5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2020
Tirada kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya oo gaaray 237
 

Isniin, Abril 20, 2020 (HOL) - Tirada kiisaska Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa gaaray 237 qof, kadib markii goor dhowayd wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay in la diiwaan galiyay 73 xaaladdood oo cusub.

Waa tiradii ugu badnayd ee halmar la diiwaan galiyo. Waxaa xusid mudan 51 kamid ah waa rag, 22 kalena waa dumar.

Warbixintu waxay sheegaysaa in hal qof uu cudurka u geeriyooday, mid kalena uu ka bogsoday.

Soomaaliya waxay hadda safka hore ka galaysaa wadamada Afrika ee uu sida xowliga ah ugu faafayo cudurka Covid19.

Waxay hadda ku dhowdahay Kenya oo cudurku marayo 281 qof. Waxay ka sara martay dalka Ethiopia oo leh 111 kiis.

Waxay umuuqataa inay tiradu maalin walba labo jibaarmayso, marka loo eego warbixinadii hore.

Magaalada Muqdisho ayaa laga diiwaan galiyay kiisaskaan cusub, waxaana caawa la buufiyay qaar kamid ah waddooyinka caasimadda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online