4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 6 , 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda ururka IGAD


Arbaco, Ogoosto 06, 2014 (HOL) —
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda urur goboleedka IGAD, kaas oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labadda dhinac iyo sidiii ay mashaariic balaadhan uga hirgalin lahaayeen Somaliland.

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Weftiga IGAD ka wadda hadleen sidii urur goboleedka IGAD uga qaybqaadan lahaa horumarka Somaliland, isla markaana u wada shaqayn lahaayeen.

"Socdaalka IGAD waxa uu ahaa sidii ay u Qiimayn lahaayeen Xaqiiqada Somaliland taala. Waanu soo dhaweynaynaa IGAD, waxaanu uga mahadcelinaynaa Wax tarkooda, waxaanuna jecelahay in Cilaaqaadka Somaliland iyo IGAD aanu sii kordhino" ayuu yidhi Wasiir Biixi

Wakiilka IGAD u qaabilsan Somalia, Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay nabadgalyadda Somaliland ka jirta iyo sidii ay wadda shaqayn u wada yeelan lahaayeen.

"Horana wuxuu Ururka IGAD Ugu hawlanaa wax la qabashada Shacabka Somaliland, idinkood Ogsoon inaanu mudaba maalgalin ku samaynaynay Iskuulka Sheekh(Qaybta Xanaanada Xoolaha). Iskuulkaasi oo dhamaan Gobolka anfacaya, shalayna aanu Booqasho ku tagnay oo aanu soo eegnay Hawlihiisa, Berberana aanu soo maray, waanuna ku faraxsanahay runtii inaanu muddo joognay caasimada. Waxaanu Samaynay Xog urursi ku saabsan waxyaabaha aanu Somaliland shacabkeeda kala shaqayn karayno" ayuu yidhi Maxamed Cabdi Afey.

Weftiga IGAD oo Maalmihii u dambeeyay Somaliland ku sugnaa ayaa kulamo la qaatay qaybo ka mid ah wasiirada Somaliland, shirgudoonka Baarlamaanka, waxaanu sheegay inay Somaliland ka caawin doonaan hirgalinta doorashadda soo socota iyo dhinacyadda caafimaadka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland