6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Khatarta ku Geedaman Nidaamka Madaxtooyada ee lasoo Jeediyay

Qore: Dr. CabdiNuur Sheikh Maxamed
Tarjume: Ibrahim Maxamed Abdulqadir (Shiino)

Tani waa isku day lagu doonayo in lagu iftiimiyo cakirnaanta soo jeedintii dib u eegista dastuurka  oo ay dhawaan 27/05/2023 soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ee ka kooban Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, RW Xamse Bare, DPM Saalax Jaamac iyo afar madaxweyne Dowlad-Goboleed oo kala ah,  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qorqoor), Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Kulankaan ayaa waxaa ka maqanaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo markii dambe ka soo horjeestay soo jeedinta, iyadoo  maqnaanshihiisa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay isaga iyo madaxtooyada qaranka oo aan ilaa iyo hadda xal loo helin.

Arrinta sida gaarka ah u khuseeysa qoraalkaan ayaa diiradda lagu saarayaa soo jeedinta ah in dalka laga bedelo nidaamka baarlamaaniga ah oo uu muddo ku shaqeeynaayey loona gudbo hab madaxweyne. Marka dhawaqooda laga eego, labada nidaam ayaa u muuqda kuwo si fudud la isugu beddeli karo, hase ahaatee, kala duwanaanshahooda waxaa ku hoos qarsoon rabitaan awood badsi iyo in uu horaseedo xukun keli-talis ah.

advertisements
Si kastaba ha ahaatee jahawareerka siyaasadeed oo ay keentay baqan ka soo yeeray GWQ ayaa qoralkan ku saabsan yahay so loogu lafo-guro ku habboonaanta isbeddelka la doonayo in Soomaaliya laga sameeyo xilligan xasaasiga ah iyadoo dib loo eegayo sidii ay horay ugu xalliyeen dowladihii Soomaaliya. Arrintanu ma aha mid ugub ah ee waxaa hora yuga soo dooday, meelna isla dhigay xukuumadihii hore iyadoo dib loo eegay xaaladda bulsho ee dalka ka jirta, midda amniga iyo guud ahaan degananta siyaasada dalka. Inta aynaan u guda-gelin ku haboonaanshaha nidaam kasta oo dawladnimo, aan dib u eegno muhiimadda weyn ee dastuurku u leeyahay bulshada. Ka hor inta aan la dhisin midnimo bulsho isku ujeeddo ah oo ka dhexeeya dhisidda dawlad ay ku mideeysan yihiin, waxaa laysku raacaa qiyamka, caadooyinka iyo xeerarka bulshadu ay wadaagto  oo saldhig u noqda heshiis bulsho. Heshiiska bulsho oo sidoo kale loo yaqaan dastuur, ayaa wuxuu ka kooban yahay mabaadida aasaasiga ah ee bulshada, sharciyada, xeerarka, caadooyinka bulshada iyo qaabkii ay kuwada noolaan lahaayeen. Sidoo kale, dukumeentigani wuxuu noqonayaa hage, khariidada wadadii la qaadi lahaa, iyo qaab-dhismeed ay ku saleeysmaan siyaasadaha, barnaamijyada iyo waxqabadyada dowladda la wada leeyahay. Sidaa awgeed, madaxda qaranka iyo mas’uuliyiinta dawladda waxaa mar walba looga fadhiyaa inay si weyn u dhawraan heshiiska bulshada oo ah dastuurka oo ay caddeeyaan mowqifkooda sida ay uga go’an tahay ilaalintiisa, haddii la bedelaayana loo maro wado sharciga oggol yahay.

Nasiib darro, siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee hadda iyo kuwii horeba oo ujeeddooyin gaar ah wata ayaa si khaldan u sheega in Dastuurku yahay qoraal ay dad samayeen  oo aan muqadas ahayn, lagana maarmi karo. Waxay ku andacoonayaan in la bedeli karo haddii dastuurku haqab-tiri waayo baahida bulshada. Way dhici kartaa, laakiin in la fududeeysto ama lagu xadgudbo dastuurka oo aan loo marin hab sharci ah waxay keeni kartaa kalsooni darro, khilaaf iyo kala tag heshiis bulsho oo u dhexeeya deegaanada, beelaha iyo gobollada ay ka kooban tahay Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Marka laga eego in dastuurka Soomaaliya uu yahay mid ku meel gaar ah, waxa ay u janjeersanayeen dowladdan iyo dowladihii ka horeeyayba in ay soo jeediyaan isbedello doorasho oo ay iyagu ka faa’ideystaan ​​halkii ay si dhab ah u dhisi lahaayeen guddiyo dastuuri ah si ay u dhameystiraan dastuurka una gaarsiiyaan in lagu ansaxiyo afti-qaran.

Qaar ka mid ah taageerayaasha isbadalka la soo jeediyay ayaa ku doodaya in horumarka Soomaaliya uu caqabad ku yahay nidaamka federaalka oo gacmaha ka xiraaya madaxweynaha, kaasoo khasbaaya in baarlamaanka uu ansixiyo dhammaan hawlaha dowliga ah iyo iyadoo culays aan loo baahneyn uga yimaado madaxweynaha hawl qabadkiisa Raysal Wasaaraha ama madaxda maamul goboleedyada. Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis aysan si fiican u fahamsaneyn in nidaamka federaalku uu yahay mid dastuuri ah oo lagu heshiiyey oo jiraya inta si sharci ah loo bedelo oo afti-qaran lagu diido ama lagu ansaxiyo. Dhanka kale, waxaad runtii isleedahay waxaa ka maqan saaxadda siyaasadda iyo midda dowladnimo bisayl siyaasadeed, dabacsanaan laysugu wado shacabka Soomaaliyeed iyo in la qiro sarreeynta sharciga oo ah waxa isku haya bulshada Soomaaliyeed.

Marka la fiiriyo ku haboonaanta dalka ee labada nidaam, qaabka dawladeed ee madaxtooyadu waa qaab ku salaysan mabaadiida kala qaybinta awoodaha fulinta iyo sharci dejinta. Nidaamkan, madaxwaynuhu waa madaxa qaranka, islamarkaana madaxa xukuumadda, isaga ayay hoos yimaadan maamulka awoodda dhaqalaha kaas oo ka madax bannaan golaha sharci-dejinta. Run ahaantii, maadaama xafiiska fulinta uu gacanta ku hayo arrimaha miisaaniyadda dowladda, waxa la dhihi karaa golaha sharci-dejinta waxa si farsamaysan u maamula xafiiska fulinta. Nidaamkan, madaxwaynuhu waxa uu isticmaalayaa awoodo aan xad lahayn, haddii aan la ilaalin dastuurka oo lagu xadgudbo wuxuu horseedayaa nidaam kelitalisnimo, kacdoon bulsho iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Dhanka kale, nidaamka kale ee baarlamaaniga ah waa midka awoodda fulintu ay ka timaaddo baarlamaanka oo xadidaaya islamarkaana la xisaabtamaaya golaha fulinta. Madaxweynuhu wuxuu magacaabaa Raysal Wasaare oo isna soo magacaabo gole wasiir isagoo wadatashi la sameeyey madaxweynaha, golaha shacabka iyo hoggaanka bulshada. Madaxweynuhu wuxuu saxiixaa oo sharciyeeyaa soo jeedinta golaha wasiirada oo ay ansaxiyaan golaha shacabka. Haddii madaxweynuhu oggolaan waayo soo jeedintaas waxaa lagu sharciyeyn karaa oo keliya iyadoo 2/3 meelood xubnaha baarlamaanka ay u codeeyaan soo jeedintaas. Nidaamka Baarlamaaniga wuxuu leeyahay awoodo isu dheelitiran oo baarlamaanku sharci dejin kaliya kuma eka ee waa awood la mid ah midda fulinta iyo midda caddaaladda. Madaxweynuhu maadaama uu yahay madaxa dowladda waa ilaaliyaha dastuurka, aabaha dalka, oo difaaca nabadda iyo xasiloonida dalka.

Waxaa Soomaaliya manta ka jira nidaam baarlamaani ah oo wax laga beddelay oo madaxweynaha “la doortay” uu yahay madaxa dawladda iyo Ra’iisal wasaaraha uu soo xushay oo ah madaxa xukuumadda, iyada oo ay jirto hay’ad sharci-dejin oo u badan xubno ay doorashadooda ay maalgelisay dowladda hadda jirta, siyaasiyiin kale ama dowladihii ka horreeyay. In kasta oo Soomaaliya ay ku dhisan tahay nidaamka baarlamaaniga ah oo aan siduu yahay loogu dhaqmin, haddana waxaad moodaa rabitaanka dowladda in uu yahay in ay farageliso nidaamkii iyada lagu soo doortay oo ay rabto in ay awoodo dheeri ah oo xubnaha fulinyta iyo sharci dejinta lahaayeen iyada la wareegto iyaddoo aan loo marin nidaam sharciyeeysan oo dastuurka waafaqsan.

Waxaa cajiib ah in GWQ soo jeediyo in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka iyadoo ay hawshaasi u tiilay barlamaanka oo fulintu aysan shaqo ku lahayn. Falka noocan oo kale ahi wuxuu muujinaayaa ujeedooyinka qarsoon ee ka dambeeya soo jeedintan.

Intaa waxaa dheer, waxaa muhiim ah in dib-u-eegis lagu sameeyo taariikhda Soomaaliya ee xornimada ka hor iyo ka dib, oo waxaa soo baxaaya in madaxda qaranku ay ku bahoobeen ayna mar walba doorbideen nidaamka baarlamaaniga oo ay u arkeen in uu ku habboon yahay dowladnimada Soomaaliya marka la eego xaaladda bulsho iyo dhaqan-siyaasadeedka dalka. Arrintan oo kale ah waxay dhacday markii la dhisay jamhuuriyadii ugu horreysay 1960kii iyo kadib shirarkii Carta, Djibouti iyo Mbagathi, Kenya ee dib u heshiisiinta ee sanadihii 2000 iyo 2004 siday u kala horreeyaan. Sadeexda goorba waxaa la isku raacay in dalku qaato nidaam baarlamaani ah iyadoo lixdankii awwodo dheeri ah la siiyey madaxweynaha. In la iska indho tiro tartanka siyaasadda qabaa’ilka Soomaaliya, taariikhda dagaalkii sokeeye iyo dowlad la’aantii soddonka sano ee la soo dhaafay waxay muujineysaa ismeermeerin, fudeyd  ama aqoondarro baahsan in ay jirto oo lagu iloobay wixii la soo maray iyo dhayalsiga ba’an ee arrimaha asaasiga ee lama dhaafaanka ah.

Marka dib loo milicsado qaabka ay u arkayeen siyaasiyiintii hore, waxay muhiimada ugu weyn siinayeen muwaadinnimada, isku duubnida qaranka, iyo midnimada taasoo keentay in la soo xulo nidaamka baarlamaaniga oo wax laga bedelay (modified) , iyadoo la siiyay madaxweynihii ugu horeeyay ee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan awoodo dheeri ah oo loo arkayay inay lagama maarmaan tahay xilligaas. Kuwaas oo ahaa awoodda magacaabista Raysal Wasaaraha iyo kala diridda xukuumadda iyo awoodda kala diridda xubnaha Baarlamaanka. Madaxweynaha 1-aad Mudane Aden Cabdulle Cisman waxa uu caan ku ahaa jacayl dawladnimo, waxaana uu inta badan muujin jiray dabeecad madaxnimo (presidential temprament) oo lagama maarmaan u ah isku soo dhawaynta daadka Soomaaliyeed iyo midnimada qaranka, isaga oo inta badan iska ilaalin jiray in uu awoodahaas dastuuriga ah ee lagu soo kordhiyey uu adeegsado ama ku takri falo. Madaxweynaha 1aad marna ma eryin Raysal Wasaarihiisa, mana kala dirin golihiisa shacabka inta uu xukunku hayay.

Haddaba, si aan arrintaa aan u iftiimino, aan dib u eegno magacaabista Raysal Wasaare Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Sannadkii 1960-kii kadib markii la doortay madaxwaynihii ugu horeeyay Mudane Aden Cabdulle oo ka mid ahaa xisbi siyaasadeedkii SYL ee talada dalka hayay ayaa xisbigu soo jeediyay in uu u magacaabo Wasiirka Koowaad mid ka mid ah saddex murashax oo uu xisbigu u soo gudbiyey madaxweynaha. Waxay ahayd waqti madaxweynaha 1aad uu wadatashi la sameeynaayey masuuliyiin kala duwan oo la soo doortay iyo qaar kale oo bulshada haldoor ka ah. Liiska murashaxiinta loo soo gudbiyey waxaa hormuud ka ahaa Raysal Wasaarihii hore Mudane Cabdullaahi Ciise Maxamuud, oo ahaa madaxa xukuumaddii hore ee ku-meelgaarka (KMG) ahayd ee (1956-1960), oo ahaa shakhsi aad loo jecelyahay dad bandanna taageerayeen, waxaana murashaxa kale ee saameynta lahaa uu ahaa Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo xiriir adag ku leh xisbiga SYL, taageero fiicanna ka haystaa ergooyinka ka soo jeeda deegaan doorashadiisa.

Raysal Wasaare Cabdullaahi Ciise wuxuu ahaa siyaasi ay beelwadaag yihiin Madaxweynaha 1aad waxayna ka soo wada jeedaan magaalada Beledweyn, halkaas oo ay ka soo jeedaan madax badan oo SYL ah sida siyaasiga ruugcadaaga ahaa ee Sheikh Cali Jumcale Baraale iyo kuwo kale. Mudane Sharmaarke waxa uu isna ka soo jeeday beelweyn ka mid ah shanta beelood ee ugu waaweyn dalka, kalsooni bandanna ka haystay dad badan. Inkastoo aan la iska indha-tiri karin qadarinta weyn uu mudanaa Raysal Wasaarahii hore Mudane Ciise, beelwadaagna la haa madaxweynaha isla markaana siyaasadda ku lahaa miisaan weyn, haddana Madaxweynaha wuxuu go’aansaday in uu u magacaabo Raysal Wasaare cusub dalka kaasoo ahaa Mudane Cabdirashid Cali Sharmarke si uu shacabka ugu muujiyo muhiimadda mabaadi’da dimoqraadiyadda ee ku dhisan isu dheelitirnaan, ilaaliyana isku-duubnida qaranka iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka. Inkasta oo Madaxweynihii u horeeyay uu u lahaa xaq dastuuri ah inuu oo xuli karo cidduu rabo oo hawsha ka soo bixi kara, inkasta oo Raysal Wasaare Cabdullahi Ciise uu ahaa nin u dhuun daloola jagadaas sida ay dad badani filayeen, haddana waxa uu muujiyay madaxwehynaha bisayl siyaasadeed si aysan u dhicin doodo aan loo baahneyn oo ku saabsan xulashada madaxweynaha iyo eedeymaha suurtagalka ah ee noqon kara nin jecleysi iyo maamul ku saleeysan nuiman beelwadaag ah taas oo keeni karta kalsooni darro iyo kala fogaansho shacabka dhexdiisa ah. Waxaan ka barannay go’aankan taariikhiga ah in madaxweynayaashu ay ku miisaamaan go’aanadooda danta dalka iyagoo aysan culays weyn saarin danahooda siyaasadeed ee gaarka ah taas oo laga yaabo in ay wax weyn u dhimaan dhaxalkooda siyaasadeed ee mustaqbal islamarkaana dalka raad xun ku reebaan.

