5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2020
Puntland oo soo bandhigtay qalabka lagu baaro cudurka Coronavirus oo loogu deeqay


Khamiis, Abril 23, 2020 (HOL) - Puntland ayaa caawa magaalada Garowe kusoo bandhigtay qalab loogu talo galay in lagu ogaado cudurka Coronavirus, oo ay ugu deeqday caafimaadka adduunka ee WHO.

Qalabkaan ayaa Puntland ka caawinaya in dad badan maalin walba laga baaro cudurka Covid19 iyo in natiijada baaritaanka si degdeg ah lagusoo gudbiyo.

Maalinta sabtida ee todobaadka soo socda, ayaa mashiinkaan la daahfuridoonaa iyadoo lagu bilaabidoono bukaanada ku jira xarumaha karantiilka.

Puntland waxay horey u sameyn jirtay inay dadka laga shakiyo ka qaado dheecaano kadibna u dirto dalka Kenya maadaaama aysan haysan qalabka lagu baaro cudurka, waxaana baaritaanada loo diri jiray dalka Kenya si shaybaar halkaas kuyaala natiijada lagusoo ogaado.

Inkastoo qalabka lagu baaro cudurka uu horey u yiilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, balse khilaafka Puntland iyo dowladda federalka ayaa sabab u ah in Puntlland Nayrobi la aado baaritaanada laga sameeyo goboladeeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online