5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2020
Taliska Booliska oo isbdal ku sameeyay bandoowga Muqdisho
 

Khamiis, Abril 23, 2020 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed xijaar ayaa sheegay in isbadal lagu sameeyay bandoowga saaran magaalada Muqdisho, maadaama aay fooda nagusoo haayso bisha barakeeysan ee Ramadaan ayaa taliska Booliska Soomaaliya wuxuu sheegay is badaladan aay muhiim u yihiin kahortaga cudurka Covid19.


Taliyaha Booliska ayaa sheegay in bandoowgu uu bilaaban doono todobada fiidnimo, waxaa uu sheegay in markii hore uu ahaa sideeda fiidnimo islamarkaana halsaac lasoo hormariyay, taasina aay muhiim u tahay in lakala ilaaliyo shacabka.

“Bandoowga waxaan soo hormarinay hal saac waxaana uu bilaaban doonaa todobada fiidnimo, arinkaan waxaan uga dan-leenahay in aan dadka kala ilaalino, waxaaan kale oo amreeynaa inaan lafariisan karin goobaha lagu kulmo, sidoo kale maqaayadaha waay furnaanayaan oo waxaa laga qaadanayaa afurka laakiin cidna ma fariisan karto” ayuu yiri taliyaha Booliska Soomaaliya.

Taliyaha Booliska Cabdi Xasan ayaa hadalkiisa intaas ku daray “Waa in la’ogaadaa arinkan inuu yahay wax caafimaadkeena quseeya, waxaan gaadiiidleyda u jeedinayaa inaaysan qaadi karin dad badan, waxaan kale oo aan dhalinyarada kubada ciyaarta u sheegayaa inaay joojiyaan, Booliska xaafadaha waxaan u sheegayaa in waajib uu ka saaranyahay inaay dadka wacyi galiyaan”.

Bandoowgan oo todaadyo kahor lagusoo rogay dadka kunool magaalada Muqdisho ayaa saameeyn ku yeeshay ganacsiga iyo iskusocodkii dadka iyo gaadiidka, balse laamaha amniga ayaa sheegay in bandoowgu uu kamid yahay kahortaga cudurka Covid19.