4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2022
Xisbiga Waddani: Dowladeenii shimbirtii dhaqaaqdaba waxay leedahay waa Waddani
 

Talaado, Agoosto, 30, 2022 (HOL) - Xisbiga ugu wayn mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in xukuumadu ganacsatadii isku xilqaantay dhexdhexaadinta khilaafka doorashooyinka ay xisbi gaar ah ku tilmaanto.

Xogeeyaha Caddaalada ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis oo MMTV u warramay ayaa hadalka uu wasiir ku xigeenka amnigu qaar kamid ah guddida ganacsatada ugu sheegay in ay kamid yihiin xisbiga Waddani ku sifeeyay qabyaalad.

"Waxad arkaysa in isaga oo wasiir ah oo umada u dhaartay in uu qabyaalad cad lasoo fadhiistay, 6 qof ayaa ganacsato ahaa, 6-dii qof, qof kamid ah ayuu ka saaray markaasu yidhi waa Waddani" ayuu yidhi Yoonis.

Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay aaminsanyihiin in ganacsadii isku xilqaantay dhexdhexaadintu, ay yihiin muwaadidiin reer Somaliland ah oo aanay ahayn Kulmiye iyo Waddani mid toona, isla markaana ay ahaayeen dad tusaale u ah wadatashiga ay Somaliland kusoo caano maashay.

Waxa uu ku andacooday in xukuumadu ay qofkasta oo hadlaba ay leeyihiin waa xisbiga Waddani, taasi oo uu ku tilmaamay guul wayn oo xisbiga Waddani usoo hoyatay, waxaanu sheegay in uu yahay fikir uu qabo madaxweynaha Somaliland.

"Lakiin hadii dowladeenii shimbirtii dhaqaaqda iyo cidii hadashaba ay leeyihiin waa Waddani, waa farxad wayn oo Waddani usoo hoyatay, waa guul wayn oo Waddani usoo hoyatay, in umadii reer Somaliland ay gabi dhamaantoodba Waddani noqdeen" ayuu yidhi Yoonis. "Arragtidani maaha aragti ay wasiiradu hindiseen waa arragti madaxtooyada ka timid".

Waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland anay jirin cid ay aaminsatahay, oo odayaashii, ganacsatadii, culimadii iyo beeshii caalamkaba ka aamin baxday, isla markaana ay dadkii qabiil u kala saartay.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]