6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Si Saxa Ma U Baratay Madaxweyne Farmaajo iyo Kaaliyihiisi Siyaasadeed? Maxayse Auckland iyo Macnaghten Isaga Egyihiin?

Luqmaan-Xakiim Xuseen
Sunday June 4, 2023

Juun sanadkii 1838, Madaxa Isticmaarkii-Hindiya Auckland loo yaqaanay (Lord Auckland), ahna ninka loogu magac daray magaalo madaxda New Zealand, ayaa shir isugu yeeray saraakiishii sarsare ee Isticmaarkii-Hindiya. Waxaa laga arrinsanayay walwal in Ruushku la xulafeystay Persian-ka, markaana doonayay inuu Afqaanistaan la xulafeysto. Haddii ay taasi dhacdo, waxaa isticmaarka Hindiya ka go’aya xiriirkii dhulka dhanka Galbeedka ee mari jiray wadadii-xariirta (Silk Road), dhanka badeecadda oo muhiim u aheyd Yurub.

advertisements
Afqaanistaan waxaa waagaa xukumayay Dost Mohamed, meeshii Auckland uu siyaasad la ciyaari lahaa Ruushka, sida inuu ka-kasbado Afqaaniyiinta, wuxuu doorbiday caqli-caqli inuu ciyaaro oo uu Afqaanistaan dib ugu soo celiyo Shah Shujaac oo 25 sano kahor xukunka laga eryaday, ahaana shakhsi liita oo ay Afqaaniyiintu jeclayn. Auckland oo markaa ka fekeraya in xukun-ku-celintaas ugu qaameysnaan doono. Markaa shirka waxaa xaadir ahaa xaakimka gobolka Calcutta (Chief Secretary of Calcutta), Macnaghten oo 45-jir ahaa. Shakhsiyadda Auckland iyo Macnaghten isku nooc ayay aheyd. Macnaghten wuxuu yiri Afqaanistaan waa qabaa’il u ooman ilbaxnimo, markii aan ka celino Ruushka, waxay la dhici doonaan ilbaxnimadeena. Shah Shujaac inuu taladeena ku socdana waligii waa ku khasbanaan doonaa. Auckland inuu fekerkaa la dhaco iska daaye, wuxuuba Macnaghten u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Boqoradda u qaabilsan Kabul, galkii siyaasiga ee Afqaanistan oo dhan isagaa lagu wareejiyay. Agoos sanadkii 1838 Macnaghten wuxuu qabsaday Kabul, Dost Mohamed wuxuu u cararay buuraha, xukunkiina waxaa lagu fariisiyay Shah Shujaac.

Macnaghten wuxuu helay xogo ah in Dost Mohamed ciidan ku dhisanayo buuraha waqooyi, dhanka koonfureedna odayaasha qabaa’iilka in ay bilaabeen abaabul is-uruursasho ka dhan ah gumeystaha. Macnaghten aragti gaabnidiisa, wuxuu ciidankii Ingiriiska amray in ay keensadaan caruurtooda iyo dumarkooda oo walib ay lasocdaan 10 kun oo adeegyaal hindi ah, isagoo aaminsan in xadaaradda Ingiriiska ay sii jeclaan doonaan Afqaaniyiinta, insaan caadi ahna noqon doonaan markii ay arkaan dumarka iyo caruurta. Laakiin waxaa Afqaaniyiinta umuuqday dad ku aflagaadoonaya dhaqankoodi iyo diintoodi oo waddada khamri ku cabbaya, dhaqan aysan aqoona u keenay, waxayna sii kordhisay caradii shacabka ay u qabeen gumeystaha. Qabaa’ilka Ghilziye ayaa isbaaro ka qaadan jiray ciddii soo marta buurahooda, Macnaghten wuu bixin jiray baaddaas, illaa Boqortooyadii Ingiriiska soo amartay inuu yareeyo kharashka badan ee kubaxaya Afqaanistaan. Markaa ayuu bilaabay inuu jaro lacagtii isbaarada ee lasiin jiray Ghilziyiinta, iyaguna waxay sii xoojiyeen waddo goynta. Qabaa’iladii kale ayaa ku deyday, kacdoon ballaaran ayaana bilowday. Markaa ayuu Macnaghten khalkhalay, waaguna ku baryay.

Dadka caqliga u saaxiibkaa ayaa kula taliyay in ay Afqaaniyiintu yihiin dadka dunida iskula faansan dhaqankooda iyo diintooda, ilbaxnimo-Ingiriisna aanan dan ka laheyn, balse ay ugu baxdo nolol ah harjad iyo iska-hor imaad. Sidaa awgeed, waxay ku yiraahdeen ama cagta mari oo hadaad xoog leedahay way ku ixtiraamayaan ama si dhab ah ula saaxiib oo ka-kasbo qalbiga iyo maskaxda. Macnaghten wuxuu kujawaabay, waa caruur oo kale, iyagoo dhan lacag ku iibsaneynaa, wuxuuna jeclaa oo taladiisa kusoo koobay soona dhaweystay qofba qofka uu ka caqli yar yahay, oo u sacabtumaya, isagana buunbuuniya!

Dhacdadaas waxay kusoo afjarmatay in Macnaghten xilal wasiiro iyo lacag u ballan qaaday madaxda qabaa’ilka Ghilziye. 23 Diseember 1841 ayuu yiri anigaa qaadanaya lacagtaa, Akbar Khan oo kamid ahaa nabadoonada qabaa’ilkaa. Macnaghten run ayuu mooday, markuu u yimid Akbar wuxuu amray in Macnaghten iyo inta la socotaba cagta la mariyo. Kadibna intii la jarjaray ayaa lugihii iyo madaxii Macnaghten la suray jidadkii Kabul, meesha sareertiisa la suray bazaarka Kabul. Tiro dhan 16,500 oo kasoo haray ciidankii-Ingiriiska iyo hindidii u adeegaysay waxaa la amray in ay lug uga baxaan Afqaanistaan xilli qaboobe ah, iyagoo sahaydiina laga jartay, jidadkana loo galay. Ciidankii ilaalinayay magaalada Jalalabad ee dhanka xuduuda Hindiya, waxaa 13 Janaayo 1842 soo gaaray hal faras oo uu saarnaa Dr. William Brydon oo ay naftu barna kabaxday, barna kujirtay, wuxuuna ahaa ruuxa keliya ee kasoo badbaaday mashruucii Auckland iyo Macnaghten ee Afqaanistaan.

Khibradda Gaamurtay Ee Ingiriiska

Ingiriisku waa dad aad wax uga bartay taariikhda ilaa haddana jiritaankooda ku ilaalsada casharadaas taariikheed. Khubaradoodu waxay yiraahdaan, Auckland iyo Macnaghten waxay qabeen xanuun layiraahdo “Grandiose Narcissism” oo ah qofku inuu isku arko ballaayo dadka dhan ka sarreeya, kana caqli badan, isagoo aan aheyn, haddana aamino dadka oo idil in kalsoonidooda (loyalty) lagu iibsan karo lacag, masaalix-shakhsi iyo kacaanimo, waliba isagoo ula dhaqmaya qaab bahdil kudheehan. Macnaghten waa diidi jiray inuu aqbalo xogaha dhabta ah, saaxibu-caqlina waa isaga tagi jiray markuu arko noociisa.

Auckland iyo Macnaghten Soomaaliya Xukumay

Dhacdo lamid ah dhacdada Auckland iyo Macnaghten waxaan lasoo nooleyn 2017-2022. Madaxweyne Farmaajo iyo Agaasimihiise-Siyaasadda, waxaa soo maray fursad aanan soo marin Somalida kale 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Waxaana kusoo biiray nidaamkooda dad u saaxiib ah karti, aqoon iyo caqli oo doonayay in ay la dhisaan dowladnimada. Balse 2017, waxay dadku isaga soo baxeen gobolada dalka oo dhan, iyagoo taageero u muujinayay. Tartiib-tartiib qof walba oo wax garanayay, fahmayna dhaqankooda, waa isaga qulqulay! Waayo? Labada nin waxay qabaan xanuunkii Auckland iyo Macnaghten ay qabeen, waxayna u aragti gaabnaayeen sidooda oo kale, waxayna xukunka kala kulmeen wixii nimankaas qabsaday, waanan la dilin uun mooyee, barqo-cad, fursad 5 sano ah oo ay been la noolaayeen, kuna noolaayeen ayay xukunka ka lugeeyeen kadibna iyagoo dhuumanaya ayay magaalada ka hadaafeen. Waxay uun uga duwanaayeen in dalka iyo dadku ahaayeen dadkooda iyo dalkooda, waxayse kala mid ahaayeen cudurkaas dilaaga ah ee qofku is-moodsiinayo inuu dadka dhan siri karo, ka caqli badan yahay, yihiin xoolo isaga ubaahan, kalsoonidooda lacag ku wada iibsan karo, ku bahdili karo telefoon-ku-dhageysi, la qaabilin, hadday kuu yimaadaana saacado xad dhaafa la fariisiyo albaabka, si loo qab-jabiyo, iyagoo aan mashquul aheyn balse iska daawanaya Youtube ama Facebook. Isla markaana dadka kuwooda caqli gaabtaa ah lasoo dhaweysto, la isku hareereeyo, wax walbana la yiraahdo inagaa gacan sarreyna, talo walba oo qiimo laheydna waxba laga soo qaadin!

Aragti gaabnida, indha la’aan wax-ku-qorsheyn iyo narcissism xad-dhaafa, iyo inaad mooddo dadka dhan in ay isku mid yihiin, saad doonto kayeeli karto oo rabitaankaaga keliya u hogaansamayaan, iyo inaadan laheyn karti aad intaa ku fahanto, waxaa ka dhasha niyad jab, is-eedayn iyo qof walba oo kaa dhaqaaqa inaad dacaayad u sameyso, isagana eedayso. Ugu danbeyntiina adiga iyo intii aragtida gaabneyd ee kugu hareersneyd, is-eedeysaan jab kadib. Balse wali waa isla quman yihiin oo labaduba waxayba doonayaan inay qoraan buugaag ay lugooyadooda ku faanayaan, dadkii lasoo shaqeeyay ku dhaliilaan, masaakiin badana uga sii ciyaarayaan caqliga. Madaxweyne Farmaajo haduu leeyahay waxaan taageerayaa doorasho cod-&-qof ee Puntland ka dhacaysa, soo isagii diiday shirkii 17-Sebteember Dhuusamareeb taladaas dad-caqli-u -saaxiiba & Guddiga Doorashada siiyeen, qaatayna taladii Macnaghten (ءَآلْـَٰٔنَ وَقَدْ عَصَيْتَ قَبْلُ وَكُنتَ مِنَ ٱلْمُفْسِدِينَ)? Meeye lacagihii Qatar ee kalsoonida lagu iibsan jiray? Meeye boqolaalkii CBB? Meeye sawiradii iyo igu sawirtii Photoshop lagu qorqori jiray oo aan baraha bulshada la gelin jirin, illaa Madaxweynuhu la dhaco quruxxdooda? Waxaas oo dhan waxaa dhaxlay Madaxweyne kale, gabadhiisa iyo juffadiisa, iyagana halkii iyo meel kasii liidata lasii aadeen, isagoo isleh samee copycat cudurkii narcissism ee ay dalka iyo dadka kuhayeen rajiimkii hore ee darwalada ka ahaayeen Auckland iyo Macgnaghten!

Nabi Adam cs ilaa hadda, dunida waxa keliya ee aan isbedelin waa insaanka, dareen iyo hab dhaqan ahaanba. Sidaa awgeed, mar walba waxaad ubaahan tahay insaanka inaad dib u akhriso, haddana akhriso, si aad u adroosi karto waxa ka imaan kara mustaqbalka oo aadan indho la’aan isaga raacin. Hadaad caqli leedahay mar danbe haku khaldamin dad uu dhaqankoodu u muuqaal egyahay Auckland iyo Macnaghten. Taariikhdana waa inaan wax ka baranaa sida Ingiriiska, waayo way isa soo celcelisaa, waadna ku kadsoomeysaa hadaadan isla akhrin dhacdooyinkii hore, oo lagu daray waxa hadda dhacaya, oo kuu tafsiiri kara waxa dhici doona. Yaa la mid ah Dr. William Brydon ee Afqaanistaan keligiis kasoo badbaaday, ee isagana mudan inaan taariikhda la akhrino, si aanan ugu kadsoomin? La soco……..


Luqmaan-Xakiim Xuseen
[email protected]



 





Click here