5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2020
Jubbaland oo sheegtay inaaysan soo gaarin lacagihii loogu deeqay maamulada dalka
 

Arbaco, Abril 22, 2020 (HOL) - Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay inaaysan weli helin lacago dhawaan raisulwasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu amray in lagu wareejiyo maamulada dalka si looga hortago cudurka Covid19.

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Jubbaland ahna gudoomiyaha gudiga kahortaga Covid19 Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay inaaysan waxba soo gaarin lacagihii dowladu aay balan qaaday.

“Hal milyan ayaad ku dhawaaqdeen, xageey jirtaa lacagtaas, weli anaga namasoo gaarin, shilin kama haayno lacagta dowladu aay ku dhawaaqday, ma naqaan wax ku dhacay, waxaan codsaneeynaa in lacagtaas nalasoo gaarsiiyo si aan wax uga qabano cudurkan” Sidaas waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha Jubbaland.

Madaxweeyne kuxigeenka labaad Jubbaland Cabdiqaadir Maxamuud Lugadheere ayaa baaq udiray hay’adaha caalamiga ah inaay gargaar lasoo gaaraan Jubbaland, wuxuu sheegay in deegaanka aay joogaan barakacayaasha ugu badan islamarkaana aay muhiim tahay in lacaawiyo bisha Ramadaan.

Dhawaan ayaay ahaayd markii Raisulwasaare Xasan Kheyre uu amray wasaarada maaliyada Soomaaliya inaay maamul-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir aay ku wareejiyaan midkiiba hal milyan oo dollar si looga hortago xanuunka Covid19.

Maamulka Jubbaland ayaa ah maamulkii ugu horeeyay ee sheega inaaysan weli helin lacagtii looga hortagaayay Covid19 ee dowladu aay balan qaaday inaay siineeyso maamulada dalka, waxaana sidoo kale aanan la’ogeeyn in lacagahaas aay gaareen maamulada kale.