5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2020
Weriye Mukhtaar Catoosh oo caawa dib u helay xoriyaddiisii
 

Arbaco, Abril 22, 2020 (HOL) - Waxaa caawa dib u helay xoriyaddiisa Weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,  kadib  markii warbixin uu ka sameeyay sida la sheegay kufsi ka dhacay deegaan ka tirsan Koonfur galbeed uu maamulkaasi ka horyimid, sidaas darteedna loo xiray.

Wararka la xiriira sii deynta suxufigaasi ayaa sheegaya in uu bannaaka ku yimid damaanad , welina aan lasoo xirin kiiskii eedeyntiisa, xogta ayaa intaas ku dareysa in Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Amb:Cali Saciid Fiqi uu soo fara-geliyay xarigga Catoosh, isagoo kala hadlay in damaanad lagusii daayo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dhinaca kale Ururka Suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj ayaa soo dhoweeyay sii deynta Mukhtaar Catoosh, waxa uuna Ururku sheegay iney tahay wax lagu farxo in caawa uusan ku jirin jeelka.

Xoghayaha Nusoj Cumar Faaruuq Cismaan ayaa warbixin uu soo-saaray waxa uu ku yiri "Waxaan soo dhoweyneynaa warka ah in Mukhtaar Catoosh uusan caawa xabsiga ku jirin, waxaan weli aaminsannahay inuu yahay shakhsi aan wax dembi ah laheyn, waxa uuna ka shaqeynayay howshiisa saxafadeed, waxaan sidoo kale aad ugu mahadcelineynaa cid kasta oo ku garab istaagtay in lasii daayo".

Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa waxa uu la shaqeeyaa Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, muddo dheer ayuuna uga warramayay Magaalooyinka Koonfur Galbeed , waxa uuna xariggiisa qeyb ka yahay dhibaatada saxafiyiinta ay kala kulmaan Soomaaliya , sida ay ku doodayaan ururada saxaafadda u hadla.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho