5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2020
Askari katirsan ilaalada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku dhintay shaqaaqo ka dhacday Garowe
 

Isniin, Abril 20, 2020 (HOL) - Askari katirsan ilaalada madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa ku dhintay is rasaasayn caawo Garowe ku dhexmartay ciiddanka bandowga Garowe iyo ciidamo kale oo ku sugnaa goob meherad ah oo lagu caweeyo.

Askari kale ayaa ku dhaawacmay falkaan oo ka dhacay meel aan ka fogayn ex kantaroolkii koonfureed.

Sababta keentay shaqaaqadaan ayaa lagu sheegay, kadib markii ciidamada bandowga wada ay isku dayeen inay albaabada ulaabaan meherad ay ku sugnaayeen ciidamo kale, taasoo markii dambe isku bedeshay is rasaasayn.

Ma jirto cid weli ka hadashay shaqaaqadaan, hase yeeshee waxay kusoo aadayaa xilli aad looga cabanayay ciidamada bandowga oo lagu eedeeynayay inay shacabka ku hujuumaan qori caaradiis, meeshii laga rabay inay dadka si wanaagsan ugu sheegaan inay guryahooda u hoydaan.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online