Waxaa intaa dheer, in aan mar kale dib u eegno dhacdo kale oo muujineeysa habka loo wajahay arrin culus oo soo foodsaartay Madaxeynaha 1aad Mudane Aden Cabdulle iyo xukuumadiisa. Horraantii 1960-kii oo ay Soomaaliya ku howlaneyd taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xoreynta Soomaalida geeska Afrika, xilligaasoo madaxweynaha u diray wafdi uu horseed ka yahay Janaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi oo ahaa taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed magaalada Moscow ee Midowga Soofiyeetiga si ay uga dhaadhiciyaan hoggaanka dalkaas sidii ay Soomaaliya heshiis difaac oo laba geesood ah ula geli lahayd dalkaas. Iyadoo howlgalka Moscow uu socday, madaxwayne Aden Cabdulle wuxuu isna u baxay safar kaas la mid ah oo uu ku tagay dalka Talyaaniga oo ujeedo tii Moscow la mid ah ka doonayay reer galbeedka. Taliyaaniga ayaa fariinta u gudbiyay shirweyne ay isugu yimaadeen hogaamiyayaasha reer galbeedka oo ka socday Galbeedka Jarmalka, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen codsigaas, isla markaana ay ku heshiiyeen in wada-hadalku sii socdo.

Isagoo aan ka warqabin madaxweynaha safarka ku guda jira ayaa General Da’ud ku wargeliyay Raysal Wasaaraha in Moscow ay diyaar u tahay inay si buuxda ula shaqeyso Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen lana soo gudbiyey heshiis qabyaqoraal ah oo la rabo in Muqdisho laga soo saxiixo. Sababo aan la garaneyn awgood, Raysal Wasaaraha oo garwaaqsaday in arrintu deg-deg tahay ayaan la socodsiin Madaxweynaha hawshaas mugga leh balse taa beddelkeeda uu saxiix degdeg ah ka helay ku simaha Madaxweynaha oo xilligaas ahaa Mudane C/llaahi Maxamuud Qaalib islamarkaana ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka. Waxaa sideedaba muran berigaa ka jiray illaa iyo haddana aan caddeyn in ku-simaha madaxweynuhu uu awood buuxda u leeyahay qabashada hawlaha madaxweynaha xilli uu madaxweynuhu safar ku mqan yahay, iyo in sida sharciga ah ay tahay in awooddu la wareegi karo oo keliya mar uu madaxweynuhu miyir-doorsoomay ama uu geeriyooday.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada Raysal Wasaaraha iyo dardar-gelinta ay ku hawsha ku dhaqaaqday ayaa u muuqday in ay tahay shirqool iyadoo Madaxweynaha oo si fudud loo heli kara, lala socodsiiyo barnaamijka lagana talageliyo, isagoo weliba ay si joogto ah u wada xiriirayeen Raysal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Nasiib darro, Dowladdii ​​Talyaaniga oo uu marti u ahaa ayaa ku wargelisay Madaxweynaha heshiiska cusub ee laba geesoodka ah ee Soomaaliya la saxiixatay Moscow. Arrintaanu waxay lama filaan ku noqotay Madaxweynaha in uu ka maqlo arrin noocaan oo kale ah dal shisheeye  ah has ahaatee Madaxweynaha wuxuu ka codsaday talyaaniga iyo xulafadiisa reer Galbeedka ah in ay la yimadaan heshiis kaa u dhigma oo ay Soomaalidu ka baaraan degto wuxuuna dib ugu soo laabtay Muqdisho. Madaxwayne Aden oo aad uga carooday falka ay ku dhaqday xukuumadda ayaa u yeeray masuuliyiinta Golaha Fulinta isaga oo hortooda ku akhriyay heshiiska Moscow, isaga oo caro ka muuqatana heshiiska jeexjeexay kuna tuuray qashinka. Muddo kadib oo uu madaxweunuhu dib uga fekeray misaanka wixii dhacay ayuu ka codsaday Raysal Wasaaraha iyo la taliyayaasha dowladda inay isbardhigaan oo ka talo-bixiyaan labada heshiis oo ka kala yimid Moscow iyo reer galbeedka.

Raysal Waasaaraha iyo hawlwadeenadii kale waxay markii dambe u soo gudbiyeen Madaxweynaha in heshiiskii Midowga Soofiyeetigu  uu Soomaaliya uga fiican yahay ugana faa’iido badan yahay kan reer galbeedka uuna ka qablay. Si kastaba arrintu ha ahaatee, qaabka uu u maareeyay Rayiisul Wasaaraha barnaamijkaan ayaa u cuntami waayey madaxweynaha iyadoo dareen kalsooni darro ah meesha soo galay. Inkastoo madaxwayne Aden Cabdulle  uu awood u lahaa in uu xilka ka qaado Raysal wasaaraha oo u muuqday in uu ku kacay fal sharciga baalmarsan iyo amar-diido, haddana waxa uu ka gaabsaday in uu go’aan deg-deg ah qaato. Madaxweynaha wuxuu tixgeliey in xil ka qaadista Raysal Wasaaraha iyo kala dirista Golaha Wasiirada ay horseedi karto kalsooni darro iyo kala qeybsanaan hor leh oo ka bilaabata baarlamaanka dhexdiisa, isla markaana ay horseedi karto inay dalka khalkhal siyaasadeed geliso. Waxaa intaa dheer, Madaxweyne Aden wuxuu go’aansaday in ay hawsho hore u socoto sidii ayan waxba dhicin ilaa doorashada ka dib markii madaxweynuhu dib loo doortay oo uu markaa soo xulay Raysal Wasaare cusub, oo ahaa Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen. Inkasta oo uu madaxweynuhu aad uga carooday falkan shirqoolka u muuqday, haddana waxa uu u gaabsaday in uu ilaaliyo xasilloonida siyaasadda dalka inta laga gaarayo waqti isbeddel ku haboon iyadoo aan buuq badan uusan dhicin.

Waxaan ka baranaynaa labadaa dhacdo ee taariikhiga ah in madaxweyne Aden Cabdulle Cisman uu si qoto dheer u ilaaliyey daryeelka dawladnimo, ilaalinta dastuurka uuna muujiyey deganaan madaxnimo (presidential temperament) iyo welwel uu ka qabo isku haynta iyo ilaalinta midnimada jamhuuriyadda.

Waxaa xusid mudan, ergooyinkii ka qaybgalay shirarkii dib-u-heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed ee lagu qabtay Carta, Jabuuti iyo Mbgathi, Kenya labaduba waxay soo xuleen nidaamyo baarlamaani ah oo ay wax ka bedeleen nidaamkii la qaatay 1960kii iyagoo xaqiiqsaday awoodaha dheeraadka ah ee madaxweynanimo ee lagu kala dirayo xukuumadda iyo baarlamaanka in aysan xaaladda dalka ku jiro macquul ahayn lagana maarmo awoodahaas dheeriga ah ee la siiyey madaxweynaha. Awoodahaas dheeriga ah waxaa loo laalay si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay, awood qaybsi iyo xasillooni siyaasadeed.

Taageerayaasha nidaamka madaxtooyada (presidential system) waxay ku doodayaan in horumarka qarankeena uu hortaagan yahay khilaaf aan dhamaad lahayn oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha iyo in awood la siiyo madaxweynaha la doortay si ay u fududaato go’aan qaadashada iyo socodsiinta hawlaha qaranka,  iyadoo laga duulayo qaabka ay u dhaqmaan dalal ay ka mid yihiin Rwanda, Kenya, Djibouti IWM. Si kastaba ha ahaatee, khilaafku waxa uu sidiisaba ka dhashaa marka madaxda qaranku ay ku xad-gudbaan dastuurka oo ay faraha la galaan hawlo ka baxsan waajibaadkii loo igmaday. Nasiib darro, siyaasiyiinta Soomaaliyeed way ku yar yihiin inta u hoggaansanta dastuurka oo aaminsan sarreeynta sharciga oo badi ma rabaan isla-xisaabtan marka ay dastuurka jebiyaan. Waxaa cad in dalku aanu lahayn maxkamad dastuuri ah oo madax-banaan oo wax ka qabata arrimaha asaliga ama khataraha leh ee qaranka soo wajaha. Nasiib darro madaxweynayaashii dalka soo maray badigood way diidanaayeen in la dhiso maxkamad dastuuri ah iyagoo ka baqaaya in ay dhisaan ​​awood sharci oo iyaga ka sarreeysa.

Midda kale, waxaan qarsoonayn in Soomaaliya maanta loo maamulo qaab nidaam madaxweyne (presidential system) iyadoo la iska indha-tiray isu dheelitiranka golayaasha fulinta, sharci-dejinta iyo cadaaladda, lalana wareegay inta badan awoodaha Raysal Wasaaraha, Golaha wasiirada, iyo qaar ka mid ah awoodaha Dowlad- goboleedyada. Sidaas darteed, xafiiska fulinta ee madaxtooyada ayaa hadda u muuqda in uu qabto inta badan hawlaha qaranka, oo ay meesha ka baxday waajibaadka golaha fulinta oo isu bedelay mid ka tarjunta rabitaanka madaxtooyada taas oo si cad u baalmarsan dastuurka dalka. Waxaa caddeyn kuugu filan soo jeedinta ka timid GWQ lafteeda ayaa ah in la doonaayo in dhaqan dawliga manta jira (presidential system) la rabo in la waafajiyo dastuurka maadaama uu hadda baalmarsan yahay, halkii dastuurku xakameyn lahaa dhaqamadaas.

Soomaaliya waxa ay ku socotaa wado dheer oo ay ku soo ceshanayso qaranimadeeda iyo dawladnimadeeda mana xamili karto khilaafyo cusub oo ka dhashay maamul loo arkay in uu magac iyo awood beel xambaarsan yahay, taas beddelkeedana ay u baahan tahay in nidaamka hadda jira ee baarlamaaniga uu shaqeeyo, siyaasiyiintuna ay raacaan ama ilaaliyaan dastuurkii markoodii horeba ay xilka ku heleen. Daldaloolka iyo dareenka ah in aanu nidaamku haqabtirayn baahida dalka ma siinayso qof ama koox inay go'aan iskood uga gaaraan in la bedelo dastuurka iyagoo aan soo marin nidaamka sharciga ee dalka ka jira.  Barlamaanku waa laanta kaliya ee dawliga ah oo awood u leh soo jeedinta dib u eegista iyo wax ka beddelka dastuurka.

Tixraac

Wareeysi aan la yeeshay Engineer Abdulkadir Aden Abdulle, oo uu dhalay Madaxweyne Adan Cabdulle Cismaan isla markaana dalka ka ahaa Wasiirka Hawlaha Guud sanadihii (1969-1970).

Mohamud, A. (2012). The State of Somali Union. Foreign Policy in Focus. Washington Dc.

Samatar, A., Samatar A,. (2022). Bereft of Trust: Reflections on the Causes of the Somali Catastrophe. Bildhaan, An International Journal of Somali Studies

___________ (2016). Africa’s Frist Democrats: Somalia’s Aden A. Osman and Abdirizak H. Hussein. Indiana University Press



 





Click here