5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2020
Masaajidka Darul Hijra ee MPLS oo Aadanka Salaadaha in Dibadda in loo Baahiyo loo Ogolaaday.
Arbaco, Abril 22, 2020 (HOL) -Duqa Magaaladda Minneapolis Jacop Frey ayaa ku dhawaaqay in inta lagu jiro bisha baraykaysan ee Ramadaan loo ogolaaday masaajidka Darul Hijra ee xaafadda Cedar Riverside aadaanka shanta salaadood laga maqli karo guryaha ku xeeran masaajidkaas oo qayb ka mida ah ee Riverside Place ay dagan yihiin dad ku dhow 5,000 qof.



Duqa Magaaladda Jacop Frey ayaa war saxaafadeed kooban ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ku dhawaaqo arintaan masaajidkaas ay codbaahiyaasha aadanka ay dibada u saarayaan waxuuna u mahadceliyey Imaamka Masaajidka Sh Cabdiraxmaan Shariif iyo hay'ada u dooda xaquuuqda Muslimiinta Maraykanka CAIR -Minnesota waxuuna Jacop Sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Jaaliyadda kala shaqeeyey arintaan.

Imaamka Masaajidka Sh. Cabdiraxmaan Shariif oo isaguna HOL la hadlay ayaa aad u soo dhaweeyey arintaan , waxuuna Shariifku sheegay in mudada dadka muslimiinta ah laga xayiray inay yimadaan masaajida  Covid-19 awgiis ay tani u noqonayso niyad dhis, waxuuna kaloo ii raaciyey in tani ay ku timi dadaalka masaajidaka & CAIR ay wada galeen.


Arintaan in masaajid laga Adamo waa markii ugu horeeysay ee laga dhaqan galiyo Magaaloooyinka waawayn ee dalkaan Maraykanka iyo waliba waa markii kowaad ee gobolkaan Minnesota ay ka dhacayso .Masaajidka Darul Hijra ayaa ka mid ah Masaajidada ugu qadiimsan ee ku yaal gobolkaan Minnesota waana kan ugu facawayn ee Soomaalida dagan xaafadaas ay ku iibsadeen isku tashigooda, waxuuna kaalin firfircoon kaga jiraa sidii ay isagu soo dhawaan lahaayeen dadka dalkaan yimi ee Soomaalidu ka mid tahay iyo dadkii nagu soo dhaweeyey,waxuuna masaajidkaan mar walba tababaro u qabtaa dadka aan Muslimiinta ahayn ee dagan xaafadaas oo ay u sharaxaan in diinta Islaamku ay tahay diin nabadgalyo oon ka soo horjeedin in dadku wada noolaado si kasta oo ay kula midab & diin duwan yihiin.

Dadwaynaha dagan xaafaddaas ayaa aad u soo dhaweeyey waxayna tan shalay markii uu warkaan soo baxay isladhex marayeen warkaan muslimiinta xaafadda farxada u ah oo ay isagu bishaarenayeen.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
Minneapolis,MN