5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2020
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan
 

Khamiis, Abril 23, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya,  Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo ay wehliyaan Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in barri oo Jimco ah ay noqoneyso maalinta koowaad ee bisha Ramadan.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed dowladda kasoo baxay, Wasiirka iyo culimadu waxay sheegeen in ay xidhiidh lasoo sameeyeen dad arkay bishii oo ku sugan gudaha dalka iyo dibedda, iyagoo laga xaqiijiyay caddayntooda.

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ganacsatada ugu baaqay inay afuriyaan walaalahood aan waxba heysan. “Ganacsatada waxaan ka codsaneynaa inay isu gar gaaraan oo ay gacan siiyaan shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxaan rabnaa in gebi ahaanba la xiro goobaha shaaha lagu cabi jiray iyo maqaayadaha xilliyada maalintii la canteen jiray, Alle ha naga dulqaado dhibaatada cudurka, Ramadankan kiisa kale Alle ha nagu gaarsiiyo bash bash iyo Barwaaqo” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kadib ugu hambalyeeyay Umadda Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha ayaa xusay fadliga Bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.

“Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo iyo kheyr kale oo badan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey halista caafimaad ee ku xeeran dalkeenna oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 ay aad u korortay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online