| Waxaa Tartankaan ka qayb galayo todobo (7) Kooxood
Waxaa magaalada Helsinki ee Finland si habsami ah uga socda tartankii ciyaaraha kubadda cagta ee xilliga qaboobaha. Tartankaas oo ka furmay magaalada Helsinki 21.2.05, ayna ka qeyb qaadanayaan 7 kooxood. Ciyaarahaas oo ahaa kuwo si aad ah loo soo agaasimey waxaa Xafladdii furitaanka ciyaaraha furay gudoomiyaha gudiga qaban qaabada Axmed Cabdulaahi Maxamed "Imad". Imad wuxuu si aad ah usoo dhaweeyay kooxahaan ka kala yimid wadamada kala duwan. Wuxuuna warbixin ka bixiyay qaabkii loo soo agaasimay ciyaaraha. Intaas kadib wuxuu hadalkii ku wareejiyay gudoomiyaha gudiga farsamada ciyaaraha isla markaana ah aabaha sportiga wadanka Finland Macallin Bashiir Cabdi Daahir.
Macallin Bashiir Cabdi Daahir wuxuu mahadcelin weyn usoo jeediyay kooxaha kasoo qeybgalay ciyaaraha iyo gudiga qabanqaabada oo xil weyn iska saarey qaban qaabinta ciyaarahaan. Gudigaas oo kala ah: Imad, Yaasiin Cabdi Raage, Ciise Xasan Jeyte, Mohamed Cusmaan waadhowr "Juujuule", Yuusuf "Maaweel", C/qaadir Macallin Cilmi "Qooje", Asad Maxamed Warsame iyo odayaasha kaleba. Wuxuu kaloo Macallin Bashiir si gaar ah ugu mahad celiyey odaayiisha lagu martiqaaday ciyaarahan kuwaas oo kala ah: Gudoomiye ku xigeenkii hore ee xiriirka kubadda cagta Md. Cabdi Cadde, xiddigii weynaa ee Bashiir Jeenyo, garsoore maxamed Mukhtaar iyo gudoomiyaha gudiga sportiga magaalada Stockholm md. Maxamed Muuse. Macallin Bashiir wuxuu ku guubaabiyey dhalinyarada ciyaaraha kasoo qeybgashay iney soo bandhigaan ciyaar ay ku dheehan tahay farsamo & asluub wanaagsan, isla markaana ay muujiyaan walaaltinimo, saaxiibtinimo iyo soomaalinimoba. Ugu danbeyntii wuxuu ciyaartoyda u ballan qaaday in lagu maamuli doono caddaalad.
Waxaa Halkaan isku arkidoona 7ba Kooxood
Ciyaaraha oo galay maaliontoodii 3aad ayaa waxaa maanta ciyaaro aad u kulul dhex mareen 6 kooxood oo u tartamatay kulanka beri dhici doona oo ah ciyaaraha semifinalka, loolan dheer kadib waxay natiikadii kama dambaysta ahayd noqotay sidan:
Ciyaarta koobaad waxaa furay kooxda martida looyahay kooxaha Kanava Finland iyo Benadir Swedan waxayna halkaas guushii si xarago leh ugu raacdey kooxda Kanava oo ku badisay 5-0
Ciyaarta labaad oo dhexmartey kooxaha Horseed Stokholm iyo Fc Somalia Finland waxay guushu halkaas ku raacday kooxda Horseed oo ku badisey 2-1
Ciyaarta sadexaad ayaa dhexmartay labada kooxood ee Uk iyo Denmark, halkaasna waxaa nasiib u yeeshay kooxda UK inay noqoto kooxda 4aad ee semifinalka usoo baxday Kadib markay Denmark uga badiyeen 2-1
Shujaac
Helsinki , Finland |