Qore: Yusuf Said Hersi
Sunday June 14, 2026

Siyaasadda Soomaaliya maanta waxay maraysaa marxalad xasaasi ah oo u baahan hoggaan mideeya aragtiyada kala duwan ee mucaaradka isla markaana awood u leh inuu dowladda kala xaajoodo arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan geedi-socodka doorashooyinka iyo dhismaha heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Waxaa isa soo taraya aragtida ah in Guddiga Samatabixinta ama Guddiga Mustaqbalka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin inay doortaan hoggaamiye leh adkaysi siyaasadeed, karti isu keenid iyo awood uu ku hago mucaaradka hal jiho. Magacyada inta badan la hadal hayo waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kuwaas oo taageerayaashoodu u arkaan siyaasiyiin leh waayo-aragnimo iyo mowqif cad.
Mucaaradku maanta uma baahna oo keliya hoggaamiye caan ah; waxay u baahan yihiin shaqsi awood u leh inuu mideeyo kooxaha kala duwan, yareeyo kala shakiga jira, isla markaana abuuro hannaan wadajir ah oo lagu wajaho dowladda. Hoggaamiyahaas waa inuu yeeshaa falsafad ku dhisan wada-hadal iyo xal-raadin, halkii uu ka dooran lahaa iskahorimaad siyaasadeed oo sii fogeeya dhinacyada.
Ujeeddada ugu weyn waa in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud iyo dhinacyada mucaaradka lagu soo wada fariisiyo miiska wadatashiga qaran, si heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo awood-qaybsiga. Soomaaliya waxay ka faa’iidaysan kartaa is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran, halka khilaaf joogto ahi uu dib u dhgi karo geeddi- socodka dowlad-dhiska iyo xasilloonida dalka.
Sidaas darted, su’aasha muhiimka ahi ma aha oo keliya qofka hoggaaminaya mucaaradka, balse waa nooca hoggaamineed ee loo baahan yahay. Haddii la helo hoggaamiye mideeya mucaaradka isla markaana awood u leh inuu dowladda ku qanciyo wada-hadal dhab ah, waxaa suuragal noqon karta in Soomaaliya ay gaarto heshiis siyaasadeed oo waara kana gudubto marxaladda khilaafaadka joogtada ah.
Yusuf Said Hersi
[email protected]