5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2020
Dib u dhac ku imaan kara dacwada dhinaca badda ee Soomaaliya iyo Kenya
 

Khamiis, Abril 23, 2020 (HOL) - Dib u dhac ayaa ku imaan kara dhegaysiga dacwada dhinaca badda ee udhexeysa dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, iyadoo loo saameynayo musiibada Covid19 oo albaabada iskugu laabtay xaruntii maxkamadda cadaaladda adduunka.

Iyada oo tirada dhimashada caabuqa coronavirus ay sii kordheeyso adduunka oo dhan, Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda, ayaa joojisay dhammaan shirarka garsoorka ama dhageysiyada dacwadaha illaa iyo 31ka May.

Waxay sidoo kale maxkamadu joojisay in lasoo booqdo illaa dhammaadka bisha May.

Soomaaliya iyo Kenya waxay dacwada u ballansanyihiin bisha june ee soo socota, oo la filayo inay ahaatoo waqti weli dhexda looga jiro mushkilada Coronavirus.

Qoraalka maxkamada waxaa sidoo kale lagu sheegay tallaabooyinka la qaatay in  lagu qasbanyahay in lagu sameeyo dib-u-eegis dheeraad ah haddii xaaladu isisoo tari weydo.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in caabuqa Covid19 uusan dhaqso adduunka uga idlaandoonin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online