5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2020
Gudoomiye Mursal “Dastuurka meelna ugama qorna mudo kororsi”
 

Arbaco, Abril 22, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo wareeysi siiyay idaacada BBC ayaa sheegay in baarlamanku uu furmi doono bisha 5-aad, wuxuu sheegay in shaqa badan aay u taalo baarlamanka dalka.

Gudoomiyaha baarlamanka ayaa sheegay in sharuuc badan aay u taalo baarlamanka islamarkaana aay muhiim tahay in bisha soo aadan uu furmo kalfadhiga baarlamanka si sharciyada horyaala aay uga doodaan.

“Waa qasab in baarlamanku uu furmo horaanta bisha shanaad, waxaad lasocotaan in baarlamanku uu ansixiyay sharciga dooroshooyinka qaranka, sidoo kale gudiga doorooshooyinka qaranka waa inaay horyimaadaan baarlamanka dhamaadka bisha 5-aad si aay u sharxaan doorashada iyo qaabka aay u qabanayaan” ayuu yiri gudoomiye Mursal.

Gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa sheegay in aaysan jireeyn wax mudo kororsi ah, waxaa uu sheegay inaay diyaar u yihiin in doorashooyinku aay dhacaan.

“Wadankaan dastuur ayuu leeyahay, qodobada 64 iyo 91 ee dastuurka kumeel gaarka ah waxaay ka hadlayaan in mudada xil-haaynta baarlamanka iyo madaxweeynaha aay tahay 4 sano sidaas darteed ma jireeyso mudo kororsi waana in loodiyaar garoobaa doorashada”. Sidaas waxaa yiri Maxamed Mursal.

Hadalka gudoomiyaha aqalka hoose ee Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa imaanaya xili uu jiro walaaca ku saabsan in baarlamanka iyo madaxtooyadu aay sameeyaan mudo kororsi, maadaama xiligan uu gabagabo yahay mudo xileedkooda.

Gudoonka baarlamanka ayaa dhawaan dib u dhigay kalfadhiga baarlamanka, waxaana aay sheegeen inaay saameeyn ku yeesheen xaaladaha xanuunka Covid19 oo go’doon kala galiyay madaxda iyo baarlamanka.