4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
SAWIRRO: Hay'adda Hormuud Foundation oo Gargaar Gaarsiisay Naafada Isbitaalka Martiini


Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Shirkadda Hormuud Foundation ayaa maanta deeq gargaar ah oo loogu Talo-galay Bisha Ramadaan gaarsiiyey naafada ku jirta Isbitaalka Martiina ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo isugu jirta lacag cadaan ah iyo Timir waxa ay hay’addu gaarsiisay naafada xoogga dalka ee ku jira isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, oo iyagu ka mid ah dadka Caawinaada u baahan.

Maamulaha shirkada Hormuud Foundation Muuse Axmed Nuur oo ka hadlay gaarsiinta deeqda ciidanka Naafada ah ayaa waxaa uu sheegay in maamulka iyo shaqaalaha shirkadda oo is kaashanaya ay go’aansadeen in ay gar gaar u fidiyaan dadka danyarta ah.

“Halkaan walaalayaal saaka waxaa shirkadda Hormuud qaybteeda samafalka Hormuud Foundation ay ku wareejineysa Naafada Xoogga Dalka Xogaa yaroo lacag ah iyo xoogaa yaroo timir ah oo ay u kaalmeestaan Ramadaanka Insha Alaah” ayuu yiri Muuse.

Afhayeenka ciidamada naafada xoogga dalka Soomaaliyeed  Cabdi Mahad Cali ayaa waxaa uu uga mahad celiyay Hormuud Foundation deeqda ay soo gaarsiisay iyo sida ay mar walba u garab taagan tahay dadka masaakiinta ah.

“Waxaan u mahad celineynaa shirkada Hormuud oo bilkasta oo Ramadaan halkaan ka dhigatay joogto in ay timaado lacagtaas sadaxda kun ah iyo wax kasta oo ay gacanta ku hayso halkaaney keentaa mar kasta oo ay samafal sameynayaan, anaga nagama tagaan marka waxaan leenahay Hormuud Hantidaada Kheyr Haatufkagana Kheyr “ayuu yiri Cabdi mahad.

Todobaadkii hore ayay Shirkadda Hormuud  waxaa ay Xabsiga dhexe ee Xamar gaarsiisay gar gaar nuucyo badan leh sida raashinka nuucayadiisa iyo xoolo nool oo loogu talo galay in maxaabiista iyo ciidanka ay ka Afuran Ama Ku Saxuurtaan inta lagu guda jiro bishan Ramadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya