advertisements

Xorriyaddii Soomaaliya 1960: Riyo Qaran, csharro taariikheed iyo waajibaadka jiilka cusub

Font Size

By: Yusuf Said Hersi
Wednesday July 1, 2026

Xorriyaddii Soomaaliya 1960: Riyo Qaran, csharro taariikheed iyo waajibaadka jiilka cusub

Taariikhda ummaduhu waxay leedahay maalmo u noqda tiirarka jiritaankooda. Soomaaliya, 26-kii Juun iyo 1-Luulyo 1960 waa laba maalmood oo aan lagu xusuusan oo keliya munaasabad qaran, balse ah saldhigii fikirkii dowladnimada casriga ah ee Soomaaliyeed. Waa maalmihii ay rumowday riyadii xorriyadda, midnimada, iyo dhismaha qaran ay Soomaalidu yeelato.

26-kii Juun 1960, gobollada Waqooyi waxay ka xoroobeen Boqortooyadii Ingiriiska, iyagoo noqday dowlad madaxbannaan. Shan maalmood kadib, 1-dii Luulyo 1960, gobollada Koonfureed waxay ka xoroobeen Talyaaniga, waxaana isla maalintaas si mutadawacnimo iyo niyad-wanaag ku dhisan u midoobay labada dhinac, si loo dhiso Jamhuuriyadda Soomaaliya. Midowgaasi maahayn heshiis siyaasadeed oo keliya; wuxuu ahaa muujinta rabitaan qaran oo muddo dheer ka dhex noolaa shacabka Soomaaliyeed.

Hase yeeshee, marka laga gudbo damaashaadka sannadlaha ah, waxaa mudan in la isweydiiyo su’aasha ugu muhiimsan: Ma rumoobay himiladii ay xambaarsanayd xorriyaddii 1960?

Jawaabta su’aasha ma aha mid lagu soo koobi karo “haa” ama “maya”. Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan: dowlad-dhisid, horumar, afgambi, burbur, dagaallo sokeeye, faragelin dibadeed, iyo dadaallo dib loogu soo nooleynayo hay’adihii qaranka. Taas macnaheedu waa in xorriyaddii la helay ay weli u baahan tahay in lagu ilaaliyo dowladnimo hufan, sharci, caddaalad, iyo midnimo bulsho.
Waxaa jirta xaqiiqo siyaasadeed oo aan la dafiri Karin: gumeysigu wuxuu ka tagay xuduudo iyo kala qaybsanaan, laakiin shacabka Soomaaliyeed wuxuu uga tagay hal aqoonsi oo ay wadaagaan; af, diin, dhaqan, iyo taariikh. Sidaas darted, fikirkii Soomaaliweyn wuxuu ka dhashay dareen qaran oo dhab ah, ee kama dhalan damac siyaasadeed oo keliya. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqooyinka gobolka iyo nidaamka caalamiga ah ee maanta jira waxay ina barayaan in himilo kasta oo qaran lagu gaari karo oo keliya siyaasad ku dhisan nabad, wada hadal, iskaashi, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.

Doodda Soomaalinimada maanta waa inay ka gudubtaa xamaasadda dareenka una gudubtaa qorshe qaran. Qarannimo laguma cabbiro hadallada, balse waxaa lagu cabbiraa tayada hay’adaha, awoodda dhaqaalaha, heerka waxbarashada, iyo kalsoonida shacabka ee dowladdooda. Dal awood leh ayaa difaaci kara danhiisa, halka dal tabar daran uu ku mashquulo xallinta khilaafaadkiisa guduha.

Haddaba, waajibaadka ugu weyn wuxuu maanta saaran yahay dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxay ka badan yihiin kala bar bulshada, waxayna haystaan fursado aysan haysan jiilashii ka horreeyay. Tiknoolajiyada, waxabarashada, ganacsiga caalamiga ah, iyo isgaarsiinta casriga ahi waxay siiyeen awood ay ku noqon karaan jiilka dib u qaabeeya Soomaaliya.

Laakiin awood kastaa waxay la socotaa mas’uuliyad. Dhalinyaradu waa inay fahmaan in qabiilku uusan noqon Karin mashruuc qaran, isla markaana aysan jirin dowlad lagu dhisi karo eex iyo kala qaybsanaan. Taariikhda dunidu waxay caddeyneysaa in waddamada horumaray ay ka hormariyeen danaha guud kuwa gaar ahaaneed. Soomaaliya kama duwana.

Waxaa la joogaa waqtigii Dhalinyaradu ka beddeli lahaayeen hal-ku-dhegga “maxaa dalka ii qabtay?” una beddeli lahaayeen “maxaan dalka u qaban karaa?” Su’aashaas ayaa ah tii ay isweydiiyeen jiilkii  horseeday xorriyadda, waana su’aasha ay tahay in maanta dib loo soo nooleeyo.

Xuska 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo waa inuu noqdaa xilli dib loogu laabto qiimaha waddaniyadda, isla markaan lagu qiimeeyo halka ay Soomaaliya maanta taagan tahay. Xorriyaddu ma aha dhacdo taariikheed oo dhammaatay 1960; waa hannaan socda oo jiil kasta looga baahan yahay inuu qaybtiisa ka qaato.

Jiilka xorriyadda wuxuu dalka ka xoreeyay gumeysi. Jiilka maanta waxaa looga baahan yahay inuu ka xoreeyo saboolnimada, musuqmaasuqa, qabyaaladda, aqoon darrada, iyo kala fogaanshaha bulshada. Haddii taas lagu guuleysto, waxaa la dhihi karaa himiladii 1960 weli way nooshahay.

Taariikhdu waxay ina baraysaa in qaran kastaa uu ku waaro inta ay dadkiisu rumaysan yihiin jiritaankiisa. Soomaaliya waxay leedahay dal xooggan: dad dhalinyaro ah, khayraad dabiici ah, juqraafi istaraatiiji ah, iyo dhaqan mideeya shacabka. Waxa keliya ee u baahan in la xoojiyo waa hoggaan daacad ah, hay’ado shaqeeya, iyo bulsho rumaysan in masiirkeedu gacmaheeda ku jiro.

Sidaas darted, marka calanka buluugga ah la taagayo sannad kasta, waa in aan xusuusannaa in xorriyadda la dhaxlay aysan dammaanad u ahayn mustaqbalka. Mustaqbalka waxaa dammaanad u ah waxa aynu maanta qabanno.

Jiilkii 1960 wuxuu qoray boggii ugu horreeyay ee dowladnimada Soomaaliyeed. Jiilka maanta ayaa go’aamin doona in buuggaasi noqdo sheeko guul ku dhammaata iyo in uu noqdo fursad lumay. Taas waa imtixaanka dhabta ah ee horyaalla dhalinyarada Soomaaliyeed iyo himilada qaranka.

____________________________

Yusuf Said Hersi.
[email protected]