5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2020
Puntland oo iska fogeysay inay xayiraad kusoo rogtay ganacsiga gobolada kale ee dalka
 

Arbaco, Abril 22, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa iska fogeeyay inay xayiraad ganacsi kusoo rogeen ganacsiga iskaga kala goosha Puntland iyo gobolada kale ee Soomaaliya.

Guddiga Covid19 ee Puntland, ayaa warkaan uga jawaabay hadal labo maalin kahor kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu amray in aan wax raashin ah loo safrin meel ka baxsan Puntland.

Wasiirka duulista hawada Puntland oo katirsan guddigaan ayaa sheegay Puntland inay diyaar u tahay inay sii fududeyso ganacsiga iyo gargaarka u kala goosha Soomaaliya, xilliga lagu jiro dagaalka covid19 iyo gudashada bisha Ramadaan.

Wasiirka kalluumaysiga Puntland, Faarax Cawaash ayaa isna sheegay xayiraad lagusoo rogay isku socodka gaadiidka in aanu qusaynin gaadiidka xamuulka ee u kala goosha Puntland iyo gobolada ee dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online