5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 17, 2020
Tobannaan ruux oo Af-duub loo haaystay dalka Cameroon oo lasii daayay
 

Jimco, Luulyo 17, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo dalka Cameroon ayaa waxay sheegayaan in tobannaan ruux oo loogu haaystay Afduub Gobol ku yaalla Koonfur galbeed oo carruur badani ku jirtay la siidaayay, kadib dhowr maalmood oo dabley looga shakisanyahay Anglophone ay haasteen.

Ma cadda in madax furasho laga bixiyay iyo in kale.

Xilli hore waxaa warbaahinta la hadlay mid kamid ah saraakiisha dowladda, gaar ahaan dhinacyada gooni u goosadka doonayo, oo lagu magacaabo  Gen Ayeke , waxa uuna sheegay in Af-duubka ay ka dembeeyaan iyaga, waxa uuna intaa ku daray dalbashada madax furasho.

Qiyaastii 60 ruux ayaa laga qafaashay deegaanka Mmouck Leteh Axaddii aynu soo dhaafnay, waxayna taasi keentay in ciidamada Militar-ga Cameroon ay sameeyaan gow-gal ballaaran.

Kala soocista shacabka Cameroon ayaa waxa dhaq-dhaqaaqyada la xiriira la billaabay sanadkii 2016-dii, waxaana dagaal ku saleysan luuqadaha dadka ku hadla English-ka iyo faransiisku ay keeneen jah-wareer ammaan.

Qiysaasaadka ayaa sheegaya in ku dhowaad 3000 oo ruux ay ku dhinteen colaaddaas .

Billowgii bishaan qaar kamid ah hoggaamiyayaasha kooxda kala milanka dooneysa oo maxaabiis ah ayaa waxaa la kulmay saraakiil iyo madax ka socota dowladda Cameroon , waxayna billaabeen dadaallo lagu wada hadlayo

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]