5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2020
Kenya oo gubtay shixnad kalluun ah oo Soomaaliya laga keenay
     

Arbaco, Abril 22, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa gacanta kudhigtay oo gubtay shixnad kalluun ah oo ka kooban 12 tone oo laga keenay Soomaaliya, si loogu iibgeeyo dalkaas.

Kalluunkaan ayaa ku qiimaysnaa lacag dhan Sh5 million oo ah lacagta Kenya ah, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaaa kalluun si sharci darro ah lagusoo geliyay dalka Kenya.

Hay’adda amniga Kenya ayaa sheegay in kalluunkaan oo ku jiray 761 kiish ay koox ganacsato ah kasoo safriyeen Muqdisho iyo Kismaayo, waxaana lagu qabtay gobolka Xeebta ee Lamu.

Kalluunku wuxuu ku wajahnaa magaalada Mombasa sida ay booliisku sheegeen.

Laamaha amniga ayaa dadweynaha hortooda ku gubay kalluunka, iyagoo sheegay inay tilaabo adag ka qaadidoonaan cidii isku dayda inay mar dambe isku dayda tilaabo nuucaan ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online