4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 27, 2016
Bandhig Faneed Eastleigh Wood ay Kuqabatay Eastleigh

Sebti, Feberaayo 27, 2016 (HOL)-Bandhig faneed si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaafada Eastleigh ee Soomaalidu ku badan tahay ee magaalada Nairobi, dalka Kenya.

Xaflada oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee iskoolka Eastleigh High School ayaa waxaa soo agaasintay isla markaana isku soo dubba riday shirkada soo saarta barnaamijyada dukumenteriga ah ee kusaabsan dhaqanka Soomaalida ee Eastleigh Wood oo daggan isla xaafada Eastleigh sida laga wada dheehan karo magaceeda.

Waxaa halkaas lagu soo bandhigay suugaan badan oo lagu qaadayay afafka Soomaaliga, Kiswahiliga iyo Ingiriiska oo ay kujireen heeso jacayl ah iyo kuwo wadani ah. Waxaa kaloo sugaanta halkaa lagu soo bandhigay kujiray gabayo iyo ciyaaro dhaqameed gaar ahaan ciyaarta dhaantada. Halkudhagga bandhigga ayaa ahaa 'Eastleigh Maahan Goob Argagixiso ee Waa Meel Hal Abuur'.   

Xaflada ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay kana qeyb qaatay barataarideeda shirkado badan oo ganacsi iyo macaahiid. Waxaa kasoo qeyb gashay shirkada Dahabshiil, baanka Chase Bank oo Kenya caan ka ah, Zetech College, UNISERV oo ah shirkad si tabarucaad ah ardayda ugu raadisa jaamacado dibada ah oo meelo badan oo caalamka ah oo Kenya ay ka mid tahay xafiisyo kuleh iyo shirkada kale oo badan. Shirkadahaa ayaa soo bandhigay badeecooyinkooda iyo adeegyadooda.

Waxaa sidoo kale bandhigga ka soo qeybgalay warbaahin kala duwan oo wax ka qoreysay ama duubeysay bandhigga oo ay ka mid ahayd bartaan wararka ee Hiiraan Online, Iqra FM iyo warbaahino kale.

Masuuliyiin farabadan ayaa goobtaa ka hadlay oo uu kujiray Burhaan Iimaan oo ah agaasimaha shirkada Eastleigh Wood iyo weliba xubno ka tirsan maamulka dawlada Kenya ee Eastleigh.

Xaflada oo bilaabatay galinkii hore ee maanta oo Sebti ah ayaa soo gabagabowday galab gaabadkii isla maanta ayadoo si guul leh ay kusoo dhammaatay.

Xafiiska Wararka ee Hiiraan Online,
Magaalada Nairobi, Kenya.