5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2020
Guddoomyihii degmada Shibis oo xilkii laga qaaday loona diray baaris

Isniin, Abril 20, 2020 (HOL) -Wareegto kasoo baxday guddoomiyaha gobolka Baanadir Cumar Filish, ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii degmada Shibis, Cabdiraxmaan Sayid Cali Xuseen, kadib markii lagu helay arimo musuqmaasuq.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Cumar Dheere, ayaa saxaafada usoo bandhigay xilka ka qaadistaan, isagoo sheegay in guddoomiyaha degmada Shibis lagu helay dambiyo ay kamid yihiin, inuu qaatay lacago ah laaluush uuna qirtay inuu falkaas ku kacay.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa sidoo kale loo diray waaxda dambi barista ee CID, si baaritaan loogu sameeyo dambiyada loo haysto.

Waa markii ugu horeysay oo guddoomiyaha gobolka Banaadir uu qaado tilaabo caynkaan ah, sidoo kale horey uma dhicin in guddoomiye degmo xilka looga qaado arimo musuq maasuqa la xidhiidha sanadihii ugu dambeeyay.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online