6/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Falanqeyn ku Saabsan Go'aammadii Shirkii 6aad ee GWQ

Dr. Maxamud M Culusow
Tuesday June 13, 2023

Go’aammadii Shirkii 6aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee 27 Maajo 2023 waxaa ka dhashay doodo kulul oo isugu jira soo dhoweyn, taagero iyo dhalliilo baraha bulshada qabsaday. Waa la soo dhoweeyay go’aanka ka guurista doorashada 4.5 loona guurayo doorashada Qof iyo Cod (Q&C) iyo doorashada Q&C ee Degmooyinka Gobolka Benadir, go’aankaasoo waafaqsan dastuurka kmg sida ku cad qodobka 22 ee ku saabsan xaqa ka qaybgalka siyaasadda, qodobka 46 ee ku saabsan awoodda shacabka, iyo qodobka 47 ee ku saabsan nidaamka doorashooyinka iyo xisbiyada.

Waxaase la dhalliilay go’ammada la xiriira (1) kordhinta muddo xileedka Madaxweynayaasha iyo Barlamannada Dowladda Federaalka (DF) iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaaalka/Dowlad Goboleedyada (DXDF/DG), (2) xadidaada tirada xisbiyada oo laga dhigay labo keli ah, (3) beddelka nidaamka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka oo laga dhigay nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku Xigeen dadweynuhu toos u dooranayaan, iyo (4) go’aan ka gaaris la’aanta Ismaamulka Madaxabannaan ee Gobolka Benadir oo xubin ka ah dowladda federaalka, habka doorashada xildhibannada matalaya dadka iyo deeganka Waqooyi Galbed (Somaliland), iyo  qoondada haweenka, kuwaasoo shaki geliyay hirgelinta go’aanka doorashada Q&C.

Qodobbadaas waxay khuseeyaan dastuurka kmg oo dhammeystirkiisu yahay qodob ka mid ah saddexda qodob ee Dowladda Federaalka ee Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud u ah bartilmaameedka kowaad. Labada qodob kale waxay kala yihiin dhammeystirka barnaamijka deyn cafinta iyo ciribtirka khawaarijta (Al Shabab) si looga kaaftoomo ku tiirsanaanta Ciidammada Shisheeye ee ATMIS, walow walaac laga qabo bixitaankooda dhammadka 2024.   

Muddo lix (6) bilood ka hor, guuxa dadweynaha wuxuu saadaalinayay qodobka muddo kordhinta, kaaso dhiillo iyo welwel badan laga qabay waayo Shacabka Soomaaliyeed wuxuu xusuusan yahay dhibaatooyinka ka dhashay muddo kordhinnadii DF iyo DG soo maray. Soomaaliya waxay soo martay shan (5) sano oo ku dhaqanka sharciga iyo maamul wanaagga dowladeed dariishada laga tuuray, taaso dhalisay dagaal aad u dhaawacay dowladnimada Soomaaliya waayo waxaa dagaalammay Ciidammadii Dowladda Federaalka.

Sababaha la sheegayo in muddo kordhinta iyo beddelka qaab dhismeedka Dowladda Federaalka loogu baahan yahay waxaa ka mid ah:

1) In waqtiyada kala duwan ee doorashooyinka Barlamaannada iyo Madaxweynayaasha DG ay dhibaatoo ku yihiin siyaasadda, maamulka iyo dhaqaalaha dalka, loona baahan yahay mideynta xilliga doorashooyinka DG iyo Dowladaha Hoose;

2) In Madaxda Dowladda Federaalka iyo DXDF ay helaan waqti dheer ay uga wada shaqeeyaan ciribtirka khawaarijka (Al Shabab), dhammeystirka dastuurka, iyo diyaarinta doorashada Q&C.

3) In la is waafajiyo qaab dhismeedka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayadoo Madaxweynayaasha DG ay yihiin Madaxda Golahayaasha Wasiirrada. Maamullada DG waxaa lagu eedeynaya inay caqabad ku yihiin midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Nasiib darro, go’ammada shirka 6aad ee GWQ waxay abuureen khilaafaad heer federal iyo heer DG-yo, waayo qodobka muddo kordhinta waxaa loo arkaa beec dhacay oo ka noqosho laheyn. Khilaafaadkaas wuxuu carqalateynayaa halkudhegga Madaxweyne Xassan Sheikh oo ah “Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis La Ah.” Waxaa muuqata in Madaxweynayaasha DG aysan si niyad iyo ficil ah u taagersaneyn halkudhegga Madaxweynaha DF.   

Arrimaha laga milicsan karo Warmurtiyeedka iyo Heshiiska Doorashooyinka GWQ waxaa ka mid ah:

1.         In Madaxweyne Dr. Xassan Sheikh Maxamud oo Guddoominayay Shirka 6aad ee GWQ uusan wax ka saxiixin labada dokumenti;

2.         In aan la xusin maqnaanshaha DG Puntland walow loogu hambalyeeyay hirgelinta doorashada Golayaasha Dowladaha Hoose.

3.         In aan la caddeyn maalinta doorashada Xildhibannada Barlamaanka Federaalka (Golaha Shacbiga iyo Aqalka Sare) iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka JFS.

4.         In la baabi’iyay Guddiga Madaxabannaan Xuduudaha iyo Federaalka iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Doorashooyinka DG;

5.         In Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland ay horyaaal u tahay jaangooyada nidaamka doorashooyinka iyo xisbiyada ee dalka oo dhan;

6.         In la baabi’iyay heshiiskii lagu xalliyay khilaafkii doorashada Golaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha DG Koofur Galbed oo DF garwadeenka ka aheyd.

7.         In aan la xusin masiirka xisbiyada tirada badan ee ka diiwan gashan Guddiga Madaxabannan ee Doorashada Federaalka.

8.         Inaan la tixgelin mabda’a dastuuriga ah ee ah in Madaxda xilka haysa aysan isu codeyn karin ama isu kordhin karin darajo, mushaar, iyo muddo xileed midna.

Sababaha hurinaya doodda ka dhalaty go’aammadii GWQ waa kala duwan yihiin, waxaana ka mid ah:

1.         Fahamka Kaalinta Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ)

Fahamka kaalinta GWQ wuxuu ka mid yahay sababaha hurinaya doodda kulul ee ka dhalatay go’ammadii GWQ (National Consultative Council) oo lagu qaldayo “Madasha Hoggaaminta Qaranka (MHQ)  ( (National Leadership Forum),” kaaso loo abuuray in lagu dhaqaajiyo geedisocodka siyaasadda Soomaaliya markii hay’adaha dastuuriga ee Dowladda Federaalka -Madaxweynaha, Sharci-dejinta, iyo Fulinta – ay ku guuldareysteen diyaarinta nidaamka doorashada oo ah cutub muhiim ah ee dhammeystirka Dastuurka KMG kaasoo tifaftiri lahaa: 1) qaab dhismeedkaa heerarka kala duwan ee dowladda federaalka; 2) nidaamka ka qayb galka siyaasadda sida nidaamka doorashada ku saleysan xisbiyada badan; 3) dhismaha iyo hawlgelinta Ciidammada Difaaca iyo Amniga dalka; 4) qaybsiga kheyraadka dallka; 5) Qaab dhismeedka iyo sharciyada Garsoorka Madaxabannaan. 

2019, Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo cuskanaya qodobka VII ee Axdiga Qarammada Midoobay wuxuu amray dib u soo nooleynta “MHQ” kaddib markii la isku mari waayay nidaamka doorashada 2020, dalkuna galay qalalaase siyasaaded, nabadgelyoxumo iyo burbur dhaqaale. Ugu dambeyn, 2021 Madaxweynihii dalka waxaa lagu qasbay inuu faraha kala baxo wada xaajoodka iyo hirgelinta doorashada federaalka, taaso aheyd foolxumo aan dhici laheyn haddii Madaxweynaha xilka hayay uu ilaalin lahaa dastuurka, maslaxadda guud iyo sumcadda Qaranka Soomaaliyeed.

Sidaas awged, GWQ waa ka duwan yahay MHQ. GWQ waa “Gole Wadatashi” aan laheyn awoodaha ay leeyihiin hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka. Isla dastuurka kmg, qodobbadiisa 133-136 ayaa qeexaya habraaca daahafuran ee loo marayo dhammeystirkiisa (wax ka beddelkiisa), kaaso la filayay in la soo gabagabeeyo 2016. Sida awged, waxaa degdeg loogu baahan yahay dastuur dhammeystiran si looga baxo dowlad u yaalka ay muddada dheer Soomaaliya isku maaweelineysay.

2.         Ismaan dhaafka ka taagan Wada Shaqeynta iyo Iskaashiga DF iyo DG

Madaama DF iyo DG ka gaabiyeen dhammeystirka dastuurka federaalka iyo kuwa DG, ismaandhaaf xoog leh ayaa ka taagan wada shaqaynta DF iyo DG. Qodobbada 50 iyo 51 ee dastuurka kmg waxay farayaan wadashaqeyn iyo iskaashi istratejyadeed ee DF iyo DG iyo wadashaqeyn iyo iskaashi DG dhexdooda ah iyo kulan sannadeed dhexmaraya “Madaxda fulinta Xukuumadda Federaalka” iyo “Madaxda Fulinta Dowlad Goboleedyada” si loo adkeeyo midnimada qaranka, loona hormariyo adeegyada DF, DXDF, iyo Dowladaha Hoose u fidiniyaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda DF iyo kuwa DG-yada waxaa laga rabaa ilaalinta iyo u hoggaansanaanta tarjumaadda wanaagsan ee dastuurka kmg oo ah sharciga dalka ugu sarreeya inta laga dhammeystirayo. Tusaale ahaan, Tarjumaadda wanaagsan ee qodobka 121 ee ku saabsan mabaadi’ida dastuurrada DG oo lala akhriyo qodobka 4 ee ku saabsan sarreynta dastuurka kmg waxay ishaareysa in dastuurrada DG aysan khilaafin hadafka iyo mabaadi’ida guud ee Dastuurka KMG.

Sidaas oo kale, qodobka 142 ee ku saabsan DG jiray ka hor ansixinta dastuurka kmg bishii Agoosto 1, 2012, kuwaaso kala ah Puntland iyo Somaliland, wuxuu dhigaya in inta la is waafajinayo dastuurrada DXDF(DG) iyo dastuurka DF, labada DG ay sii haysanayaan awoodaha dastuurkoodu siinayo. DG la dhisay kaddib markii la ansixiyay dastuurka kmg ma lahan xuquuqdaas, waayo dastuurradooda ma khilaafi karin dastuurka federaalka kmg.  

Xaqa ku qoran qodobka 142 waxaa ka dhashay tarjumaada ah in awoodda DF ku kooban tahay Gobolka Benadir oo aysan wax awood, amar, iyo hogaamin ku laheyn DG, taaso aad u xoojisay ka soo horjeedka nidaamka federaalka.  Ujeedada Nidaamka Federaalka waxay tahay dal iyo dad mid ah, islaam ah, leh dowlad federal ah oo dalka oo dhan ka talisa. dimoqradi ah, sharciga loo siman yahay, nabad ah, horumar sameynaya, isla xisaabtan jiro, ka dhacayso doorasho waqtiyeysan oo xor iyo xalaal ah,

Sidaa darted, waa loo baahan yahay in dastuurka kmg loo fasiro, looguna dhaqmo hab taageraya midnimada Shacabka Soomaaliyeed dhexdiisa ah iyo kaalinta dowladda federalka, DG, iyo Dowladaha Hoose.

Doodda ah in gooni isu taagga Gobollada Waqooyi (Somaliland) darted aan la dhammeystiri karin dastuurka kmg waxay ugu horreyn inkirieysa dastuurka kmg oo caddeynaya xuduudaha iyo 18 gobol ee Soomaaliya ka kooban tahay iyo taarikhda geedisocodka 22 sano oo siyaasiinta Gobollada Waqooyi (Somaliland) ay door firfircoon ka soo qaateen.  Waa muhiim ah in shacabka taagersan gooni isu taagga Gobollada Waqooyi (Somaliland) loo fidiyo gogollo looga wada hadlayo sababaha iyo eedda burburka Dowladdii Soomaaliya iyo baahida heshiis qarameed loogu daneynayo jiilasha Soomaaliyeed ee aadka u dhibaateysan. 

