4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 2 , 2021
Qarax ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye

 

Sabti, Janaayo, 02, 2021 (HOL) -Qaraxan oo ka dhacay inta u dhaxeysa  deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole ayaa lagu waramayaa in lala eegtay Injineerrada ku howlan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxan ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo la sheegay in ciidamadu ka shakiyeen kaddibna rasaas ku furreen taasoo keentay in uu goobtu ku qarxo, waxaana ku dhintay ayaa la leeyahay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Lama sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray Injineerrada ku howlan dhismaha wadadan oo dhowr jeer oo hore la bartilmaameedsaday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]