By: Yusuf Said Hersi
Thursday August 6, 2026

Qoraalkani waa aragti ku saleysan fahamka qoraaga ee taariikhda iyo siyaasadda Soomaaliya
Marka dib loo milicsado taariikhda Soomaaliya, Puntland waxay isu aragtaa maamul door muuqda ka qaatay dadaalladii dib loogu dhisay dowladnimada dalka. Sida ay qabaan dad badan oo taageersan Puntland waxay muddo dheer u istaageen difaaca mabda’a dowladnimo iyo nidaam ku dhisan awood-qaybsi.
Aragtidan waxay tilmaamaysaa in Puntland ay ka hor timid dowladdii Kacaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre, iyada oo u arkaysay in isbeddel siyaasadeed uu lagama maarmaan u yahay dalka. Marka ay dowladdii dhexe burburtay ka dib, Puntland waxay sanadkii 1998 aas-aastay dowlad Goboleedka Puntland, iyadoo caddeysay in ujeeddadeedu ayasan ahayn gooni-isu-taag, balse ay ahayd in la helo dowlad Soomaaliyeed oo federal ah oo mideysan.
Sidoo kale, Puntland waxay sheegataa inay hormuud ka ahayd hirgelinta nidaamka federaalka iyo diyaarinta dastuurka, iyadoo u aragtay federaalka inuu yahay hannaan lagu xaqiijin karo wadajirka, awood-qaybsi iyo xasillonni siyaasadeed.
Su’aasha uu qoraagani is weydiinayo waxay tahay: Maxaa sababay in laba madaxweyne oo kala dambeeyey, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheikh Maxamuud, ay khilaaf siyaasadeed la galaan Puntland? Sida uu qoraagu qabo, khilaafkaasi wuxuu salka ku hayaa kala aragti duwanaashaha ku saabsan sida loo fasirayo loona dhaqan gelinayo nidaamka federaalka iyo qodobbada dastuurka.
Marka laga eego aragtidan, Puntland ma rumaysna in madaxweynaha federaalku uu awood u leeyahay inuu ka tallaabo xuduudaha dastuurka ama uu beddelo nidaamka federaalka isaga oo aan loo marin hannaan dastuuri ah. Sidaas darted, mowqifka Puntland waxaa lagu fasirayaa inuu yahay difaac ay u hayso dastuurka iyo nidaamka federaalka, halkii uu ka ahaan lahaa khilaaf siyaasadeed oo keliya.
Ugu dambeyn, qoraagu wuxuu ku doodayaa in haddii Puntland ay hore uga hortimid nidaam ay u aragtay mid aan caddaalad ku dhisnayn, ay maanta sidoo kale xaq u leedahay inay ka dhiibato tallaabo kasta oo ay u aragto mid ka hor imanaysa dastuurka iyo heshiisyadii lagu dhisay dowladda federalka. Sida uu qoraagu qabo, Puntland waxay u aragtaa in mowqifkeedu uu yahay garnaqsi ay u hayso Soomaaliya oo dhan, halkii uu noqon lahaa dano gaar ah oo gobol.
____________________
Yusuf Said Hersi
[email protected]