5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2020
Somaliland oo muddo 25 cishe ah xayiraad kusoo rogtay Qaadka
 

Khamiis, Abril 23, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa muddo 25 cishe ah xayiraad kusoo rogtay keenista iyo ka ganacsiga maaandooriyaha Qaadka, sida ay sheegeen guddiga ka hortagga iyo la tacaalida Coronavirus oo shir jaraa’id qabtay.

Guddiga waxay sheegeen in ganacstada Qaadka keenta ay isla afgarteen in qaadka la joojiyo muddo ku dhow hal bil oo ka bilaabanaysa maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in Qaadku yahay waxyaabaha ka qeyb qaadan kara faafitaanka cudurka Coronavirus islamarkaana ay tahay waqti munaasib ah in laga joojiyo Somaliland.

’’ Laga bilaabo maalinta axada cidii lagu helo iyadoo Qaad soo galinaysa ama ka ganacsanaysa in tilaabo sharci ah laga qaadidoono,’’ ayuu yidhi Saylici.

Somaliland ayaa Qaadka ugu badan wuxuu kasoo gala dhinaca Ethiopia.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online