5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2020
Saxafiyiinta Muqdisho oo dhigay dibad-bax ay ku codsanayeen in lagusii daayo Weriye maalintii 44-aad ku jira gacanta dowladda


Isniin, Abril 20, 2020 (HOL) - Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay dibad-bax ay kasoo qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee Weriyayaasha Soomaaliyeed, madaxda ururada saxaafadda qaarkood iyo waalidiinta suxufi muddo dheer ku xiran Magaalada Muqdisho.

Dibad-baxaan oo ahaa mid dowladda Soomaaliya looga codsanayay iney dib xoriyaddiisa u siiso suxufi Maxamed Cabdiwahaab (Abuuja) , oo ah tafaftiraha idaacadda Hiigsi ee Magaalada Muqdisho.

Cabdalle Axmed Muumin oo ah xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS iyo Maxamed Ibraahim Macallimuu oo isagana ah xoghaya Ururka isu-tagga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa waxey si wada-jir ah dowladda uga codsadeen iney Weriye Maxamed Cabdiwahaab (Abuuja) siiyaan xoriyaddiisa, amma la hor keeno cadaaladda.

Dhinaca kale waalidiinta Weriyaha xiran ayaa waxey farriin u direen madaxda sare ee dalka sida Madaxwene Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre iney soo fara-geliyeen arrinta wiilkooda oo muddo dheer ku xiran Caasimadda Soomaaliya .

Weriye Maxamed Cabdiwahaab (Abuuja) oo ah tafaftiraha Raadiyow Hiigsi ayaa maalintii 44-aad ku xiran Muqdisho, isagoon wax Maxkamad ah lasoo hor-keenin, waana markii Sedaxaad ee suxufigaasi lagu xiro Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho