5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2020
Farmaajo iyo Erdogan oo kawada hadlay iskaashiga dagaalka covid19
 

Arbaco, Abril 22, 2020 (HOL) - Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa Arbacadii maanta ka wada hadlay dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah cudurka faafa ee coronavirus-ka.

Agaasimaha Isgaarsiinta Turkiga ayaa sheegay in Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo ay sidoo kale isweydaarsadeen aragtiyo ku saabsan xiriirka labada dal iyo horumarka gobolka.

Coronavirus wuxuu ku faafay 185 waddan iyo gobollo tan iyo markii uu ka soo baxay Shiinaha bishii Disembar ee la soo dhaafay, iyadoo Mareykanka iyo Yurub ay yihiin meelaha ugu daran adduunka.

In ka badan 2.59 milyan oo kiis ayaa laga soo sheegay adduunka oo dhan.

Tirada dhimashada ayaa gaartey 180,000 halka kasoo kabashadiisu ay gaartey ku dhawaad 700,000, sida lagu sheegay xog ay aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins ee fadhigeedu yahay Mareykanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online