6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Sidee loo xalin karaa dhibaatooyinka laga dhaxlay Nidaamka Federaalka?

By Farah Aw-Osman
Thursday June 22, 2023

Wax yeelooyinkii laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ee Sideetamaadkii iyo Sagaashamaadkii maaha mid ku kooban oo qurdha jabka ku yimid qaranimadii Soomaaliyeed, balse, dhibka ugu weyni waa midka ku dhacay wadajirkii iyo wada-noolaanshihii ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo aad moodid inay kala aamin baxeen, qof iyo qabiil kastana uu u guryo noqday meeshuu ku nabadgeli karay, taasoo ah degaanka uu asal ahaan ka soo jeeday.

Hadaba, maadaama dalkii u kala jajabay deegaamo beelaysan, ayaa bal si dadkii kala irdhooday la isugu soo celiyo, kalsoonidii dhuntay dib loo dhiso, dowlad la wada leeyahayna dib loogu yagleelo, ayaa waxaa xal la mooday oo  la qaatay nidaamka maamul ee ku salaysan Federaalka. 

Nidaamkaani faa’iidooyin uu leeyahay oo badan ayaa jira, sidoo kale waxyeelooyin in la maareeyo u baahan ayaa jira iyaguna.

Faa’iidooyinka Nidaamka Federaalka:

1.   Maadaama sababihii ugu waynaa ee burburiyay qaranimada Soomaaliyeed ay ahayd la dagaalankii hogaankii keligii talisnimo, kaas oo awoodii dalka ay kusoo uruurtay hal shaqsi, ayaa nidaamka Federaalku wuxuu la yimid qaab looga hortagayo inaan awooda dalka hal shaqsi ama koox gacanta u gelin, balse la baahiyo dowladnimada, lana abuuro dowlad kuna timaada doorasho qof iyo cod iyo kalsooni shacab.

2.     Soomaaliya oo sida dalalka Afrikada kale ahayd dal madax ka nool ah, oo wax kasta loo doonan jiray Caasimada, taas oo 98% bulshadu awoodin, ayaa nidaamkan cusub ee Federaalku keenay in dowladnimadii la daadajiyay, taasoo keentay in adeegyada halbowlaha u ah bulshada loo madax baneeyo maamul-goboleedyada, taasoo sababtay in shacab kasta meeshay ku nool yihiin ka helaan dhamaan adeegyadii bulsho ee ay u baahnaayeen.

3.    Waxyaalihii ugu waynaa ee keenay dagaaladii sokeeye waxaa ka mid ahaa tacadiyada ay ciidamada dowlada dhexe u gaysan jireen shacabka ku nool gobolada qaar, ciidankaas oo ka amar qaadan jiray dowlada dhexe, hadaba, si aan tacadiyadaas bini-aadanimo ee beelaha qaar lagu beegsan jiray mar danbe u dhicin, ayaa nidaamka Federaalku u saamaxay in maamul-goboleedyadu yeeshaan dhismaha, talada iyo maamulka ciidamada Booliska iyo Daraawiishta, xubnaha ciidankaas oo ah kuwo u danqanaya una diirnaxaya bulshada ay u adeegayaan.

4.      Go’aan ka qaadashada khayraadka dalku wuxuu ahaa mid ku jira gacanta dowlada dhexe oo qudha, taasoo sababi jirtay in deegaamo khaas ah laga hirgeliyo mashaariic horumarineed, halka deegaamo kalena ay ka hamuumanaayeen wax horumar ah oo la taaban karo.  Sidaa awgeed, nidaamka Federaalku wuxuu u saamaxay in maamul-goboleed u madax banaanaadaan maamulka dakhliga canshuurta qaar iyo khayraadka deegaamadooda ka soo baxa, halka mashaariicda iyo mucaawinooyinka dalalka kale laga helana si cadaaladi ku jirto loogu wada qaybiyo dhamaan deegamaada Soomaaliyeed.

Way badan yihiin fa’iidooyinka laga dhaxlay ama laga dhaxli karo nidaamkan Federaalka ah, laakiin, nasiib daro maaha nidaam Rabaani ah oo barax tiran, balse, waa nidaam aadane sameeyay oo dhibaatooyinkiisa wata.

Dhibaayooyinka nidaamka Federaalka:

1.     Waxaad arki wadamada nidaamka Federaalka ku dhaqmayay mudooyin aad u dheer oo ilaa iminka la kufaa dhacaya fulinta nidaamkaan, welina sixitaan iyo dib u habayn ku wada.  Sidaa awgeed, Soomaaliya oo nidaamkaani ku cusub yahay, aan fahamsanayna hirgelinta nidaamkaan, howl-wadeenada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeedna helin tababaro aqooneed ee ku filan ayaa la qaatay nidaamkaan, taasi oo laga dhaxlay in madaxda dowlada Federaalku ay weli u dhaqmayaan sidii in lagu jiro nidaamkii dowlada dhexe ee keligeed wax walba maamulaysay “unitary government”.

2.     Maadaama aqoon-dari iyo awood-yari badan jirto oo ku aadan fulinta nidaamkan cusub ee Federaalka ayaa waxaa jira is-feeryaac, khilaafaad siyaasadeed iyo muran badan oo u dhexeeya dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, kaas oo u badan isku dhaca iyo isku gacan dhaafka awoodaha labadaa heer dowladeed.

3.      Rajadii ahayd in nidaamka federaalku ka hortagi doono inaan talada dalku aysan gacanta u galin qof iyo koox gaar ah, ayaad moodaa in laga dhaxlay in taladii maamul-goboleedyadu gacanta u gashay kooxo iyo qabiilo gaar ah, kuwaas oo ku xadgudbaya xuquuqda muwaadiniinta iyo qabiilada kale ee deegaamadaasi. 

4.     Sida maamulka iyo dowladnimada loo daadajiyo, taladii dalka ee baahsanaydna loo soo uruuriyo, ayaa lagu heshiiyay in la abuuro maamul-goboleedyo kooban, kuwaas oo sida ku cad dastuurka dalku ay ku bahoobi karaan labo gobol iyo ka badan (oo ka mid ah kuwii jiray burburka dowladnimo ka hor), kuwaas oo ku yimaada rabiyaan bulsho oo raali la isaga yahay.   Nasiib daro, waxaa samaysmay dowlad-goboleedyo aan loo marin dowgii sharciga ahaa, kuwaas oo aan qaarkood ku iman rabitaankaan bulsho, balse lagu dhisay jajuub ay kooxo gaar ah wateen ama dowlada Federaalka iyo dowlado shisheeye toos gacanta ugula jireen. 

Isku soo duuboo, su’aali kama taagnaa inay jiraan dhibaatooyinka ay ummadda Soomaaliyeed ka dhaxashay nidaamkan isaga ah, laakiin, waxaad moodaa in faa’iidooyinka waxbarasho, caafimaad, gaadiid, shaqo, horumarineed iyo adeegyada kale ee bulshadu ka dhaxashay nidaamkaan Federaalku inuu ka badan yahay dhibaatooyinkiisa.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Samo wax kaama dhimee, shar u toog hay”, sidaa awgeed, si loo turxaan bixiyo nidaamkaan isaga ah waa inaan laga baqin in laga doodo, lana wajaho dhibaatooyinkiisa si loo saxo, xal waafi ahna helo.

Ismaan-dhaafka siyaasadeed ee dhexyaal Gedo iyo Jubbaland, Hiiraan iyo Hir-Shabeele, Baraawe iyo Koonfur-Galbeed, khilaafaadka maamulka Puntland iyo mucaaradka, xal ka gaaris la’aanta maqaamka Muqdisho, Dagaalka Laascaanood iyo qadiyada Soomaaliland, kalsooni darada Dowlada Federaalka iyo qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, iyo qaar kaloo badani waa arimaha iminka taagan ee laga dhaxlay nidaamka Federaalka, lama huraana ay tahay in la saxo.

Sidaa awgeed, hadii la rabo in mushkiladaha taagan xal loo helo, dalkana iyo dadka Soomaaliyeedna laga badbaadiyo burbur cusub iyo dib ugu noqosho dagaalo sokeeye,  waxaa lama huraan ah:

·        In si loo xaliyo khilaafaadka jira, lagana dheeraado gacan ka hadal, waa in wax khilaaf kasta wada hadal, isla ogol iyo raali noqonsho bulsho loo maraa.

·         In si loo xaliyo khilaafaadka dhexyaal dowlada Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlada xubnaha ka ah, loogana hortago khilaafaadka siyaasadeed ee ragaadinaya dowladnimada, waa in la muujiyaa dulqaad dheeri ah, laga waantoobaa hadalada hawada la isku marinayo, laguna dhiiradaa wada hadal toos ah si loo helo jawi wada shaqayneed oo kalsooni iyo isla tashi ku dhisan.

·       In si looga hortago burbur iyo dib ugu noqosho dagaalo sokeeye, waa in laga waantoobaa jajuubka lagu dhisayo ama lagu dhisay maamul-goboleedyada, lana qanciyaa dareenka bulsho ama deegaanada saluuga qaba.

·      Hadii gobol A uu diido inuu kasii mid ahaado Maamul-Goboleedka B waa in loo saamaxo inay ahaan karaan (siday horayba u ahaayeen burburka ka hor) maamul iskiis u taagan.  Taas micnaheedu maaha inay inku awood ama qayb la noqon karaan maamul-goboleed kale ee ka kooban labo, sadex iyo ka badan, hadaba, si taa dawo loogu helana waa in lagu heshiiyaa habka wax qaybsi ee maamulada jira ama dhismi doona.

·    Si dowlada Federaalku u noqota mid shaqaysa ee aan fadhiid noqon, waa in hogaanka dalku u hogaansamaa nidaamka dalku qaatay ee Federaalka ah, ku ekaadaana awoodaha dastuurku siiyayn, una madax badayneeyaan dowlad-goboleedyada awoodaha gaarka ah ee dastuurku siiyay, waana wadadaas oo qura mida lagu heli karo jawi wada shaqayn, kalsooni, isla tashi iyo wax wada qabsi ku dhisan.

Farah Aw-Osman
[email protected]



 





Click here