3.         Arrimaha kale ee hurinaya doodda Go’ammada GWQ

1.         Caddeyn la’aanta in dalka lagu maamulayo dastuurka kmg ah ilaa beddelkiisa laga ansaxinayo.

2.         Caddeyn la’aanta inuu GWQ yahay Gole Wadatashi ee uusan aheyn Gole ka sarreeya ama beddelaya hay’adaha dastuuriga ee Dowladda Federalka.

3.         Caddeyn la’aan shuruudaha ku xiran dhaqangelinta kordhinta muddo xileedka Madaxda DF iyo DG.

4.         Barbar cararka ama ka dulboodka habraacii iyo hay’adihii loo xilsaaray dhammeystirka dastuurka kmg sida Guddiga Madaxabannan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga La Socodka/Kormeerka ee labada aqal ee BFS oo gacanta ku haya buugga “Soo Jeedinta Qabyo Qoraalka 3aad ee Wax ka Beddelka Dastuurka KMG." Doorka GWQ waa hagidda, taageridda, iyo talo siinta hay’adaha u xilsaaran dhammeystirka dastuurka.

5.         Dowladda Federaalka oo aan weli ku takhasusin nuxurka ku duugan dastuurka kmg ee ka kooban 143 qodob iyo 4 lifaaq, kaddibna aan sameysan istratejiyad ay ku hirgeliso.

6.         Wada shaqeynta fawdada ah ee u dhexeysa DF, DG, iyo Beesha Caalamka. Ma jiro xeer iyo dhaqan xakameynaya wada shaqeynta jaantaa roggan ee saddex geesoodka ah.

7.         Xalalka Jacburka ee Beesha Caalamka ay allifto si looga gudbo khilaafaadka joogtada noqday ee ka dhex aloosma Madaxda Soomaaliyeed, kuwaasoo abuura jaahwareer hor leh.

8.         Aqoondarrada, waayo-aragtino laa'aanta, dhaqanka munaafaqnimo iyo kooxeysi oo siyaasadda Soomaaliya aafeeyay.

9.         Shakiga laga qabo ujeedada, daacadnimada, kartida, awoodda dhaqaale, iyo daahfurnaanta DF ku diyaarin karto doorasho Q&C xor iyo xalaal ah waqti munaasib ah.  Qodobbada doorashada Q&C waa in marka hore dastuurka lagu faaahfaahiya, kaddib sharci la diyaariyo, kaddibna la dhiso maamulka madaxabannan oo fulin kara doorasho waafaqsan dastuurka, sharciga, iyo xeerarka kale.

10.       Nidaamka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka oo loo arko inuu ka liito, ka xun yahay nidaamka Barlamaaniga ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga wadaagaan. Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Talyaaniga weligood isma qaban. Xilka Madaxweynaha waa ka baxsan saddexda (3) awood ee dowladda. Shacabka Talyaniga waa ku qanacsan yihiin nidaamkooda. Nidamyada siyaasadeed ee dalalka Mareykanka, Talyaniga, Ingiriska, iyo Fransiska waxay leeyihiin qaab dhismeed lagu xaqiijinayo is ilaalin, isla xisaabtan, daahfurnan, iyo isa-saxid awoodaha saddexda ah ee dowladda.    

Sida darted, waxaa habboon in go’ammada GWQ loo gudbiyo hay’adaha u xilsaaran wax ka beddelka iyo dhammeystirka dastuurka si loo marsiiyo habraaca doodda, lafagurka, ka baarandegga, iyo qaabeynta. Arrinta kordhinta muddo xileedka waxay mudan tahay dib u eegid gaar ah.

Waa muhiim in Madaxweynaha JFS, Barlamaanaka Federaalka, Hay’adaha Fulinta, DG-yada, waxgaradka bulshada Soomaaliyeed, iyo Beesha Caalamka ka qayb qaataan hagar la’aan xaqiijinta ku guuleysiga saddexda qodob ee Dowladda Federaalka bartilmaamedka ka dhigatay.  Mas'uuliyadda badbaadada Soomaaliya waxay saaran tahay Madaxda Xukunka haysa.

Dr. Maxamud M Culusow
[email protected]



 





Click here