5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2020
Somaliland oo cabasho ka dhan ah mashruuca Baxnaano ugudbisay beesha caalamka
 

Khamiis, Abril 23, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa beesha caalamka u dirtay farriin qeylo dhaan ah oo ay kaga cabanayso mashruuc la magax baxay ‘Baxnaano’ oo uu dhawaan uu daah furay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Somaliland, ayaa lagu sheegay in mashruucaas laga leeyahay ujeedooyin siyaasadeed iyo faro galin ka dhan ah waxay ugu yeereen madax banaanida Somaliland.

Somaliland waxay si gaar ah warbixinteeda diirada ugu saartay bankiga aduunka oo isagu maal galiyay mashruucaan, waxayna weydiisatay Baanka Adduunka inuu fiiro gaar ah u yeesho deeqaha la siinayo Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland, waxay uga digtay hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee saldhigoodu yahay Somaliland inay mashruucaan ka qeyb qaataan.

Degmooyinka Gabiley, Lughaya iyo Saylac ee Galbeedka Somaliland ayaa ka mid ah 21-ka goobood ee mashruucan loo qorsheeyay in laga hirgaliyo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online