advertisements

Wasiir Cabdulqaadir Jaamac iyo loolanka guddoonka baarlamaanka federaalka: Aragti ku saabsan jiheynta siyaasadda Soomaaliya

Font Size

By: Yusuf Said Hersi
Monday August 3, 2026

Wasiir Cabdulqaadir Jaamac iyo loolanka guddoonka baarlamaanka federaalka: Aragti ku saabsan jiheynta siyaasadda Soomaaliya

Siyaasadda Soomaaliya waxay mar kale gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo la hadal hayo dadaallo la xiriira doorashada hoggaanka Baarlamaanka Federaalka. Wararka siyaasadeed iyo doodaha ka dhex aloosan madasha siyaasadda waxay muujinayaan in Madaxwynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud uu taageero u muujinayo Wasiir Cabdulqaadir Jaamac si uu u noqodo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sida ay qabto aragtidayda siyaasadeed, dadaalladan waxay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu doonayo in saameynta xukuumaddu ku yeelato hay’adda sharci-dejinta. Waxa kale oo jira dood siyaasadeed oo sheegaysa in kursi baarlamaan loo boobay wasiirka, si loogu sahlo inuu u tartamo xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

advertisements
Aragtidaydu waxay tahay in haddii Guddoomiyaha Baarlamaanku uu noqdo shaqsi si buuxda ugu xiran fulinta, ay Meesha ka bixi karto madax-bannaanidii baarlaamaanka. Baarlamaanku waa inuu noqdaa hay’ad si madax-bannaan u ilaalisa dastuurka, isla xisaabtanka iyo danaha shacabka, halkii uu noqon lahaa meel lagu ansixiyo go’aannada dowladda iyadoo aan dood qoto dheer laga gelin.

Waxaa sidoo kale jira walaac siyaasadeed oo laga muujinayo xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, gaar ahaan  heshiisyada dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo khayraadka. Dad badan oo siyaasadda falanqeeya waxay qabaan in heshiisyada noocaas ahi ay u baahan yihiin baarlamaan awood leh oo si madax-bannaan u eegaya, kana doodaya, isla markaana hubinaya inay waafaqsan yihiin danaha qaranka Soomaaliyeed. Wasiir Cabdulqaadirna waxaa lagu xamanayaa in xiriir dhow uu la leeyahay Dowlada Turkiga.

Dhinaca kale, Guddoomiyihii  hore ee Baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa muddooyinkii dambe la kulmay dhaliilo uga yimid siyaasiyiin iyo xubno mucaarad ah oo ku eedeeyay inuu fududeeyay ansixinta sharciyo iyo go’aanno ay ku doodayaan inaan si ku filan looga doodin. Dhaliilahaas ayaa horseeday naanays siyaasadeed (Aadan Ansax) oo ay mucaaradku adeegsadaan. Haddii taasi sax noqoto, waxaa muhiim ah in hoggaanka cusub ee baarlamaanku uu muujiyo dhexdhexaadnimo iyo madax-bannaani si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.

Aragtidayda, khatarta ugu weyn maanta ma aha qofka xilka qabanaya oo keliya, balse waa in Baarlaamaanka Federaalka uu lumiyo kaalintiisii dastuuriga ahayd ee ahayd inuu noqdo hay’ad madax-bannaan oo ilaalisa danta qaranka. Soomaaliya waxay u baahan tahay baarlamaan awood u leh inuu si xor ah u qiimeeyo heshiisyada caalamiga ah, ula xisaabtamo xukuumadda, isla markaana ka shaqeeyo ilaalinta madaxbannaanida qaranka iyo danaha shacabka.

Sidaas darted, waxaa waajib siyaasadeed saaran xildhibaannada, mucaaradka, bulshada rayidka ah iyo dowlad-goboleedyada inay si dhow ula socdaan hannaanka doorashada hoggaanka baarlamaanka iyo jihada uu u socdo, iyagoo ku adkeysanaya hufnaan, isla xisaabtan iyo ilaalinta madax-bannaanida hay’adaha dowladda.

Ugu dambeyn, mustaqbalka Baarlamaanka Federaalka wuxuu saameyn toos ah ku yeelan doonaa jihada siyaasadeed ee Soomaaliya sanadaha soo socda. Sidaas awgeed, doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka waa arrin ka weyn shaqsi; waa go’aan saameyn  ku leh dheelitirka awoodaha dowladda, ilaalinta dastuurka iyo madaxbannaanida qaranka.

______________________________

Yusuf Said Hersi
[email protected]