5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2020
Hay'adda FOA oo ku baaqday in lagasii gaashaanto fatahaad ka dhalan karta kororka qulqulka webiyada Soomaaliya
 

Talaado, Abril 21, 2020 (HOL) - Warbixinada Saadaasha Roobabka ee usbuuca soo socda ayaa ku baaqaya in la kordhiyo tilaabooyinka xakamaynta khasaaraha roobabka ka socda inta badan gudaha Soomaaliya iyo dhulka sare ee Itoobiya.

Roobab mahiigaan ah oo lagu qiyaasay in kabadan 100 mm ayaa laga filayaa gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellooyinka iyo qeybo katirsan degaanada Somaliland.

Warbixintu waxay kaloo sheegaysaa in Roobab isku-dar ah oo gaaraya 40mm ilaa 60mm laga filayo gobollada Puntland iyo gobollada dhexe.

Waxaa la saadaalinayaa inay horseedi doonaan inuu kordho qulqulka wabiyada Jubba iyo Shabeelle ee Soomaaliya. Marka la eego saadaasha roobka iyo heerarka wabiyada.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2019, Fatahaad baaxad weyn oo ka dhalatay Roobabkii Deyrta, ayaa khasaare ba’an ka geysatay gobolka Hiiraan iyo gobolada kale ee uu maro webiga Shabelle.

Boqolaal kun oo qoys ayaa ku ceyroobay fataahadaas, sidoo kale waxaa ku naf waayay dad kaloo badan oo isugu jiray masuuliyiin iyo shacab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online