5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2020
Ethiopia oo xirtay xuduuda Tog Wajaale halkaasna ku daabushay ciidamadeeda milatariga iyo booliiska
 

Arbaco, Abril 22, 2020 (HOL) - Saraakiisha ciidamada millatariga ee ka kala socda Itoobiya iyo Somaliland ayaa kulmay oo ka wada hadlay sidii loo fulin lahaa ka hortagga faafitaanka COVID-19 ee ku teedsan xadka magaalada Wajaale.

Ka-qayb-galayaasha waxaa ka mid ahaa Jeneral Zewdu Belay, Taliyaha Qaybta Bari ee Ciidamada Difaaca Itoobiya iyo Gaashaanle Sare Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka miltaraiga Somaliland iyo sidoo kale xubno ka tirsan booliska federaalka Itoobiya iyo saraakiil kale oo rayid ah.

Sareeye Guud Zewdu Belay, Taliyaha Qaybta Bariga Ethiopia, ayaa kulanka ka sheegay muhiimada la isugu yimid inay tahay sidii la xoojin lahaa dadaalada wadajirka ah ee lagu joojinayo dhaqdhaqaaqa dadka si looga hortago faafitaanka Coronavirus.

Sareeye Guud Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Guud ee Ciidamada Somaliland, ayaa sheegay in COVID-19 ay durba waxyeelo ba’an u gaysatay ummadaha horumaray ee adduunka oo dhan. Si taas loo gaaro, wuxuu bogaadiyay howsha ay wado dowladda Ethiopia ee ah ka hortagga faafitaanka viruska isla markaana yareyso waxyeelada uu leeyahay.

Wuxuu sheegay inuu ku raacay talaabooyin la qaadayo oo lagu joojinayo isu socodka dadka ee xuduudaha. Wuxuu sheegay Somaliland inay horayba u fulinaysay tallaabooyinkeeda si ay dadkeeda uga hor istaagto inay dhaqdhaqaaq ka sameyaan aagagga xudduudka ah ee Jabuuti iyo Itoobiya waxayna sii xoojin doontaa ayuu yidhi tallaabooyinkaas.

Xilligan, ciidamada difaaca federaalka iyo booliiska federaalka Ethiopia ayaa si wada jir ah u maareynaya xuduudaha u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland isla markaana hakinaya dhaqdhaqaaqa dadka.

Ciidamadu waxay booqdeen kontoroolka Tog Wajaale, oo durba la xiray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online