5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2020
2 qof oo maanta COVID-19 ugu geeriyooday Soomaaliya iyo kiisas cusub oo laga helay meelo ay Galmudug kamid tahay
 

Khamiis, Abril 23, 2020 (HOL) -  War kasoo baxay dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in laba kamid ah Bukaannadii la xanuunsanayay Curdurka COVID-19  ay ugu geeriyoodeen Magaalada  Muqudisho, halka tiro kale oo gaareysa 41 kalena laga helay maanta dalka, kiisaska ayaa kordhaya Soomaaliya, taasina waxey muujineysaa walaac caafimaad oo hor leh.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxey sheegtay in laba ruux oo horay looga helay dulinka Coronavirus ay ka bogsoodeen , sida ay ku sheegtay warbixin ay caawa soo saartay.

Dhinaca kale dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa laga diiwaan-geliyay maanta kiiskii ugu horreeyay oo ah COVID-19, waxeyna arrintaasi muujineysaa in xanuunkan uu geeray meelo ka fog Caasimadda oo laga helay kiisaska ugu badan.

Warka Caawa Wasaaradda Caafimaadka iyo gudigga ka hortagga xanuunka COVID-19 ay sii daayeen ayaa lagu sheegay in afartanka  kale ee bukaan ee maanta laga helay xanuunkan ay ku suganyihiin Caasimadda Soomaaliya Muqdisho, waxeyna kala yihiin 31 rag ah iyo 10 dumar ah , sida lagu caddeeyay warbixinta .

Guud ahaan Wadarta kiisaska Coronavirus ee laga helay Soomaalliya ayaa gaarayaan 328 kiis, waxaana ka bogsooday illaa iyo hadda sideed ruux, halka ay xanuunkaas u geeriyoodeen 16 bukaan ahaa.

Madaxda sare ee Soomaaliya iyo wasaaradda Caafimaadka ayaa waxey ugu baaqeen shacabka iney qaataan tallooyinka caafimaadka ee ka imaanaya dhakhaatiirta si faafidda xanuunkan hoos loogu dhigo.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho