5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2020
Maamulka Koonfur galbeed oo ka hadlay xarigga Weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh
 

Arbaco, Abril 22, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Koonfur galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay xarigga Weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ah Wakiilka laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka (VOA), oo isniintii lagu xiray Magaalada Baydhabo, kadib markii la sheegay in uu warbixin ka sameeyay fal kufsi ah oo ka dhacay gudaha deegaan ka tirsan Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur galbeed ayaa waxa uu sheegay in Mukhtaar Maxamed Catoosh aan loo xiran arrimo siyaasadeed iyo waxyaabo kale , balse loo xiray tebinta sheeko la xiriirtay gabar la sheegay in la kufsaday, kadibna u geeriyootay. Waxa uuna tilmaamay in xariggiisa sifo waafaqsan sharciga Koonfur galbeed loo maray.

Wasiir Ugaas Xasan ayaa waxa uu ka hadlay eedda Koonfur galbeed ee ka dhanka ah suxufiga waxa uuna yiri "Muudo maalmo laga joogo ka hor Mukhtaar Maxamed Catoosh , waxa uu war ka tebiyay Magaalada Baydhabo , isagoo u diraaya VOA, kuna tilmaamaaya inuu ka dhacay Gobollada Koonfur galbeed kufsi, gaar ahaanna inta u dhexeysa Leego iyo Wanllaweyn , arrintaas oo Mukhtaar Maxamed Catoosh uusan xigasho iyo hubin uusan midna gelinin ayuu waxa uu idaacadda kasii daayay in la kufsaday saddax hablood, oo usoo socotay Magaalada Baydhabo, mid kamid ahna dhaawicii ugu geeriyootay Cisbitaalka weyn ee Baydhabo".

Hadalka Ugaas Xasan Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa waxey imaaneysaa kadib markii shalay Weriye Catoosh loo gudbiyay xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo, sida HOL ay u xaqiijyeen Ilo Xog-ogaal ah.

Weriye Mukhtaar oo ah suxufi caan ka ah gudaha Soomaaliya, waxa uuna muddo dheer ka howl-galayaa Idaacadda VOA-da,  isagoo sidoo kale horay ugasoo shaqeeyay Warbaahinta maxalliga ah qaarkood.

Dhinaca kale Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo sidoo kale Ururka caalimiga ah ee isu-tagga saxafiyiinta IFJ ayaa waxey xarigga Mukhtaar ku tilmaameen mid ka hor imaanaya xoriyadda hadalka iyo madax bannaanida saxaafadda.