4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Barakac ka socda degmada Baraawe iyo ciidanka huwanta ah oo kusii Durkaya


Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa ka socda barakac ay sameynayaan dadweynaha, iyadoo la sheegay in degmadan oo ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku lahayd Koonfurta Somalia ay isaga baxeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo wata gaadiidka dagaalka.

Baraawe oo 200-km Muqdisho kaga beegan dhinaca Koonfureed ayay muddo ahayd meel ay Al-shabaab ku xooggan tahay, iyadoo mas’uul ka tirsan uu ka dhawaajiyay in degmada ay ka barakaceen shacabka, balse ay iyagu sii joogi doonaan aysanna u qorsheysnayn inay ka baxaan.

Sheekh Maxamed Abu-Cabdalla oo la hadlayay dadweyne maanta salaada Ciida ku tukaday magaaladaas ayaa u sheegay in Al-shabaab aysan ka bixi doonin degmada, isagoo shacabka degmadaas uga digay inay caawiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Goobjoogayaal magacyadooda qariyay oo ku sugan Baraawe ayaa warbaahinta gudaha iyo tan caalamka u sheegay in Al-shabaab ay billowday inay degmadaas isaga baxaan, inkastoo uu sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay weli ku sugan yihiin.

“Al-shabaab waxay billaabeen inay degmada kala baxaan gaadiidka dagaalka iyo hub, sidoo kale waxaa ka barakacaya shacabka oo baqdin ka qaba inuu ka dhaco degmada dagaal u dhexeeya ciidamada huwanta ah iyo Shabaab,” ayuu yiri goobjooge magaciisa u qariyay sababo ammaan awgood.

Ruuxan goobjoogaha ah ayaa intaas ku daray in degmada laga qaaday dhaawacmay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhaawacmay dagaalladii ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab horay ugu dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Mas’uul aan magaciisa la sheegin oo ka tirsan Al-shabaab ayaa warbaahinta caalamiga ah u xaqiijiyay in degmada laga barakacayo, iyaguna ay xeelado dagaal uga baxayaan, balse ay ka go’an tahay inay gacan ku haynteeda ku dagaalamaan.

Dhanka kale, ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa kusii siqaya degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ah meel ay xoogga saarayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya