5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2020
Ururka Suxufiyiinta aan Xuduuda laheyn oo sheegay in suxufiyiinta Soomaaliyeed la khatar gelinayo balse sheegay in talaabooyin wanaagsan la qaaday

Arboco, Abril 22, 2020 (HOL) -  Ururka Suxufiyiinta aan Xuduuda laheyn ee loo yaqaano RSF ayaa soo saaray warbixinta xoriyada saxaafada adduunka ee sanadlaha ah. RSF oo ka hadashay xaalada xoriyada saxaafada ee dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xoriyada saxaafada Soomaaliya ay soo wanaagsanaaneyso.

Warbixinta ayaa sheegtay in Soomaaliya ay weli ka mid tahay waddamada ugu halista badan qaaradda Afrika ee ay suxufiyiinta ka howl galaan, iyadoo saddex weriye lagu dilay sanadkii 2019, taasoo tirada guud ee wariyaasha la dilay tobankii sano ee la soo dhaafay ka dhigtay 50. Rabshadaha siyaasadeed iyo musuqmaasuqu waxay wiiqayaan xorriyadda saxaafada. Cadaadiska saaran saxafiyiintu iyo xarumaha warbaahinta wuxuu ka imaan karaa meela badan, gaar ahaan inta badan wadanka waxaa xukumaa kooxo aan dowli aheyn ama dowlad goboleedyo.

RSF waxay sheegtay in saxafiyiinta diida inay is-faafreebaan ay noqdaan kuwa bartilmaameed u noqda qaraxyada ama toogashada ay geystaan mintidiinta Al-Shabaab oo lagu eedeeyo dilalka ugu badan ee loo geysto suxufiyiinta, halka maamulada dalka ka jiro ay wariyaasha u geystaan xabsi aan sabab lahayn (Sanadka 2019 waxaa la xiray in ka badan 20 wariye), jirdil ama xiritaanka warbaahinta.
Hay’adda ayaa si gaar u sheegtay in maamul goboleedyada iskood isu maamula ee Puntland iyo Somaliland ay si daran oo kaligii talisnimo ah wax u caburiyaan, ayagoo culeys weyn saaraya warbaahinta maxalliga ah. Saxafiyiinta waxaa badanaa la horgeeyaa maxkamadaha militariga ama maxkamadaha fuliya shuruucda duugowday kuwaasoo ay ku dhaqmi jirtay xukuumadii militariga aheyd.


Arnaud Froger, Madaxa Afrika ee RSF ayaa yiri “Soomaaliya waxay kor ugu kacday hal meel liiska warbixinta cusub ee xorriyadda saxaafadda ee ay soo saarto ururka Weriyeyaasha aan Xudduudda Lahayn. Waxay macnaheedu tahay in xaaladda guud ahaaneed ay weli tahay mid wal-wal leh laakiin sidoo kale waxay tilmaameysaa in talaabooyin dhiirrigelin leh ay qaadeen mas'uuliyiinta dowladda federaalka si loo wanaajiyo xaaladda xoriyada saxaafada. Waxaan soo dhaweyneynaa xaqiiqda ah in sarkaal booliis ah iyo laba askari lagu xukumay ganaax sababtoo ah xadgudub ay u geysteen suxufiyiinta. Aqoonsiga in warbaahintu ay tahay adeeg muhiim ah si loola dagaallamo cudurka hadda jira ee 'Covid 19' sidoo kale waa astaan ​​wanaagsan. Soomaaliya waxay maraysaa marxalad isbadal leh.”

RSF waxay u ololeyneysaa mowqif ku saabsan in la hakiyo xariga ka dhan ka ah suxufiyiinta inta ay ku guda jiraan shaqadooda saxaafadeed iyo in lasoo saaro sharci saxaafadeed oo difaaca suxufiyiinta. “Waxaan sidoo kale kala shaqeyneynaa mas'uuliyiinta dowladda federaalka sidii loo aas aasi lahaa hanaan loogu talagalay badbaadada iyo amniga saxafiyiinta” ayuu ku daray Arnaud Froger.