho oo dhowr sida Dugsiga Farsamada Ganata ee Buulo-tiknilo iyo iskuulada Macaarif. Waxaa kale ay dowladdu Turkigu taageero iskugu jirta agab iyo tababaro siiyaan qaar ka mid ah jaamacada dalka.

Waxaa iyana xusid mudan, in Turkigu dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed siiyo deeq waxbarsho bilaash ah sanad kasta, iyada oo ay deeqahaas waxbarasha ka faa'iideysteen kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo dalka Turkiga ku soo diyaariyay heerarka waxabarasho ee kala duwan (heerka koowaad, kan labaad, heerka seddexaad "PhD"), kuwo badan oo ka mid ah dhallinyaradaas waxa ay ku soo laabteen waddan kaddib markii ay soo dhammeysteen waxbarashadoodii, iyaga oo kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Dalkooda Hooyo (Soomaaliya). Waxaa iska cad oo aan cidina inkiri karin in ay adkaa laheyd in Turkigu Soomaaliya ka fuliyo dhammaan mashaariicda amni, bini'aadanimo, hormarin, iyo bulsheed ee aan qormadaan uga hadalnay haddii uusan Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan hoggaamineyn Turkiga.

 

Talooyin:

Doorasha kulul oo lagu celiyay kaddbib Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa mar kale dib loo doortay, waxa uuna waddanka Turkiga sii hoggaami doonaa shanta sano ee soo socoto. Soomaaliya waxaa la gudboon:

§  In inta uu Madaxweyne Erdoğan waddanka Madaxweynaha ka yahay looga faa'iideyso dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada kala geddisan ee dalka si ay awood buuxda ugu yeeshaan nabad ku soo dabbaalida dalka iyo in ay kala wareegaan ammaanka dalka ciidamada shisheeye ee hadda jooga (ATMIS iwm).

 

§  In maadaama Soomaaliya badbaadadeedu ku jirto in ay qaado waddada horumarka ee hannaanka xisbiyada badan ay shanta sano ee soo socoto arrinkaas uga faa'iideystaan dalka Turkiga oo ah dalka dimuqdaari ah lehna taariikh fac weyn oo xagga hannaanka xisbiyada badan iyo maamulidda doorashooyinka.

 

§  Waxaa jiray is af-garadyo iyo heshiisyo badan oo dhex maray labada dal dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, qaar ka mid ah heshiisyadaas waa la fuliyay qaar badanne weli lama fulin, marka in dhanka Soomaaliya, waxaa quman in ay dib u eegis lagu sameeyo heshiisyada iyo af-garadyada fulay iyo kuwa aan weli fulin, si dib loogu dardargeliyo heshiisyada aan weli la fulin kuwaas oo ay faa’iido togan (amni, dhaqaale/ganacsi, horumar iyo bulsho iwm) ugu jirto Soomaaliya.

 

§  In ay Soomaaliya (Guddiga Doorashadu) xiriir dhow la sameysaan Guddiga Doorashooyinka Turkiga oo ah Guddi fac weyn, lehna taariikh qoto dheer, kaas oo qabtay boqolaal doorashooyin oo kala duwan qarnigii la soo dhaafay. Taas u waddanka ka caawin karta in uu awood u yeesho qabashada heerarka doorashooyinka kale duwan iyo daadajinta iyo dhismaha dowlaha hoose ee dalka. Sidoo kale, waddanka Turkigu in uu heer sare ka gaaro arrimaha tirakoobka, doorashooyinka, amniga, aqoonsiga muwaadinka (identity),  socdaalka, arrimaha qaxootiga, caafimaadka, adeeg daadejinta, iyo maaliyadda (bangiyada iwm) waxaa aasaas iyo gundhig u ah hay’adahiisa gaamuray ee ka shaqeeya bixinta kaararka aqoonsiga, marka Soomaaliya oo hadda aasaaskeeda ku jirta Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaan u soo jeedin lahaa in ay xiriir dhaw la yeeshaan hay’adaha dhiggooda ah ee dalka Turkiga kuwaas oo ka shaqeeya arrimahaan aqoonsiga iyo diiwaangelinta.

 

§  Waxaa jirtay in dhawaan guddi loo saaray dib u howlgelinta Somali Airlines oo muhimad weyn u leh dib u soo nooleynta Soomaaliyada cusub, waxaa iyana quman in guddigaasi xiriir dhow la sameeyo hay'adaha dowlaha Turkiga ee arrimahaas u dhuun doloola sida Turkish Airlines, hay'adaha duulista hawada ee Turkiga, iyo kuwa dalxiiska.

 

§  In siyaasad arrimo dibadeed oo degan laga yeesho xiriirka u dhexeeya laba dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga. Tusaale, madaxweyne kasta oo Mareykanka loo doorto ama haka yimaado xisbiga dimuqraadiga ama kan jamhuuriga ah e, siyaasaddiisa ku aadan Israa’iil waa siyaasad jaan go’aan oo aan sinnaba si fudud isugu beddeli karin. Waxyaabaha yar oo lagu ammaani karo Madaxdii dalka Soomaaliya soo martay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa ka mid ah in mar kasta xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga uu mar kasta ahaa mid togan, walow aan filaayo in aysan jirin siyaasad arrimo dibbadeed oo qoran dhanka Soomaaliya oo gundhig u ah arrintaas.

 

§  Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu u yara eg yahay xiriir ka dhexeeya xisbul xaakimka uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdoğan, taas oo khatar ku keeni karta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya haddii xibsiga Horumarka iyo Caddaalada ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdoğan looga adkaado doorashooyinka Madaxweyne soo socda. Walow ay dooda kala duwani ka jiraan, haddan hannaanka ay qaatay Turkigu ee (presidential system) ayaa la leeyahay uma saamaxaayo in Madaxweyne Erdoğan uu mar kale (seddexaad) isku soo sharraxo Madaxweynaha dal weynaha Turkiga. Marka Soomaaliya waa in ay arrintaasi ku sii baraarugtaa kana fooljignaataa maadaama Turkigu howlo fara badan oo isgu jira amni, ganacsi, bini'aadanimo, horumar, iyo diblumaasiyadba ka wado Soomaaliya oo hadda iyo xilliga fogba u baahan waddan sida Turkiga ah oo u noqda saaxiib iyo walaal garab istaag laga helo marka looga baahdo. Waxaane arrintaan sii xoojina in xisbiga Horumarka iyo Caddaalada ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdoğan uu u yara eg yahay xisbi ku kor dhisan hoggaamiye Erdoğan, xisbiyada nuucaan ah ayaa la sheegaa in ay dafiicaan ama meesha ka baxaan haddii uu hoggaamiyahoodu meesha ka baxo (dhinto, gaboobo ama laga guuleyso).

 

§  In Soomaaligu wax ka bartaan hay'adaha gaamuray ee dalka Turkiga, sida kuwa dhaqaalaha (bangiyada, hay'adaha maaliyadda, tirakoobka iwm), siyaasadda (arrimaha dibadda, tan gudaha), arrimaha bulshada (hay'adaha caddaaladda, caafimaadka, doorashooyinka iwm), amniga (difaaca, nabadeynta iwm).

 

§  Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee rajada ka qaba in ay ummad hoggaamiyaa ayaa iyaguna hoggaamiya dalka Turkiga casriga ah ee dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka baran karaan geesinimada, dhiiranaanta, waddaniyadda, dulqaadka, sabarka, dad-isku-wadka, qiyamka, iyo lahaanshiyaha han-sare iyo aragti.

 

§  Dadka Soomaaliyeed ee maalgashaday dalka Turkiga kuwaas oo ganacsiyada iyo guryaha ku leh waddanka Turkiga ama heysta dhalashada dalkaas, waxaa ay la gudboon in ay bartaan afka iyo qawaaniinta dalkaas si ay ugu noolaadaan waddankaas si habsami iyo xorriyadi ku jirto.

 

W/Q: A. Abdulle

Bare iyo Cilmibaare




 





Click here