5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2020
Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo sheegtay in weriye Abuuja uu katirsan yahay Al-shabaab
 

Arbaco, Abril 22, 2020 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo katirsan idaacad lagu magacaabo Hiigsi, loo haysto inuu kamid yahay kooxda Al-shabaab.

Wasaaraddu waxay sheegtay weriyahaan in uu ku socdo baaritaan ku saabsan kaalinta uu ku lahaa dil loo geystay haweeney lagu magacaabo Baxsaney Booleey, dilkaas oo Boondhoore ka dhacay bishii hore.

Weriye Abuuja ayaa muddo ku dhow 2 bilood ku qaatay xabsiga, ururada udooda saxaafada Soomaaliya ayaa sameeyay iskusoo baxyo lagu dalbanayo in weriyaha xoriyadoodiisa loosoo celiyo.

Maxamed Cabdiwahab Abuja, ayaa waxaa soo xiray hay'adda NISA, 27kii Febraayo welina cadaalada lama horkeenin.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online