5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2020
10 ka tisan Al-Shabaab ah oo ay ku jiraan Caruur oo dowladda isku dhiibay
 

Talaado, Abril 21, 2020 (HOL) - In ka badan 10 ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ku jiraan caruur ayaa iska dhiibey magaalada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya.

Ilo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo sheegaya in dadka is dhiibay uu ka mid ahaa madaxii Al-Shabaab ee u xilsaarnaa aruurinta canshuuraha ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgallada millatari ee wadajirka ah waxay cadaadis adag saareen ururka Al-shabaab oo hadda u muuqda inuu luminayo gobolka Shabeeladda hoose, halkaas oo ah degaanada ugu badan ee ay kasoo abaabuli jireen weerarada ka dhanka ah dowladda federalka iyo Amisom.

Al-shabaab waxay hadda u muuqataa inay isku aruursanayaan gobolada Jubbooyinka, halkaas oo ay hadda ku leeyihiin awooda milatari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online