5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2020
Booliska Mozambique oo kooxda Al-shabaab ku eedeeyay iney 52 ruux ku dileen waddankooda
   

Arbaco, Abril 22, 2020 (HOL) - War kasoo baxay booliska waddanka Mozambique ayaa waxaa lagu sheegay in koox la magac baxday Al-shabaab ay gudaha dalkaasi ku dileen dad u badan dhalinyaro oo gaaraya 52 ruux, taariikhda marka ay aheyd 7-dii April, sida lagasoo xigtay mas’uul u hadlay booliska .

Orlando Mudumane oo ah Afhayeenka booliska Mozambique oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay, in ka ciidamo ahaan ay aad uga xunyihiin tillaabadaasi arxan darrada ah oo ay kooxdaasi ku dhaqaaqeen, isagoo intaa ku daray in dadka la laayay lagu qasbayay iney qaataan fikirka kooxdaasi, balse ay  ka diideen.

Afhayeen Orlando waxa uu intaa ku daray in dhalinyarada qaar la gowracay  halka kuwa kalana lagu dilay rasaas, booliska ayaa waxa uu sheegay iney hadda qorsheynayaan iney la yimaadaan hab dadka looga badbaadinayo kooxdaasi.

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri "Ma jirto si looga sii aamusi karo Kooxdan Al-shabaab, iyagoo weliba dilaya dadkii rayidka ahaa, booliska waxa uu billaabayaa qorshe iyo hannaan dadka looga difaacaya kooxdaasi" .

Kooxdaan qaadatay magaca Al-shabaab waxey ka howl-gashaa dhinaca waqooyi ee Jamhuuriyadda Mozambique, waxey aad u la dagaallantaa dowladda, dhowr jeer weerarro ay qaaday waxaa ku dhintay dad rayid ah, laakiin lama oga in Al-shabaab-ka ka dhisan Soomaaliya ay isku xiranyihiin.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho