5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2020
RW Kheyre oo sheegay inaay maamulada gaarsiin doonaan qalab caafimaad
 

Jimco, Abril 24, 2020 (HOL) - Raisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlaayay barnaamijka kahortaga cudurka Covid19 ayaa sheegay inaay dhawaan sugayaan in dalka uu soo gaaro qalab caafimaad oo dowladu aay dalabtay. Waxaana uu sheegay in qalabkaas uu muhiim u yahay kahortaga cudurka Covid19.

RW Kheyre ayaa sheegay in qalabka caafimaad uu muhiim u yahay guud ahaan cisbitaalada dalka islamarkaaana qalabka loo qeybin doono maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa qeybaha bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inaay meel ugasoo wada jeestaan kahortaga cudurka Covid19, oo hada ku faafaya gudaha Soomaaliya, waxaana kiisaskiisu aay gaareen 328 qof.

“Waxaan dalbanay qalab caafimaad oo muhiim u ah ka hortaga iyo latacaalista cudurka Covid19, dhawaan ayuu nasoo gaari doonaa, waxaana u qeeybin doonaa maamulada dalka si aay uga hortagaan cudurkan” ayuu yiri RW Kheyre.

RW Kheyre oo hadalkiisa sii wada ayaa yiri “Dhamaan hay’adaha caalamka oo aan laxariirnay waxaan ka codsanay inaay meel iska dhigaan wax walba oo kale islamarkaana xooga la’isugu geeyo ladagaalanka masiibadan, waxaan ku bogaadinayaa inaay nala qaateen”.

Dowlada federaalka ayaa hergalisay cisbiyaalka Martiini oo ah goobta lagu karaantiilo dadka qaba cudurka Covid19, waxaana lasheegayaa in cisbitaalka aay kajiraan qalab iyo daawo la’aan.

Cudurka Covid19 ayaa ilaa hada soo ritay dad kabadan 300 qof waxaana jira cabashooyin ku aadan qalab iyo daawo la’aan kajirta goobaha loo qorsheeyay in lagu daweeyo dadka qaba cudurka Covid19.

Hasa’ahaatee dowlada ayaa maalinwalba ku celcelisa in aay wadaan dadaalo balaaran.